10 Xeer ee nolosha xasilloon
1- Astur noloshaada gaarka ah oo sir ha kuu ahaato: Qof kastaa uma baahna inuu ogaado waxa aad samaynayso, waxa aad haysato iyo halka aad u socoto. Noloshaada gaarka ah ilaasho, adigoo aamusan horumarkaaga samayso.
2- Aad Gym-ka si aad u jimicsato: Gym-ka aad, jidhkaaga dhis, maskaxdaadana xooji.
3- Si qurux badan oo habboon u labbiso: Waa inaad xidhato dhar nadiif ah, hagaagsan, qurux badan, kuna habboon goobta aad joogto. Labbiskaagu ma aha oo keliya qurux; wuxuu sidoo kale muujin karaa nadaafaddaada, habdhaqankaaga iyo xirfadnimadaada.
4- Hadalka yaree: waa inaad hadalkaaga xakamayso, aanad wax kasta ka hadlin, oo aad barato inaad dhegaysato dadka kale.
5- Noloshaada si dhab ah u noolow: waa inaad noloshaada ku raaxaysato, fursadaha ka faa'iidaysato, yoolalkaaga raacdo, oo aanad waqtigaaga ku lumin cabsi iyo welwel joogto ah.
6- Isla weynaan ha yeelan: Waa inaad ahaato qof is-hoosaysiiya, dadka ixtiraama, aan islaweynaan, xitaa marka aad guul gaadho, maal hesho ama sumcad yeelato.
7- Hadafyadaada ku dadaal: Waa inaad si joogto ah ugu dadaasho waxyaabaha aad doonayso inaad nolosha ka gaadho, adigoon caqabadaha iyo guuldarrooyinka yaryar ku niyad jabin. Hadafku kuma rumoobo rabitaan keliya; wuxuu u baahan yahay qorshe, ficil joogto ah, dulqaad iyo anshax.
8- Cunto caafimaad leh cun: Cunto caafimaad leh cun, si adag u jimicsi, nolol fiicanna ku noolow.
9- Dadka u naxariiso: Waa inaad dadka ula dhaqanto si wanaagsan, u naxariisato, u ixtiraamto, oo aad ka fogaato inaad hadal ama ficil ku dhaawacdo.
10- Ka fogow muranka iyo buuqa aan loo baahnayn: Waa inaad ka fogaato khilaafaadka aan faa'iidada lahayn, xanta, dadka dhibaatada abuura iyo xaaladaha nabaddaada maskaxeed wax u dhimaya.
~ Alpha mentality
Turjumaad: Sandheere

Comments
Post a Comment