Dalxiiska Buurta Gacanlibaax

 



Hordhac

Maalintii ay bishu ahayd 03 May, 2022 waxa aan dalxiis ugu baxay buurta Gacan Libaax. Waxa ila socday asxaab qiimo leh. Waa markii koowaad ee aan buurtaas iyo deegaanka ay ku taallaba arko. In badan baan maqlayay buurtaas Gacanlibaax.

Qoraalkan waxa aan kaga warrami doonaa dalxiiska aan buurtaas ku tegay iyo nooca uu ahaa, muuqaal guud ayaan ka bixin doonaa sida socdaalkayagii, jawiga goobta, dhirta goobta ka baxda, xayawaannada ku nool, sida loo xannaaneeyo deegaankaas iyo guud ahaan muuqaalka buurta Gacanlibaax.

Muuqaalka Guud ee Socdaalka

Abbaaro 6:30 ayaan Hargeysa dhinaca Bari uga baxnay. Waxa aan gaadhnay kantaroolka magaalada ka baxa. Waxa ay ahayd maalintii 2aad ee Ciidda Fidriga. Haddaba markii aanu Kaantaroolka gaadhnay ayay askartii noo sheegeen in dad dalxiis tegayaa ayna Kantaroolka dhaafi karin, oo aan la oggolayn safar maalmaha ciidda, waxa ayna noo sheegeen in amarkaa dawladdu soo rogtay, iyagana lagu amray. Waxa goobta joogay oo ku xannibnaa gawaadhi badan oo iyaguna dalxiisayaal ahaa, oo Berbera, Gacanlibaax iyo goobo kale u socda, iyagana waa la celiyay oo cidna lama oggolaan intii aanu la hadlaynay askartii Kaantaroolka.

Waxa ay duruuftu keentay inaan maanta Kaantaroolka la dhaafi Karin, markaa laba mid baa nala gudboonaaday: inaan iska laabanno oo maalin kale ka dhiganno dalxiiska, iyo inaan meel kale ka wareegno oo Kaantaroolka ka baydhno. Dirawalka na waday ayaa xariif ahaa, wuxuuna soo jeediyay in maanta annaga oo aan tegin in aanaan laaban, wuxuuna noo sheegay in labo waddo oo kale oo aad u adag oo raf ahi Gacanlibaax na gayn karaan, marka laga yimaaddo Kaantaroolkan maanta xanniban, midi waa waddada Hawdka oo dhinaca kore marta, taasi waxoogaa ayay dheertahay, ta kalana waa waddada Waqooyi marta oo dhinac aan dhawayn laamayda kaga soo dhacda. Maadaama shidaal, dadaal, waqti iyo tamariba naga soo baxeen waxa aan talo ku gaadhnay inaan marno waddada Waqooyi oo waxyar ka dib laamayda ku soo dhacno.

Waddo rafa oo Waqooyi Kaantaroolka ka marta ayaan qaadnay, alla waddadu adkaydaa! Maxaa dhagaxaana, maxaa biyo fadhiya, maxaa dixo iyo hogag meesha ka qodan! Maxaa meesha godad ka buuxa. Marka aad inyar socotaba hog baad galaysaa, haddana waad ka baxaysaa oo dooxo ayaad galaysaa, haddana meel adag oo taagan baad koraysaa, waad ka dhaadhacaysaa oo god baad ku dhacaysaa, waad ka baxaysaa oo buur baad fuulaysa, haddana hoos baad u dhacaysaa oo jar baad galaysaa! Alla meeshu adkaydaa, oo waddadu xumaydaa.

Markii aanu waxoogaa soconnay ayaan doonay inaan Laamayda ku dhacno, se markii aanu laamaydii u dhawaannay ayaan aragnay inay xidhantahay oo askar lagu rogay, waan ka noqonnay oo waddadii Rafka ahayd ee Waqooyiga ayaan qaadnay. Weli rafkii ayaannu ku jirnaa. Waxaannu soconnaba waxa aan halkaa ka galnay deegaannada sida Dararwayne, Xunbawayne, Jaleelo IWM, dhammaan waxa na keenay waddooyin wada raf ah oo aad u adag, oo qardajeexa. Waddadaas rafka ah ee Laamayda dhinaca Waqooyi ka marta waxa aannu soconnay muddo 3 saacadood ah. Marar badan ayaan yaabnay oo meelo badan oo godad ah in gaadhigu nala galo ka cabsoonnay, se mahad Alle waannu ka badbaadnay khatartaas. Markii aanu deegaanno badan soo marnay waddada laamayda ah ayaan ku soo dhacnay.  Waxyar oo kooban oo aan 30 daqiiqo ka badnayn ayaan laamay soconnay. Ka dib waxa aan Laamayda uga leexannay dhinaca Koonfureed, waxaanan ka leexannay deegaanka Dhubato.

Intaas ka dib waxa aanu qaadnay waddada rafka ah ee tagta deegaanka Gacanlibaax. Muddo ayaan soconnay, sidii aan u sii soconnay duhurbaa dhawaaday, deegaanka Go’da wayn ayaan tagnay si aan uga qadayno, salaaddana ugu tukanno. Waannu tukannay, ka dibna Salaaddii ayaan ku tukannay. Markii aanu hawshii ka soo dhammaysannay waxa aan toos u nimid buurta Gacanlibaax, oo ahayd halkii aannu u soconnay.

Gacanlibaax

Waa badhtanka deegaanka Go'da wayn

Buurta Gacanlibaax, waxa ay ka tirsantahay gobolka Saaxil, gaar ahaanna waxa ay ku taallaa degmada Go’da wayn, wax aan ka badnayn 10KM ayay u jirtaa Go’da wayn. Waa buur dabiici ah. Waxa ay leedahay dhawr nooc: Waxa ay leedahay gebiyo waawayn oo si fiican loo arko marka figta buurta la gaadho, waxa ku yaalla god wayn oo hoos u qodan, waxa ay leedahay dhir gaar ah.

Jawi ahaan, waa cagaar iyo doog. Markasta dhinaca qabawga ayay u badantahay oo roobka ayaa ku badan. Shaqaalihii ilaalinayay waxa ay noo sheegeen in gu’ iyo jiilaal meeshu cagaar tahay oo ayna marna engegin. Waxa kale oo ay noo sheegeen in inta badan meeshu seere tahay oo aan xoolaha loo oggolaan, marka laga yimaaddo xilliyo kooban sida abaarta.

Dhirta ka baxda Buurta

Dhirta ka baxda buurta ayaan dhex taaganahay

Dhir aad u farabadan ayaa ka baxda, dhirtaasi waxa ay iskugu jirtaa kuwo dadku beereen, iyo kuwo dabiici ahaan iskaga baxay. Waxa aad u badan oo boqol jeer ku libinlaabma dhirta dabiici ahaan u baxa ee ayna dadku beerin. Buurta Gacanlibaax wax ka baxda dhir badan oo jaadgooni oo iyada oo keliya uun ka baxda, se aan meelo kale ka bixin. Sida aan ka akhriyay warbixinno badan oo ay diyaariyeen Hay’adda Candle Light iyo Somali Biodiversity Foundation, Gacanlibaax waxa ka baxa dhir iyada u gaar ah.

Dhirta ka baxda, anna aan arkay waxa aan ka xusi karaa kuwan: Dayibka, Wegerka, Xayramadka, Salamacda, Qurjeenka, IWM. Dhammaan waa dhir meelo gaar ah ka baxa oo aan dhulka oo dhan laga helin.

Shaqaalihii buurta ee aanu waraysannay waxa ay noo sheegeen in ay buurta ka baxaan dhir badan oo dawo ahaan loo isticmaalo. Sidoo kale, waxa ay noo sheegeen in dhirta qaar ka mid ah dadku yimaaddaan oo isku daweeyaan.

Xayawaannada ku nool buurta

Xayawaanno badan ayaa buurta ku nool. Inta ugu badan xayawaanka buuraha ku nool oo dhami way ku wada noolyihiin: Goodirka, Adeeriyada, deerada, cawsha, Shabeel, IWM.

Waxyaabaha ay gaarka la tahay Buurta Gacanlibaax

Waa asxaabtii aanu wada dalxiiska oo taagan Gebiga buurta


Buurtu qurux dabiiciya ayay leedahay, quruxdaasinas waa mid indhaha u roon, oo qalbiga naxariis dareensiinaysa. Deegaanka waa la ilaaliyaa, oo dawladda, hay’adaha iyo shirkaduba way dhawraan oo lacag bay ku bixiyaan. Waxa jooga shaqaale ilaaliya habeen iyo dharaar, oo deggan. Shaqaalahaasi lacag bay ku qaataan, wayna ilaaliyaan.

Waxyaabaha ay buurtu la gaarka tahay waxa ka qodan godad waawayn, godadkaasi shaqaaluhu waxa ay noo sheegeen taariikh ahaan in aan la garanayn waqtiga ay samaysmeen ama la qoday, sidoo kale caddayn looma hayo in godadkaasi yihiin kuwo dabiiciya iyo kuwo dad sameeya midna.

Godadka buurta Gacanlibaax waxa ugu caansan GODKA WAYN ee daaqadda leh. Godkaasi waa mid aad u wayn, wuxuu leeyahay albaab laga galo, sidoo kale wuxuu leeyahay daaqad dhulka laga soo arko, godkana iftiimisa. Haddii godkaasi aanu daaqadda wayn lahayn lama geli Karin, manay suurtoobin in la galo, sidoo kale lama ogaadeen oo laguma baraarugeen inuu god wayn yahay oo jir0, waayo godadka kale oo dhami hoos bay u daloolaan, wax gaar ah na laguma sheego oo wax la booqdo maaha, se kani waa jaadgooni ka duwan.

                                                    Sawirku waa afaafka hore ee Godka

Sidoo kale, waxa buurta ku yaalla guryihii Madaxdii Ingiriisku degganaan jireen waqtigii ay dalka joogaan. Gurigaasi hadda wuu dunsanyahay, se waxaa ka muuqda calaamado ilbaxnimo leh oo waqtigii Ingiriisku dalka joogay adeegsan jiray. Waxyaabaha gurigaas ka muuqda ka mid ah inuu samaystay meel uu dabka ku shito, meeshu waa meel yar oo dhinacyada ka dhisan oo afka hore ka bannaan, sidoo kale dusha sare oo waxoogaa sare u dhisan ayay ka bannaantahay, afka hore waa halka ay dabka ku shidan jireen, halka sarana waa halka qiiqa dabku ka bixi jiray.

Waa mid ka mid ah guryihii Ingiriisku degganaan jiray

Gebagebo

Dalxiisku waxa uu ahaa mid aad u xiiso leh. Marka laga yimaaddo buurta dhul badan baan indhahayga ku soo arkay, oo maray. Buurtu waa mid dalxiiska ku wacan oo ku caan ah. Wax badan buu qofku ka baran karaan, indhihiisana way ku doogsanayaan.

 W/Q: Cabdirisaaq Sandheere

05, May, 2022

 

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?