Sookoobidda buugga “ Awoodda Bini’aadanka ~ الطاقة البشرية والطريق إلى القمة.”

 



Hordhac

Buuggan la yidhaa “Awoodda Bini’aadanka.” Waxan qoray Dr Ibraahin Al Fiqi. Ibraahin, waxa uu ahaa tababbare, iyo aqoonyahan wayn oo ku takhasusay aqoonta horumarinta Bini’aadanka.  Waxa uu u dhashay dalka Masar. Waqtigii hore waxa uu ka soo shaqeeyay Hudheello Kanada ku yaalla, oo markii danbe uu maamul ka noqday.

Waxa uu qaatay 23 Diblooma ah, iyo 3 shahaadooyin sare ah oo ku saabsan horumarinta bini’aadanka.  Shahaadada sare ee Ph.D waxa uu ka qaatay Jaamacadda Loosanjalis ee dalka Maraykanka. Wuxuunna ku diyaariyay Metaphysics. Waxa uu aasaasay xarumo badan oo qaarkood lagu barto culuunta Horumarinta Bini’aadanka. Qaarna ka shaqeeyaan horumarinta bini’aadanka.

Waxa uu ahaa qoraa qalinkiisa aad loo jecelyahay. Buugaag badan ayuu qoray. Buugta uu qoray waxa ka mid ah buugga la yidhaa “ Maaree Noloshaada.” Iyo “ 10ka Fure ee Guusha.” Buugtiisa waxaa lagu turjumay Shan Luuqadooda, oo kala ah: Faransiis, Carabi, Kurdi, Ingiriisi, iyo Induunisi.

Sidoo kale, waxa uu ahaa khudbadjeediye wayn. Kulamadiisa waxaa soo xaadiri jiray kumannaan qof oo meelo kaladuwan uga iman jiray. Waxa uu ku hadli jiray saddex luuqadood: Carabi, Faransiis, iyo Ingiriisi. Waxa uu geeriyooday sannadkii 2012kii.

Buuggan waxa uu kaga warramayaa, awoodda uu qofku u leeyahay, iyo inay u fuddahay inuu guul gaadho.

Nuxurka Buugga

Dadka oo dhani waxa ay haystaan:

1-      Waqti isku mida

2-    Tamar.

3-     Shan dareeme.

4-    Feker.

 

Qeybaha awoodaha

1-      Awood dhaqdhaqaaqeed ( Xarako): Dhaqdhaqaaqu waa ka kala saara maydka iyo noolaha. Waanna waxa uu nooluhu kaga duwanyahay sida dhagaxaanta, buuraha IWM.

2-    Awood jidheed: Waa awoodda uu jidhku leeyahay ee uu ka helo cuntada, cabbidda, hurdada, neefsiga IWM.

3-     Awood fekereed: Fekerku waa awoodda ugu weyn ee dadku kaga duwanyihiin noolaha kale. Sidoo kale, waa ta ugu mudan qofka xubnihiisa, waanna ta go’aamisa qofka horusocodkiisa.

Awoodda saddexaad maadaama aynnu nidhi waata ugu muhiimsan ee bini’aadanka, qoraagu iyada ayuu gaar uga sii hadlayaa. Wuxuuna qoraagu sheegayaa, waxyaabaha aasaaska u ah AWOODDA FEKERKA. Waxaanna ka mid ah:

B)    Qofku inuu fekeri karo, meel diirrada saari karo.

T)    Inuu qofku wax taxliilin karo ( Falanqayn karo).

J)     Inuu qofku wax isbarbardhigi karo.

X)   Inuu qofku go’aan gaadhi karo.

5) Awood dareen ( caaddifadda).

6) Awood Ruuxeed: Qoraagu waxa uu leeyahay, awooddani waata keenta mabaadi’da. Haddii ayna awooddani jirteen lama heleen mabaadi’.

Qofku markuu yaryahay saddex marxaladood ayuu maraa. Waxa ay kalayihiin:

1-      Marlaxadda uu waxbaranayo oo ah ta la barbaarinayo ee dhaqanka iyo deegaanka la qabsanayo.  Se ma qiimayn karo mabaadi’da IWM. Waanna intuu qofku gaadhayo 7 sano. Xilligan waxa uu ogaanayaa cidda jecel, cidda uu jecelyahay sida aabbihii, Hooyadii IWM.

2-    Ta uu isbaranayo ee is helayo.

3-     Marxaladda uu kibrayo: Markan wuu waynaanayaa, oo waxkasta isagaa isku tiirinaya.

Maxaa looga baahanyahay qofka Waddada Guusha u socda?

Qoraagu qodabbo badan ayuu qabaa inay yihiin waddadii guusha loo marayay. Qodobbada waxa ka mid ah:

1-      Tagtadii Ogoow: Marka koowaad, qoraagu waxa uu ku leeyahay “ Tagtadu waxa ay saamaysaa Mustaqbalka.” Waxa uu qabaa in qofkii doonayan inuu baddelo mustaqbiisa waa inuu eegaa tagtadii soo martay, waanna inuu wax ka bartaa, oo tan joogta uu uga faa’ideystaa. Qoraagu waxa uu ku doodayaa, haddii la dhayalsado tagtadii, oo waxba laga soo qaadi waayo in aan mustaqbalku sida la doonayo noqonayn. Haddii uu qofku guuldarraystay oo guuldarradaa waxba ka baran maayo sidaas ayay ugu soo laalaaban mustaqbalka.

2-    Inuu Alle isku xidho qofku.

 

W/Q: Cabdirasaaq Sandheere

6 Abril, 2020.

 

 

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?