Haddii 20yadii ku jirtid...
Waa wiil dhallinyaro ah, wuxuu ku jiraa da'dii dhammaadka labaataneeyada. Waxbarashii wuu dhammeeyay, wuxuu helay shaqo iska caadiya oo dhexdhexaada. Waa qof Diin iyo akhlaaq leh. Wuxuu ku hammiyayaa inuu sameeyo guri xasilloon iyo inuu helo lammaane uu nolosha la wadaago.
Wuxuu la haasaawayaa gabadh ka soo jeeda qoys sharaf leh. Balse, wiilkii waxa shuruud looga dhigayaa:
- Inuu bixiyo meher badan.
- Inuu xafladda ku qabto hool wayn.
- iyo Guri wayn oo goglan.
Qaab wanaagsan looma diidin, balse waa la niyadjebiyay, wuxuuna baxay isaga oo niyadjabsan.
Goorma ayuu guurkii noqday mashruuc qofka dhabarka ka jebinaya, halkii uu ka ahaan lahaa inuu noqdo dad la dhisayo? Goorma ayuu guurkii noqday in la ismuujiyo iyo muuqaallada- halkii uu ka ahaan lahaa degganaan iyo xasillooni?
Iskallifaaddan badan waxa ku burburay niyad wanaagii, dhallinyaro badanna way niyadjabeen.
Aan xasuusanno; in guurku yahay cibaado, ee aanu ahayn ismuujin iyo bandhig. Guurka ugu qaalisanina maaha ka la is kallifo, balse waa ka niyad wanaag lagu yagleelo.
W/Q: Dr. Cabdikariin Bakaar ( Af Carabi).
Turjumi: Cabdirisaaq Sandheere
Comments
Post a Comment