Taxanaha Buugga #Sirdoon Qaybta #2

Delilah: Basaasaddii Kitaabka Barakaysan

[…] Ugama aannu warramin oo uma sheegin in Malabkan uu ka keenay caloosha Libaaxa. Dhammaantood waxa ay isku raaceen inay u tagaan oo uu guursado gabadhii Falasdiiniyadda ahayd, halkaas ayuuna Shamshuum toddoba cisho oo casuumaad ah u joogay.

Falasdiiniyiintii ayaa arkay, se way ka cabsadeen, waxayna u soo direen soddon nin si ay ula joogaan. Shamshuun ayaa ku yidhi: “ Halxidhaale ayaan idinku tuurayaa oo aan idin wayddiinayaa, haddii aad si fiican u falanqaysaan inta ayna toddobadaas cisho ee casuumaaddu dhammaanin ka hor waxa aan idin siinayaa soddon Khamiis, iyo soddon lebbis oo dhar ah. Haddii aad awoodi waydaan furfuridda halxidhaalahan aniga waxa aad I siin doontaan soddon Khamiis, iyo soddon lebbis oo dhar ah.” Waxa ay ku yidhaahdeen: “ Sheeg halxidhaalahaaga, aannu ku dhegaysannee?” Wuxuu ku yidhi: “ Waxa cune (libaax) gudihiisa ka soo baxay cunno ( Malab), wax awood badanna ( libaax) wax macaan baa ka soo baxay ( Malab)~ خرج من الاكل اكل ومن القوي حلاوة.” Saddex cisho ayay la wareersanayeen qoladii oo ay xallin kari waayeen halxidhaalihii. Xaaskiisii ayay u tageen, waxayna ka dalbadeen inay ninkeeda khiyaanto illaa inta uu halxidhaalaha xallinayo, waxa kale oo ay ugu sii dareen haddii ay diido in iyada iyo ehelkeedaba ay gubi doonaan oo guryahooda dab sudhi doonaan. Xaaskii ayaa Shamshuun agtiisa ku ag barooratay oo ku oyday, waxayna ku qasabtay inuu halxidhaalihii la xalliyo oo jawaabta u sheego. Wuuna u sheegay. [ Iyadna nimankii ayay u sheegtay jawaabtii]. Nimankii ayaa u yimid Shamshuun maalintii toddobaad intii ayna cadceeddu dhicin ka hor, waxayna ku yidhaahdeen: “ Shaygee ayaa Malabka ka macaan, shaygee ayaana Libaaxa ka awood badan?” Ninkii waxa uu ogaaday in xaaskiisu nimanka jawaabta u sheegtay, aad ayuuna u cadhooday. Wuxuuna tagay dhulka Ashkelon ee Falasdiiniyiinta, wuxuuna dilay Soddon nin oo Falasdiiniyiin ah, dharkoodiina wuu qaatay oo wuxuu siiyay ninkii halxiidhaalaha furfuray ee ka jawaabay.

Aabbihii ayuu ku soo laabtay oo u yimid, wuxuuna u sheegay inuu xaaskiisa nacay waxa ay samaysay daraaddeed. Gabadha aabbaheed waxa uu sameeyay qalad wayn oo ah inuu gabadha nin kale siiyay. Shamshuun na arrintaas ma ogayn, se wuxuu ogaaday markii uu gabadha booqday ee uu u geeyay neef Orgac ah ee Aabbaheed ku yidhi: “ Waxa aan rabaa in aan xaaskayga qolkeeda ugu galo?” Balse, gabadha aabbaheed ayaa u diiday inuu qolkeeda ugu galo, wuxuuna u sheegay markii ay isku cadhoonayeen gabadha iyo Shamshuun inuu u guuriyay oo siiyay nin ay odayga saaxiibbo yihiin. Odeygii ( Gabadha Aabbaheed) wuxuu Shamshuun u soo bandhiga inuu gabadhan baddelkeeda walaasheed ka yar guursado. Balse, Shamshuun wuu cadhooday, wuxuuna bilaabay inuu aargoosto, oo Falasdiiniyiinta ka aargoosto, wuxuuna yidhi: “ Anigu beri ayaan ka ahay ( waan ka eedla’ ahay) iyaga marka ay balaayo ku dhacdo ama wixii ku dhaca waan ka eed la’ahay.”

Shamshuun ayaa iska tagay, wuxuuna ugaadhsaday soddon Dacawo, laba kasta oo ka mid ah na dabada ayuu iskugu xidhay, laba laba ayuu dabada iskugu xidhay. Wuxuuna soo qaatay shamac, toosh (shay dab ah), labadii dababa dhexdooda wuxuu dhigay tooshkii, dabadeedna tooshkii ayuu ifiyay. Dacawooyinkii ayaa uu si qummaati ah ugu dhaqaajiyay beerihii Falasdiiniyiinta, wayna gubeen, waxayna dhulka la simeen midhihii Saytuunka ahaa. Falasdiiniyiintii ayaa iswayddiiyay: “ Yaa waxan sameeyay oo beeraha gubay?” Waxayna sheegeen inuu gubay nin la yidhaahdo Shamshuun oo ay gacal yihiin nin ku nool magaalada Timna.

Waayo, ninkaas odayga ah ee Timna ku nool ayaa xaaskii Shamshuun siiyay oo u guuriyay saaxiibkii. Falasdiiniyiintii ayaa isku soo ururay, gabadhii ( Xaaskii hore ee Shamshuun), iyo odeygii aabbaheed ba way gubeen, oo weliba dab ayay ku gubeen! Shamshuun ayaa ku yidhi: “ Xataa haddii aad sidaas samayseen aniguna idin ma daynayo oo waan idinka aargoosanayaa.”

Si cunfi leh ayuu u weeraray, wuuna jebiyay, oo ka guulaystay. Falasdiiniyiintii waxa ay isku dayeen inay khatargeliyaan Shamshuun oo waddadii uu marayay ee [magaaladiisa] tagaysay ayaa waxa ay dhigeen dhagax wayn, dabadeedna dhagaxii ayay Falasdiiniyiintu koreen, waxayna weerareen dhulkii iyo magaalooyinkii Yuhuudda. Raggii ayaa wayddiiyay: “ Maxaad meesha taagan/ buurta u korteen ma si aad noola dagaallantaan?” Waxayna ugu jawaabeen: “ Waxa aannu meeshan taagan/buurta u kornay si aannu u soo qabanno Shamshuun, oo aannu ku samayno wixii uu nagu sameeyay.” Saddex kun oo nin oo Yuhuud ah ayaa u tagay Shamshuun, waxayna ka dalbadeen Shamshuun inuu naftiisa u dhiibo Falasdiiniyiinta iyaga oo ka fogaanaya in iyaga laga aargoosto.

Shamshuun naftiisii ayuu u dhiibay ninkii, ka dib markii ay ballan ku qaadeen in ayna dilayn. Markii uu Shamshuun gaadhay magaalooyinkii iyo tuulooyinkii ay joogeen Falasdiiniyiintu waxa ay ku soo dhaweeyeen qaylo iyo sawaxan. Shamshuun wuu cadhooday. Shamshuun waxa uu soo qaatay lafo ka hadhay Dameer dhintay, wuxuuna kula dagaallamay Falasdiiniyiintii illaa uu ka dilay kun nin. Dadkii ayuu fiiriyay, wuxuuna ku yidhi: “ Waxa aan idinka dilay kun nin, oo aan idinkaga dilay aniga oo isticmaalaya lafo Dameer. Intiinna hadhay ee nool iga fogaada oo iska kay ilaaliya xuux.” Dabadeed waxa uu laf ku tuuray meel, meeshiina magac baa raacay oo waxa loo bixiyay Tuuladii Ramata. Si kedis ah ayuu Shamshuun u dareemay inuu harraad/oon hayo oo harraadanyahay. Alle ayuu baryay, wuxuuna yidhi: “ Alloow addoonkaagan waxa aad siisay niyadwanaag iyo ikhlaas, hadda waa anigii oo waan harraadsanahay, waxaanan gacanta u galay oo ugu jiraa Falasdiiniyiinta.” Waxaa islamarkiiba dillaacay dhagax wayn oo yaallay meel u dhawayd, waxaana dhagaxii ka soo booday biyo.

Shanshuun ayaa biyahii cabbay, waxaana u soo noqotay awooddii jidhka iyo ruuxda, wuuna oonbaxay. Illaa maantadan ishii biyaha ahayd way socotaa, oo way jirtaa, waxaana loo yaqaan ‘ Ishii Haquuriya.’

Shamshuun waxa uu Reer Israa’iil dhex joogay intii ay wax ku kala duwanaayeen muddo labaatan sano ah. Intaas ka dib Shamshuun waxa uu tagay oo u degay magaalada Qasa, waxayna halkaas si kedis ah iskaga horyimaaddeen oo kulmeen naag dhillo ah, dabadeed meel ayuu la galay. Reer Qasa ayaa lagu yidhi: “

Shamshuun halkan ayuu joogaa.” Waxa ay isku soo wareejiyeen oo goobo camal ku soo xidheen meeshii, waxayna habeenkii oo dhan [ Shamshuun] ku qarinayeen albaabka magaalada, waxayna yidhaahdeen: “ Aroorta ayaannu dili doonnaa.”

Shamshuun wuxuu seexday habeenbadhkii, dabadeed wuu kacay, wuxuuna u dhaqaaqay dhinaca labadii albaab ee magaalada. Albaabkii ayuu garaacay, dabadeed inta uu garbihiisii yara goday ayuu figta sare ee buurta fuulay.

La soco qaybta 3aad iyo Qisadu halkay ku dhammaato, fejida la walaaqayo iyo sida xaal noqdo dhammaadka.

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?