Markuu Qofku Waayo Hiddidiilo……!
Muxuu qofku naftiisa dhegta dhiigga ugu daraa? Muxuu qofku
isku qudhbixiyaa? Se muxuu qofku nolosha uga huleelaa? Wayddiimahaa oo dhani
waxa ay iskugu soo biyashubtaan hal jawaab oo qudha ahna: Hiddidiilo la’aan! Si
kale aan u dhigo: Qofku markuu garanwaayo wuxuu u noolyahay, wuxuu noqonayaa
bilaa arrin, dabadeed wuxuu goosanayaa in uu naftiisa qudhbixiyo! Balse, ma
garanayo (ujeeddada) wax uu dilkan isugu gaysanayo!
Galbeedka maanta waxa aynu ka aragnaa cid bixinaysa cashirro
ku saabsan qaabka qofku naftiisa u qudhbixinayo; iyada oo ay jiraan kumannaan
qaab oo qofku naftiisa u dili karaa. Qofka Diinta xooray ee Aakhiro in ay jirto
aan rumeysnayn kana cabsanayn; sidoo kale aaminsan in noloshu iska bilaabantay
iskana dhammaan doonto, naftiisa waa u halis. Waayo, noloshan adduunyo dabadeed
nolol kale in ay ka danbayso ma oga!
Barigaba maanta waxaynu ku argnaa cid bixinaysa cashirro ku
saabsan qaabka qofku naftiisa u qudhbixinayo. Waxaad arki qof naftiisa u
qudhbixinaya magac Diineed oo ku dooxaya suuqyada, goobaha ganacsiga,
Masaajidda, Kaniisadaha IWM; waayo wuxuu doonayaa in uu Jannada si fudud ku
tago. Waxaa kale oo jira qof aan jidh ahaan isdilayn, balse, isdilaya nafsad
ahaan, fekrad ahaan iyo siyaasad ahaan; waana ka bilaa qorshaha ah ee iskaga
soo dhexdhacaya qorshayaasha dadka kale. Waxaynannu arki isaga oo ilbaxnimo
ahaan laftiisu isdilaya. Isqudhbixinta noocan ahina waa mid aad u khatar badan.
Dadkii hiddidiilo ayay waayeen, sidaa daraadeed waxa ay ku
noolyihiin bilaa mustaqbal. Arrinta layaabka lihi waxaa weeyi dadkii waxa ay
haystaan xoolo waliba sidii biyaha; balse, noloshii quusbay ka joogaan! Masar
nolol fiicani kama jirto; Siisina farxaddii Ciidda ayuu u diray shacabka isaga
oo waliba kor-u-qaaday Sicirkii 80%.
Tanina waa mid dhibaato dhab ah oo dhacday markii shacabkii Masar
waayeen hiddidiilo.
Bulshooyinkii waxa ay waayeen hiddidiilo, sidaa daraadeed
waxa ay ku noolyiin bilaa ilbaxnimo. Ta layaabka lihi waxaa weeyi ummaddii waxa
ay kala kulmayaan madaxweynayaashii hadallo isku wada dhawdhaw. Sidoo kale
ballanno waqtiga doorashooyinka horteed iyo inta ay doorashadu socotaba.
Doorashooyinka kaddibna kaliya waxay yidhaahdaan ‘ Waxaannu ka shaqaynaynaa
dhismaha mustaqbalka’─ mid mustaqbal dhisaana ma jiro. Waayo, mustaqbalka
ilbaxbaa dhisa. Ilbaxaxumi wuxuu dhisaa mustaqbal xun. Taasi waa sunnada
nolosha e maaha dib-u-dhac.
Bulshadu taariikh ayay wayday; sidaa daraadeed waxa ay
doonaysaa in ay wax ka dhanbalaan ilbaxnimada. Balse, waxaa jira dad qodqoda
boogaha taariikhda, oo taariikh shacabdhan lahaa ka dhiga sheekabaralay!
Halkanna ummaddu waxa ay noqonaysaa bilaa taariikh; cid bilaa taariikh ahina
ilbaxnimo malaha. Sidoo kale mustaqbal malaha.
Maxay bulshooyinku ugu iilanayaan dhibaataynta iyo ka
badsashada fuqarada iyo masaakiinta? Maxay 82% dadka ku nool dhulku ay ugu
dhawyihiin nolol faqiirnmo? Maxayse in ka yar 20% ay ugu noolyihiin nolol
boqornimo? Qaabkan yaa qorsheeyay? Maxay yihiin dadkan ku qanacsan dulmiga
heerka caalamiga ahi? Yaa ugu fiqiirsan qaaraddan Afrika ee ku taal dhulka
barwaaqada ah? Yaa xukuma shacbigan ku nool caalamka saddexaad ee faqriga la
daalaadhacaya?
Waxa inna agtaalla khariidada hantiilaha iyo faqiirka, shan
hoy oo ka mid ah khariidada Caalamiga
ahi waxa ay ku noolyihiin khadka faqiirnimada hoosteeda. Guddoomiyaha Bangiga
Dawladduna waxa uu ka sheekaynayaa in 22% dadka ka mid ahi in ay si maalinle ah
ugu noolyihiin hal Doollar ama wax inyar
ka badan. Waxa in 3% dadka ka mid ahi ku
noolyihiin noloshii dadka Jannada oo kale. Iskudheellitirnaan la’aan badan ayaa
miisaankii nolosha ka jirta. Sababtuna waxa weeyi in ay jirto dhibaato ruuxeed
oo gundheeri; waxaa nusdanbeed u ah dhibaato feker oo ka sii gundheer.
Sidaadaraadeed ayaynu aragnaa in Caalamkii u iishay burbur akhlaaqeed oo feker
ka madhan.
Muxuu sameeyay Ergaygii Muxammed SCW si uu u sameeyo Caalam
isku dheellitiran? Wacdaro layaabluu lahaa; balse, tolkii way ka cagajiideen
farriintiisaa waaraysa. Dacwaddiisii wuxuu ka bilaabay akhris; qalinkana
doorbuu siiyay. Waayo, kacdoonka ruuxeed ee ayna garashadu la socon wuxuu
burbur ku yahay ama dumiyaa ilbaxnimada. Waxa kaluu qallajiyaa ilihii ay ka soo
burqanaysay nolosha dheelligatirani. Sidaasay Aayaduhu u yimaaddeen si ay u
sameeyaan miisaankii [nolosha] ee Muslimiinta ka dayacmay. Miisaankanna isaga
oo gundheer waxaa laga helaa labada Suuradood ee Muddasir iyo Musammil. Ta koowaad
waxa aad ka heli (( يا أَيُّهَا
المدّثر .قم فأنذر . وَرَبَّك فكبَّر . وثيابك فَطَهِّر . والرّجز فَاهْجُر). Ta labaadna (يا أَيُّهَا المزمّل . قم اللّيل
إلا قليلا . نصفه أو انقص منه قليلا . أو زِد عليه وَرَتِّل القرآن ترتيلا . إنَّا
سنلقى عليك قولا ثقيلا . إن ناشئة اللّيل أشدّ وطئا وأقوم قيلا . إن لك فى النهار
سبحا طويلا).
Labada Suuradoodba bilowgooda waxaa ku jirta arrin kaliya oo
ah kacdoon akhlaaqeed ee Nebiga la ogeysiiyay bilowgii Dacwadda. Waa kacdoon
qofka gudihiisa ka unkama. Waa kacdoon ruuxeed oo mid fekereed
xantaxanteeyo. Waxa halkaa la innagu
amray Qiyaam (Salaatulayl), waana la Sunneeyay. Balse, Muslimiintu waqtiyadan
dib-u-dhaca qiyaammbay ilaalilaan, mid kalana way illoobeen. Minbarrada Khudbadeeyayaasha waxa aynnu ka
maqalnaa iyaga oo innoogu baaqaya (Qiyaamullayl~ قيام الليل) . Balse, marna kamaynaan maqal iyaga oo iyagoo
innoogu yeedhaya shaqaysiga maalintii (Qiyaamunnahaar~ قيام النهار). Halkaasina waa halka dib-u-dhaco innooga yimid. Qofkii
fahmayoow, waa maxay farqiga u dhexeeya hadalka Allah yidhi (قم الليل iyo قم فأنذر )?
Istaagga koowaad (Qiyaammullayl) waxaa ku jira kacdoon
ruuxeed, ka kalana kacdoon Dacwadeed. Waa lagama maarmaan in qofka Muslinka ahi
isku dheellitiraa. Naftiisa habeeyo oo
koriyo, Daaquudna uu wajaho. Labadaa in la kala saaro meeli ugama bannaana.
Qofkii doona in uu maalintii waxqabto, waxaa lagama maarmaan ah in uu habeenkii
dheef ku yeesho. Qofkii doonaya in cibaadadiisu dhadhanyeelatana waxa lagama
maarmaan ah in uu arko dhabnimada nolosha.
Cibaadada habeenkii waa Sunne la adkeeyay (سنة مؤكدة). Ducaadda waaweyn ee dhabta ahna waxayba ugu dhawaataa Faral. Waayo,
qofkii farriin qaada waxaa lagama maarmaan ah in uu muraayad dhaba u noqdo farriintiisaasi.
Balse, cibaadada maalintii waa Faral. Waayo, noloshuba iyada ayay ku
xidhantahay. Balse, dhibaatadu waa fahanka. Halgamaaga Waddankiisa difaacayaa
waa in uu Faralka maalintii oogaa. Qofkii Cilmiga dadka barayaa wuxuu ku jiraa
Jidka Ilaahay. Fahankaasi wuuka maqanyahay ducaadda qaarkood waqtigan cusub.
Qiyaammullaylka habeenkii waxaa ku jirta nolol, huradada
habeenkii illaa aroorta laga gaadhayaana waa dhimasho ruuxeed. Waxase ka sii
halisbadan soojeedka (Saamalleelka) habeenkii bilaa ujeeddada ah. u sheekaynta
dadka qaarkood waa dhadhan bulsheed; waxaase ka sii fadli badan dhadhanka
ruuxeed (Noolaynta habeenkii~ أحيا ليله),
waa Sunnadii Mustafe SCW Ramadaan iyo la’aanteedba.
Waqti hore, Sheekh Qasaali AHUN wuxuu qoray Kitaab uu
ladhkiisu yahay (مشكلات فى طريق الحياة الإسلامية), haddana waxaa maqaal xeeldheer oo Qiyaammulaylka ka
sheekaynaya ka qoray Dr Axmed Raysuunii. Shaqaynta maalintiina meelaha qaar
ayuu kaga nuuxnuuxsaday. Dr Abu Yacrab Al-Marsuuqina wuu ugu horreysiiyay
mashruuciisii (kacdoonka Ruuxda~ الثورة الروحية).
Caalamku dhammaantii wuxuu u baahanyahay qorshe
dhammaystiran oo wata kacdoon akhlaaqeed oo ay ku qoofalanyihiiin mid ruuxeed
iyo mid fekereed. Qofku markuu hiddidiilo waayo ayuu isqudhbixiyaa. Dhammaan
shacabkuna way u simanyihiin barashada isqudhbixinta! Waa jira isqudhbixin Reer
Galbeed; sidoo kale waxaa jirta isqudhbixin Bari. Dhammaantoodna waa dhabnimada
dhibaatada. Xalkuna waa fahan saxa oo la fahmo waxyiga, gaar ahaan Qur’aanka
iyo [Sunnada].
X/S: Google
W/Q: Sh. Cabdiraxmaan Bashiir
W/T: Cabdirasaaq Sandheere
27 June, 2018.
Comments
Post a Comment