Faallada Buugga “ Qummane”
Hordhac
Buuggan magaciisa waxa la yidhaahdaa “ Qummane.” Cinwaan
hoosaadkiisuna waa ‘ Godlinta Garaadka iyo Garwaaqsiga Waqtiga.’ Waxa Af Carabi
ku qoray Qoraa Suldaan Muue Al Muusaa, oo ah qoraa wayn oo cabqariya. Waxa Af Soomaali
u turjumay Cabdixakiin Obsiiye, oo ah wiil dhallinyaro oo waayadan danbe buug
manfac leh turjuma.
Si guud buuggu waxa uu ka warramayaa oo si togan u
lafagurayaa, ugana warcelinayaa wayddiimo kakan iyo mas’alooyin murugsan oo
dhib ku haya da’yarta muslimiinta. Waayo, waxa aynu ku noolnahay duni isku
furan oo ay bateen ilaha laga helo xoguhu.
Arrinta layaabka lihi
waxa weeyaan buugga xogta sidaas ah sida ee mawduuca muhiimka ah ka warramaya
in muddo la xannibay isaga iyo turjumaagiisii, iyo madbacaddii daabacday ba. Dalka
debaddiisa ayaa lagu daabacay buugga, markii dalka la keenay ee uu yimid
Eeriboodka ayaa la xannibay, turjumaagii markii uu doonayna isla isagii ayaa la
xidhay. Warxumotashiil ayaa sheegay in buuggu diimo kale faafinayo oo mawduuca
uu ka hadlayo aanu u socon, se sida saxda ahi waxa ahayd inuu ahaa buug ka
warramaya mawduuc muhiim ah. Se ugu danbayn waa la isla wada arkay mawduuca
muhiimka ah ee uu ka warramayo. Muddo 7 cisho ah ayuu buugga dartii u xidhnaa! Xidhidda
buugga iyo turjumaagiisa ayaa caddaynaysa inuu ahaa buug muhiim ah, oo xog
badan sida.
Gudaha Buugga
Buugga Qummane waxa uu ka koobanyahay Hordhac, Kow iyo Toban
cutub iyo gebagebo. Hordhaca qoraagu waxa uu kaga warramayaa waayihiisii
dhallinyarannimo, maskax furnaantiisii, wayddiimihii uu wayddiin jiray
saaxiibbadii IWM.
Waxa uu kaga warramayaa ‘ Dhabnimada Jiritaanka Alle’ ,
Sooyaalkii dheeraa ee uu dadku usoo maray raadinta Rabbigii, aragtida
isbeddelka noolayaasha, qaraxa wayn, iyo qaabka liita ee Allediidku ugu
adeegsadaan Sayniska diidmada jiritaanka.
Qoraagu wuxuu leeyahay “ Milaygii aan la kulmay dhacdo
isbeddel xooggan u horseedday noloshayda, waxa aan ku sugnaa magaalada London
ee carriga Ingiriiska. Waxa ay ahayd ammintii aan si kedis ah ugula kulmay
beerta caanka ah Hydre Parl nin ka yimid waqooyiga Carabta. Inkasta oo aan aad
uga yaraa da’ ahaan haddana wuu I bariidiyay oo isoo dhaweeyay. Gugii 13 baan ku jiray, isna Aabbahay buu ku dhawaa. Wuxuu ii sheegay inuu London ku
noolyahay, markii aan u sheegay inaan Sucuudiga kai mid aad buu iisoo
dhaweeyay. Ninkii wuxuu si lama filaana iigu yidhi ‘ Wiilkaygiiyoow isma
naqaanno Soon iyo Salaad toona.’ Ma qarsan amakaagaygiiye waxa aan wayddiiyay
sababta ku kalliftay soon la’aanta iyo salad la’aanta? Wuxuu yidhi ‘ Anigu
Mulxid baan ahay, ma aaminsani Eebbe.’ Waxa aan go’aansaday inaan wax ka
wayddiiyo aaminaaddiisa. Isna iima
diirnaxine wayddiimo ayuu igu harqiyay. Aniga oo yar baan bilaabay hayaankaygii
ku aaddanaa caalamka baadhista, wax ka akhrinta Allekoodka iyo xaqiiqooyinka
diimaha. Waxa aan danayn jiray in aan ku qanciyo naftayda barashada Diinta
Islaamka iyo sababta ay u tahay ta keliya ee xaqa ah? Waa maxay kala
duwanaanshaha u dhexeeya Islaamka iyo diimaha kale ee samaawiga ah sida
Kiristaanka, iyo Yuhuudiyadda? Diimihii hore maxaa loogu nasakhay diinta
Islaamka ee cusub?”
Qaybta xigta qoraagu waxa uu kaga sheekaynayaa shakhsiyadda
Ibliis. Qoraagu wuxuu leeyahay “ Waa kuma qofka aan naftiisa kala sheekaysan
shakhsiyadda Ibliis? Waa kuma qofka aan iswayddiin: Muxuu Alle u abuuray
shaydaanka isaga oo sii ogaa waxa uu fali doono timaaddada? Waa maxay xikmadda
k jirta in la dheereeyo da’diisa illaa qiyaamaha? Ibliis faa’idooyin ma
leeyahay? Waxa aan aaminsanahay in aynu hore isku wayddiinnay su’aalahan iyo
kuwo kale oo badan, gaar ahaanna waqtigii dhallaannimada oo uu muuqaalka Ibliis
si wayn ugu xardhanaa maskaxdeenna.Waa waagii aynu daawan jirnay filimada
carruurta iyo sawirgacmeedyada ay ku dhiganyihiin muuqaallada iyo sheekooyinka
ka hadla noolahan sharka badan ee dadka ku boorriya samaynta xumaanta isaga oo
shidaya dab,gacanta ku haysta ul bir ah.
Maadaama ay aad u badanyihiin wayddiimaha la xidhiidha
shakhsiyadda Ibliisa, shakhsiyana waxa aan go’aansaday in aan waxyar hoos ugu
dhaadhaco shakhsiyaddan iclaamisay dagaalka innagu aaddan, sidoo kalana innaga dhigatay cadawga cad.
Maahmaah baa ahayd “ Baro cadawgaaga.” Sidaas darteed waxa waajib innagu ah in
aynu baranno oo baadhno shakhsiyaddan cajiibka ah ee cadawga innaga dhigatay, ujeeddaduna
waa in aynu fahanno, kana hortagno qorshayaasha iyo debinnada ay innala
maagantahay. Waxa aan aaminsanahay dheefta diineed ee ugu way nee laga helo
shakhsiyadda Ibliis iyo sheekadiisu in ay tahay in uu Eebbe SCW ka aqbalay
baryadiisii, xataa isaga oo diiday in uu u sujuudo Aadan…”
Sidoo kale, qoraagu waxa uu ka sheekaynayaa gabadh ay isku
dhawaayeen oo Kiristaan ahayd, wuxuu leeyahay “ Ifaa waa gabadh aaminsan Diinta
Kiristaanka oo u dhalatay dalka Maraykanka, kuna jirta da’da kontonka. Alle waxa
uu qoray in aanu ka wada hawlgalno dhakhtar ay leedahay dawladda Sucuudigu,
sida ay hadalka u dhigtayna imaanshaheegii iyo in ay ka shaqayso Sucuudiga aad
ayay uga walaacsanayd, qof ahaan kuma hiifin, waayo warbaahinta reer Galbeedka
ayaa si joogto ah innoogu eedaysaya argagixiso arxanlaawayaal ah. Maalin
maalmaha ka mid ah annaga oo ka nasanayna shaqada ayaannu gudagalnay sheekooyin
faduuli ah, waxa aanan isku hawlay sidii aan xog uga ogaan lahaa
shakhsiyaddeeda gaarka ah. Ammintii aanu ka wada sheekaysannay qoyskeeda iyo
sawirro xasuus ah, oo ay ka soo saartay boorsadeeda, waxa iisoo baxay ninkeedii
dhintay in uu ahaa madawgii lagu dhibi jiray ninkeedii xijaabtay, ilin baa ka
burqanaysay indhaheeda, dhibkuna ma aha dhimashadiisa e waa xasuusihii sillanaa
ee ay isla soo mareen. Waxa ay ii dulmartay sheekada hannaankii ay ku kulmeen
bulshadooda, kuwaas oo iskugu jiray hanjabaad, cagajuglayn, cadaadin,
cabbudhin, iyo yasid aad u daran, waayo Ifaa waa gabadh caddaan ah, balse ninkeedu
wuxuu ahaa midawgii la quudhsan jiray. Si kama’ ah ayay dooddii noola
dhexjibaaxday Diinta Islaamka, iyo qaabka ay ula dagaallantay midabtakoorka,
dhalleecaynta ay u jeedisay qofka ku kaca falkan liita, hannaankii uu Rasuulka Islaamku
iskugu milay midabbada caddaanka iyo midowga, sidii uu ugu mideeyay hal calan
iyo habkii uu uga yeelay kuwo u siman sida ilkaha gadhfeeda oo kale, kuwaas oo
ku wada daba tukada nin madaw ( Bilaal Binu Rabaax), iyaga oo aan ku kala
soocayn midab, mansab, dhalasho iyo dhiig toona. Sidoo kale, waxa aan u sheegay
sida uu Nebigu NNKH guud ahaan u reebay qabyaaladda iyo in uu ku tilmaamay
bakhti ama qudhun….”
Sidoo kale, waxa uu buuggu si wanaagsan u qaadaadhigayaa
arrimaha la xidhiidha Allediidnimada, iyo dadka aragtidaas qabaa waxa ay ku
doodaan. Doodo ay dadkaasi qabaan ayuu meelaha qaar ku soo aroorinayaa, isna
wuxuu raacinayaa wuxuu doodahaas ku baddelanayo.
Gabagebo
Buuggu mawduuc muhiim ah ayuu ka warramayaa, si qurux badan
ayuu doodaha iyo arrimaha uu ka hadlayo uga hadlayaa.
Qofkasta oo akhriska jecel inuu buugga akhriyo waan kula telinayaa.
W/Q: Cabdirisaaq Sandheere
19 Juun, 2022
Comments
Post a Comment