Maalgelinta Nafta
Inta badan marka aynu maalgelin maqalno waxa maskaxdeenna ku
soo dhaca maalgelinta la xidhiidha lacagta, ganacsiga, dhulka IWM. Ka soomaali
ahaan maalgelin in aynu dhinaca nafta u qaadno waa yara ugub. Caalam ahaan, iyo
eraybixin ahaan marka la sheegaba maalgelintu ma aha ta lacagaha iyo hantida
muuqata la xidhiidha, ta ugu qaalisani waa maalgelinta nafta.
Maalgelin la sheego waxa ugu manfac badan, uguna faa’ido iyo
raandhiis badan maagelinta nafta. Qofku halkii uu ganacsi ama wax kale ka
maalgashan lahaa waxa kun jeer uga faa’ido badan inuu naftiisa maalgashado.
Sabab? Sababtu waxa weeyaan maalgelinta naftu waa mid aan qofka ka hadhin
lagana xadi karin, balse haddii tusaale ahaan qofku ganacsi samaysto waxa
suurtagala in lacagtii ganacsiga uu ka samaystay ka baabba’do, ganacsigiina ka
kaco, balse qofka naftiisa wax geliya wax anftiisa uu geliyay ee maalgashi ah
sida aqoon iyo xirfad ma kacaan, oo arki maysid aqoon la leeyahay way kacday
sidii ganacsiga.
Dhinac kale aan kaa tuso; tusaale ahaan adiga oo Maxamed ah
iyo saaxiibkaa Cali ayaa saaxiibbo ah. Adiga oo Maxamed ahi sannadkii 2021
ayaad meel xirfad lagu barto gashay, waxa aad baratay sida laydhka loogu
shaqaysto ( Electricity), sida cilladda laydhka loo saaro, sida loo geliyo IWM.
Saaxiibkaa, Calina wuxuu sannadkaas samaystay tukaan yar, sannadkiiba tukaankii
ayuu ka shaqaynayay, tukaanku inuu sannadkaas isbixiyo mooyee wax kale ma soo
kordhin. Ka dib adiga oo Maxamed ahi waxa aad isku dayday in aad xirfaddaadii
ku shaqaysid, shirkad Koronto ayaad xirfaddaadii uga shaqo bilowday,
saaxiibkaana Calina tukaankii ayuu ka shaqeeyaa. Ka soo qaad Cali Tukaankii
ayaa ka kacay oo sicirbararka, iyo suuqxumada ayaa saamaysay. Lacag wuxuu hayay
tukaanka ayuu geliyay, tukaankiina wakaas kacay. Bal haddaba muddadaas sannadka
ah maalgelintii aad labadiinnuba (
Maxamed iyo Cali) kee ka faa’iday? Cali isagu ganacsi buu maalgashaday,
ganacsigiina wuu kacay oo faramadhnaan ayuu ka joogaa, wax lacag ahna ma hayo,
xirfadna ma baran, ta ugu daran waa in waqti ka lumay. Maxamed isagu sannadkaas
2021 xirfad buu bartay, oo naftiisa ayuu maalgashay, haddii waxkastaa dhacaan
isagu xirfaddiisa wuu yaqaan, kolba meeshii dani keentana wuu ugu shaqo tegi
karaa.
Halkaas waxa innooga cad in maalgelinta naftu waxkasta ka
qaalisantahay. Dadkeennu inta badan qofka naftiisa dhisiddeeda waqti geliya
waxa ay u arkaan qof waqtiga iska luminaya oo aan wax faa’ido ah soo
kordhinayn. Balse, xaqiiqadu waxa ay tahay in qofka faa’idada ugu wayn helayaa
inuu yahay qofka naftiisa maalgashada.
Sideed naftaada u maalgashan kartaa?
Waxa muhiim ah in aynu ogaanno qofku qaababka kala duwan ee
naftiisa u maalgashan karo. Qodobbadan soo socda ayaad naftaada u maalgashan
kartaa:
1-
Akhriska
Qaabka aad naftaada ku maalgelin karto waxa ugu wayn waxa ka
mid ah in aad wax akhridid. Waxa aad akhriyaysid waxyaabo kala duwan ayay noqon
karaan, sida waxyaabaha maskaxdaada kobcinaya.
2-
Waxbarashada ha joojin
Waxbarashadu waa furaha waxyaabo. Qofku inuu waxbarto oo kolba
wax cusub bartaa inay wax u kordhiso mooyee waxba kama dhinto. Markaa ku dadaal
in aad waxbaratid, oo ugu yaraan jaamacad dhigatid.
3- Baro
xirfadaha ku caawinaya
Baro xirfadaha ku caawinaya
in aad shaqo heshid. Xirfadahaas waxa aan ku xusi karaa: Xirfadda
qoraalka,Xirfadda barashada Kombuyuutarka, xirfadda shabakadda xidhiidhka
bulshada, barashada luuqadaha, barashada hadalka wanaagsan IWM. Waax xirfado
qofka caawin kara.
4- Xidhiidhka aad
bulshada la leedahay kordhi
Xidhiidhka qofku la leeyahay
guud ahaan bulshada, gaar ahaanna cidda ay isku bahda yihiin ee isku wax wada
barteen waa muhiim inuu kordhiyaa. Qofku waa inuu shabakadda xidhiidhkiisa
badiyaa oo cidda ay isku wax soo barteen ama isku shaqo noqon karaan xidhiidh
badan la yeeshaa.
5- Baro
Luuqadaha
In qofku luuqadaha si
fiican u bartaa waxa ay keeni kartaa inuu si fudud shaqo u helo. Marka aynu
luuqadaha leennahay waxa aynu u jeednaa luuqadda dalka uu qofku joogo lagaga
hadlo, iyo luuqadda dalkaasi u ah luuqadda koowaad, iyo luuqadda wax lagu qoro
ama wax la isku dhaafsado IWM. Barashada luuqadda waxa aynu ka wadnaa in qofku
barto qoraalka toolmoon ee luuqadda, ku hadalkeeda iyo waxkasta oo luuqadda
kaga xidhma.
6-
Ku biir Urur Wax akhris ama
Mid Bulsho
In qofku urur wax akhris
ama mid dan kale lagaga shaqaynayo ku biiraa waxa ay dhaxalsiisaa inuu xog
badan hantiyo. Gaar ahaan waxa mudnaan leh ururrada ku saabsan akhriska,
buugta, aragtiyaha IWM. Waayo, goobtaas inta badan waxa lagu faaqidayaa aragti,
buug, taariikh, ama wax la mid ah. Qofka waxa ay carinaysaa maskaxdiisa,
waxayna ku abuuraysaa inuu dhiirrado oo isaguna wax cusub la yimaaddo. Ta ugu
wayn ee ay keenaysaa waa in qofka aqoontiisa guud kobocdo oo qaaradaha ka
tallawdo.
7- La Soco
Xogaha Degdegga ah
Waxa jira xogo degdeg ah oo
ku saabsan waxyaabaha aad xiisaysid. Tusaale ahaan, waxa jira war ku saabsan
siyaasadda aad xiisaysid. Ka warhay oo maalinle warkaas ula soco. Sida aad
waxyaabahaas ku heli kartid waxa ka mid ah inaad ku xidhantid mareegaha,
Bogagga, ama goobaha kale ee la soo geliyo. Inaad meelahaas ku xidhnaatid waxa
ay keenaysaa in aqoontaada guud korodho.
8-
Daryeel caafimaadkaaga
Caafimaadka jidhkaaga ilaali, oo jimicsi samee. Sidoo kale ka
warhay caafimaadkaaga oo la soco kolba halka uu marayo.
W/Q: Cabdirisaaq Sandheere
13 Sibtanbar, 2022.
Comments
Post a Comment