Gabadh Yar oo 17 Jir ah!!

 


Gabadh yar oo da’a ahaan 17 jir ah ayaa ila soo xidhiidhay. Waxa ay ka mid tahay asxaabta Faysbuugga iga baratay ee qoraalladayda ku xidhan.  Luuqa ayay iga soo tidhi: “ Walaal, iisoo ducee. Murugo iyo werwer nololeed oo daran ayaan la noolahaye.” Inta aanan codsigeedaa ducada ah u gelin waxa aan isku dayay inaan waraysto oo waxa haysta bal ogaado inaan wax kala qaban karo iyo in kale. Waan waraystay, waxayna ii sheegtay xaalad aan laga aamusi karin oo ah ta igu kelliftay inaan qoraalkan qoro. Anigu shakhsiyan caawimada kaliya ee aan qaban karayaa waxa ay noqotay inaan qisadeeda Bulshada Soomaaliyeed la wadaago aniga oo oggolaanshaha iyo codsigaba xaggeeda iiga yimid oo ka haysaa, iyo aniga oo xuquuqdeeda qofnimaba ilaalinaya.  

Magaceeda waxa la yidhaahdaa Samsam. Waxa ay ku nooshahay Kiiniya. Waa gabadh yar oo agoon ah. Hooyadeed oo hadda xanuunsanaysa ayaa agoonnimo iyo nolol adag ku soo korisay. Iyada oo korinteedii socoto oo ayna adkaan ayay hooyadeed xanuunsatay. Shaqadii iyo wixii ay qaban jirtay ayay Hooyadeed joojisay. Gabadha yari waxa ay la walaalo tahay laba wiil. Mid wuu xanuunsanayaa oo maskaxda ayaa laga haleelay oo oday adeer u ah ayaa sixray! Ka kalana wuu yaryahay oo Iskuul Boodhin ah ayuu ku jiraa.

Gabadha yar markii ay hooyadeed xanuunsatay waxa loo geeyay adeerkeed. Islaanta uu qabo adeerkeed ayaa ku shaqaynsan jirtay oo raran jirtay iyada oo weli yar. Silic kasta way badday, oo hooyadeedna waxaa loo sheegi jiray inay waxbarato si wacan u nooshahay. Markii inantii yarayd ay u adkaysan wayday dilmada islaanta adeerkeed qabo waxa ay isku dayday inay baxsato. Baabuur ayay baryo ku raacday, oo Hooyadeed oo danyar ah oo aan waxba haysan oo weliba xanuunsanaysa ayay u tagtay. Markan way yara kortay oo sidii hore way ka wayntahay.

Hooyadeed ayaa naaska buro ama calaamadi ka soo baxday. Waxa ay noqotay in Dhakhtar la geeyo magaalada Nayroobi. Gabadhan yar ee Samsam ayaa isku dayday inay hooyadeed Dhakhtarka gayso si calaamaddan looga soo gooyo. Wax lacag ah ayay u wayday. Waxa ay isku dayday inay u AMAAHATO. Lacagta ku baxday Dhakhtarkaas iyo hawlihiisa waxa ay noqotay lacag kor u dhaafaysa 2000$. Markii ay Hooyadeed xaaladdaas adag gashay waxa ay isku dayday inay dhawr qof ayay ka soo kala amaahatay Samsam.

Illaa hadda lacagtaas waa lagu leeyahay. oo maalinkasta waa loo soo doontaa. Waxa ay ii sheegtay inay raadisay shaqo, balse nasiibdarro may helin wax shaqo ah, maadaama ay yartahay da’ ahaan, sidoo kale ayna aqoon Maaddi ah ayna baran oo aqoontii loo baahnaa lahayn. Kaliya Quraanka ayay baratay. Kiina waxa ay isku dayday inay ku shaqaysato, balse shaqo kuma helin. Waxa ay isku dayday inay ONLINE dadka ugu dhigto, kiina macaamiil badan ayay wayday.

Inanta yari Nayroobi bay ku nooshahay. Nayroobi waa magaalada Maafiyada.Xaaladaha adag ee ay gabadhaas yari ka soo maray waa kuwo layaab leh oo xanuun dartood qalbiga ku dillaacinaya.

Hooyadeed haddana mar kale way xanuunsanaysaa oo xanuun kii hore ee laga qalay ka darana yaa haya. Dhuunta ayaa xanuunaysay. Sida ay ii sheegtay Samsam Dhakhaatiirtu waxa ay yidhaahdeen haddii laga gaadhi Kansar ayuu ku noqonayaa, wayna u dhimanaysaa!!

Markii ay hooyadeed mar labaad xanuunsatay lacagtiiDaynta ahayd ee aan soo xusnayna lagu leeyahay, Hooyadeed waxa ay u tilmaashay nin gabadha qaraabo yihiin oo Nayroobi deggan si uu u caawiyo. Samsam ninkaas ayay la xidhiidhay. Ninkii wuxuu u ballanqaaday inuu lacagtaas Daynta ah oo dhan ka wada bixinayo. Balse, hal shardi ayuu ku xidhay, oo kaliya wuxuu siin karaa uun lacagtaas haddii ay shardigaas u fuliso. Shardigaas uu ninkaasi ku xidhay waxa uu ahaa “ Aan kuu galmoodo! Ama jidhkaaga I sii.” Waa xaalad adag. Ninkaasi waxa uu isyidhi inantaas yar ee caarka ah baahideeda waad ka faa’ideysan kartaa, oo galmo waad ka heli kartaa haddii aad lacag siiso. Samsam sida ay ii sheegtay arrintaas way samayn kari wayday oo Alle ayay ka cabsatay, wayna diidday inay waxla’aan iyo gaajo u gumawdo oo jidhkeeda baahi looga faa’idaysto. Waa dhaqan aad u xun in qof baahan baahi looga faa’idayso oo wax uu dhawran jiray baahi looga qaato. Ninka gunta ahi inanta yar waxa uu doonay inuu baahideeda dhaqaalela’aaneed kaga faa’idaysato oo nacnacdaas ula tago.  Samsam, waxa ay ii sheegtay inay Alle isku xidhay oo arrintaas ninku u soo  bandhigayna ku dhiirran kari wayday. Sidoo kale, waxa ay ii sheegtay in dadkii lacagtaa ku lahaa maalinkasta u hanjabaan oo xadhiga iyo dacwad ugu hanjabaan, iyadna bilaa ciirsi iyo bilaa awood tahay.

Guntii iyo gebagabadii, sababta aan qisada idiin ku soo qoray waa in aan gabadhaas yar caawinno, oo ugu yaraan daynta ka bixinno. Qofkii raba inuu gabadhaas yare e bilaa miciinka ah ee maalinkasta lacagtaas loogu hanjabayo inuu caawiyo, si gaar ah ha iila soo xidhiidho, aniga ayaa iyada si gaar ugu xidhaya, wixii uu ku caawinayana iyada ayuu toos ugu diri.

Billaahi calaykum, arrintaasi waata ani inaan waxaas oo qoraal ah ka qoro igu kalliftay, waata isoo kicisay ee dareenkaas I gelisee inantaas yar ee aan muddada badan farxadda arag aynu ka farxinno.

FG: Sawirkeeda, macluumaadkeeda iyo waxkasta oo lagu garan karo gabadhaas yar waan qariyay. Lanbarkarkeeda iyo Cinwaankeedana halkan kuma xusayo. Sababta ugu wayn ee aan u qariyayna waa aniga oo mustaqbalkeeda iyo aayaaheeda danbe ee nololeed u tudhaya. Garashadayda bini’aadannimo, caqligayga iyo aqoonta aan bartayba waxa ay I farayaan gabadhaas yar ee baahatay inaan mustaqbalkeeda u tudho aniga oo isku dayaya in la caawiyo. Qoraalka intaas leeg iyo hawshaas wayn ba Alle dartii iyo dareen bini’aadannimo ayaa I geliyay. Aqoon hore anigu uma lahayn, xalay ayaan gebigeedaba bartay oo qisadeeda iyo xaaladdeeda ila wadaagtay, igana codsaday inaan xaaladdaas adag ee ay muddada ku jirtay wax kala qabto. Waxa ugu wayn ee aan kala qaban karayay wuxuu ahaa inaan sheekada qoro oo baahiyo. Tiina waan yeelay. Adna wuxuun ku caawi gabadhaas yar. Qofkii bilaa shuruud ku caawinaya ee inantaas yar werwerka, murugada iyo walbahaarka haysta ka qaadayaa si hoose ayaan iskugu xidhayaa.

 

Xaaladdaas wuxuun kaga qaybqaado, ugu yaraan qof aad wanaag ku ogtahay MENTION dheh oo halkan uga wac, ama ugu yaraan Sheekada nala baahi ( Shared) dheh.

 

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?