Sookoobidda Buugga “The Leadership Challenge~ Caqabadaha Hoggaaminta”


Hordhac

Buuggan la yidhaa The Leadership Challenge~ Caqabadaha Hoggaaminta”  waxa qoray James Kouzes iyo Barry Z. Posner.

James, waa hoggaamiye hayin ah iyo khabiir ku xeeldheer arrimaha maamulka. Waana qoraa, cilmibaadhe, iyo tababbare. Barry Z. Posner, waa qoraa iyo Bare Sare oo Jaamacadeed. Wuxuu hoggaaminta ka dhigaa Santa Clara University.

Labadan qoraa buugaag kale ayay wadaqoreen. Buugta ay wadaqoreen waxa ka mid ah:

-       A Leader's Legacy. Hoboken: Jossey-Bass (2006). ISBN 9780787982966.

-       The Student Leadership Challenge: Five Practices for Exemplary Leaders. Hoboken: Jossey-Bass (2009). ISBN 0470177055.

-       The Truth about Leadership: The No-fads, Heart-of-the-Matter Facts You Need to Know. Hoboken: Jossey-Bass (2010). ISBN 0470633549.

-       Encouraging the Heart: A Leader's Guide to Rewarding and Recognizing Others. Hoboken: Jossey-Bass (2003). ISBN 9780787964634.

Buuggan waxa markii koowaad la daabacay sannadkii 1987kii. Waxaa la daabacay lix jeer. Markii u danbaysay waxaa la sii daayay oo la daabacay sannadkii 2017kii. Buuggu waxa uu ka midyahay buugaagta Caalamka ugu iibsiga badan, waxaa laga iibsaday 2.5 Koobbi. Buugga waxaa loo turjumay in badan 22 Luuqadood. Sannadkii 2012ii Shirkadda FastCompany waxa ay u aqoonsatay mid ka mid ah‘ Buugaagtii Sannadka.’ Buuggu waa mid ballaadhan, waxa uu ka koobanyahay 412 bog.

Buuggu labada qoraa waxa uu ku dhashay, fekradduna timid ka dib markii ay shir laba maalmood ah oo kun saabsan hoggaaminta ay ku jireen. Waxa ay ka hadlayeen sida shirkaduhu u noqon lahaayeen kuwa guuleysta. Ka dib waxa ay isku dayeen inay xooggasaaraan xirfadaha hoggaaminta. Magac buugguna waxa uu gudbinayaa nuxurka ah in caqabadaha qofka hortaagan, ee aannu iyaga daraaddood waxba loo qaban karayn.

Waxa aan isku dayi doonaan inaan si kooban u dulmaro.

Nuxurka Buugga

Hordhaca hore qoraayaddu waxa ay ku bilaabmayaan in waxyaabaha qayrulcaadiga ah loo qabto hab koox ah. Hoggaamiyayaashu waa kuwa ummadda haga, dadka ayay abaabulaan oo awoodeeyaan. Waxa ay si koox ah u wadaqabtaan wax aan hore loo qaban. Maadaama ay ummad hagayaan waxbadanna qabanayaan, waxa jira caqabado badan oo soo wajaha hoggaamiyayaasha. In caqabadahaas la wajaho oo wax laga qabtaa waa muhiim.

Waqtigu wuu isbeddelayaa, dhibaatooyinku way isbeddelayaan, Tiknoolajiyaddu way isbeddelaysaa, dadkuna way isbeddelayaan. Waxa muhiim ah in la helo kooxo, ururro, iyo bulsho wax wada qabata.

Labada qoraa, waxa ay xusayaan in hoggaamiyayaashu qaayasoorradoooda ama waxa ay afka ka sheegayaan ficillo u baddelaan. In hiraallada ay dhab ahaan u baddelaan. In caqabadaha ay ikhtiraac u baddelaan. Kalafogaan in isku duubni loo baddelo, iyo in khatarta abaalmarin loo baddelo.

Labada qoraa waxa ay ku bilaabayaan ‘ Marka Hoggaamiyayaashu ugu wanaagsanyihiin’ ee ay yihiin kuwo tubtii hoggaaminta haya. Marka hoggaamiyuhu waddadii saxda ahayd hayo waxa ka mid ah:

-       Marka aannu cabsanayn, ee bilaa cabsida yahay.

-       Marka uu hiraal leeyahay.

Buugga waxa ay kaga warramayaan shan hab ama ficil oo hoggaamiyayaasha tusaalayaasha ah. Shantaas hab ayaynu soo koobi doonnaa:

1-      Inuu dariiq ama hab samaysto: Habka koowaad ee hoggaamiyaha looga baahanyahay waxa weeyaan inuu samaysto hab ama waddo uu u maro waxa uu doonayo inuu qabto. Hoggaamiyaha raba inuu wax qabto, ama ummad xil u qabtaa waa inuu ahaado mid leh waddo uu maro, ama jid uu raaco.

2-    Inuu dhiirrigeliyo hiraal/aragti la wadaago: Hoggaamiyuhu waa inuu sameeyo hiraal ama aragti loo dhanyahay oo cidkastaa isku daawato. Waana inuu isagu abaabulka lahaadaa.

3-     Inuu habka latacaalo: Hoggaamiyaha marka ay caqabadi ka hortimaaddo, ee habkii uu waxqabadkiisa u marayay noqdo mid wada qodxo ah oo caqabado leh waxa muhiim ah inuu u samro oo la tacaalo. Hoggaamiyaha waxaa laga rabaa inuu raadiyo fursadaha. Waa inuu khatarta qaado, inuu guul yar keeno, iyo inuu waxkasta khibrad ka barto. Hoggaamiyayaashu waa ikhtiraacayaal, waxa ay keenaan oo bilaabaan wax ayna dadku intooda badan aqoon.

4-    Inuu dadka kale awood u siiyo inay wax qabtaan: Dadka uu maamulayo hoggaamiyuhu waxaa wanaagsan in dadka kale awooddooda kobciyo, iskunan dayo inuu dhiirrigeliyo inay wax qabtaan. Shaqada la qabanayaa waxa ay u baahantahay in si koox ah wax loo wada qabto. Waa inuu dadka kale wadashaqaynta baro, iyo inuu xidhiidhkooda fududeeyo.

5-     Inuu dhiirrigeliyo: Hoggaamiyaha waxa saaran inuu dadka dhiirrigeliyo, iyo inuu si niyad ah wax u bogaadiyo. Waa inuu dadka kale, waxa ay qabtaan aqoonsado kuna bogaadiyo qofkastaa waxa uu qabto.

Sifooyin badan ayaa laga rabaa inay hoggaamiyayaashu yeeshaan. Afar sifo ayaa ugu muhiimsan. Afartan ayaa ugu muhiimsan:

-       Inuu daacadyahay.

-       Inuu horusocod iyo aragtidheer leeyahay.

-       Inuu wax awoodo- aqoon ama khibrad leeyahay.

-       Inuu dhiirrigelin leeyahay.

Caqabadaha Haysta hoggaamiyayaasha

-       Fahantala’aanta xaaladda lagu jiro.

-       Inay keli u shaqeeyaan.

-       Hiral la’aanta.

Maxaynu ka faa’ideynaa Buugga?

1-      Sifaha wanaagsan ee laga rabo hoggaamiyaha.

2-    Caqabadaha haysta hoggaamiyaha.

3-     Hoggaamiyaha wanaagsan.

 

 

W/Q: Cabdirasaaq Sandheere

Ogosto 25, 2020

 

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?