Sideed u ilaashan kartaa degganaantaada maskaxeed ( Peace of mind)?

  



Maadaama dunidu kharribantay oo waxyaabo badan oo aan hore u jirin soo kordheen waa muhiim in qofku degganaanshihiisa maskaxeed ilaashadaa. Dunida ka batay metelaadda beenta ah ( fake) ee shakhsiyaadka iyo waxkasta, waxa kale oo xadhkaha goostay isticmaalka aaladaha Baraha Bulshada oo waxkasta la soo geliyo, qofkii wuxuu arkayaa waxkasta oo dunida ka dhacaya, waxyaabaha uu arkayo waxa ka mid ah waxyaabo cabsi leh oo naftiisa cabsi iyo aragaggax ku keenaya, markaa waa muhiim in qofku ilaashado degannaanta maskaxdiisa.

Haddaba sidee u ilaashan karaa degganaanta?

-         Naftaada cidna u sharraxin, oo adigu hadday nolosha caadiga ah ama ta baraha bulshada noqoto cidna naftaada ha u sheegsheegin.

-         saaxiibbadaa ha badin; dadka yar ee tayada leh ayaa ka qiimo badan dad badan oo aan faa’iido lahayn. Ha ku mashquulin inaad dad badan taqaan; dooro dad yar oo daacad ah, lagu kalsoonaan karo, horumar kuu horseeda, oo noloshaada qiimo ku kordhiya.

-         Dareenkaaga xakamee oo maamul,  Feker kasta ama hadal kasta uma qalmo inaad ka falceliso.

-         Qorshahaaga qari oo si aamusnaan ah u shaqee, shaqadaada wad, ha shaacin qorshayaashaada, keliya ha la arko natiijooyinkaaga.

-         Waqtigaaga qiimee oo u ilaali sida aad lacagtaada u ilaalin lahayd, waxyaabaha aan muhiimka

 

Cabdirisaaq Sandheere

Comments

Popular posts from this blog

15 XEER EE NIN RAGEEDKA

Muhiimadda Shaqada

Gorfeynta Buugga “ A Woman of Firsts ~ Marwadii koowaad” oo Dr Edna Aadan qortay