Taxanaha Buugga #Sirdoon Delilah: Basaasaddii Kitaabka Barakaysan

 



Qaybta #1


Delilah waxa ay ahayd barbaar Falasdiiniyad ah oo ka mid ah madaxweynta tolkeed. Tolkeed ayay ku caawisay inay helaan siraha ugu muhiimsan markii loollanka adag ka dhexeeyay Falasdiiniyiinta iyo Israa’iil.

Sheekada Delilah waxa ay ku soo aroortay Kitaabka Barakaysan ee Yuhuudda (Tawraad). Laga bilaabo cutubbada 13-16 ayaa ka warramaya. Dhacdooyinka qisadu waxa ay ku wareegayaan waqtigii taaha ee ay Reer Banii Israa’iil noolaayeen dhimashadii Muuse SCW ka dib. Shar iyo dhibaatooyin ayaa ku habsaday oo Alle ayaa ciqaabay, oo wuxuu ku salliday Falasdiiniyiinta oo wuxuu dhadhansiiyay cadaab iyo ciqaab ta ugu daran. Isla waqtigaas waxaa noolaa nin qabiilka Daan ee Reer Israa’iil ah oo magaciisa la odhan jiray Manuux. Ninkaas Manuux wuxuu qabay gabadh madhalays ah oo aan dhalin. Alle ayaa waxa ay ka baryi jirtay inuu siiyo ilmo wanaagsan oo dadnimo leh sida uu ka warramayo Kitaabkooda barakaysani. Malagii nafta ku afuufayay waxa uu ugu bishaareeyay in ay dhali doonto ilmo aan timihiisa la xiirin. Waayo, timihiisu awood ayay leeyihiin, wuxuuna noqon doonaa mid haldoora oo diga oo daacad u ah reer Banii Israa’iil, oo uga run sheega waxa uu ka arko gacmaha Falasdiiniyiinta (ama Falasdiyiinta sida ay Kitaabkooda ku sheegaan). Wiilkaasi waxa uu amray in ayna cabbin khamri iyo waxkasta oo lagu sikhraamo, iyo in ayna cunin wax ka mid ah waxa ay xaaraantimaysay shareecadu (ama shareecadoodu).

Gabadhii ayaa faraxday farxad aan innaba caadi ahayn oo badan, arrintaasna ninkeedii ayay ugu bishaaraysay. Gabadha ninkeedii ayaa Rabbigii Salaad u tukaday, wuuna duceystay, wuxuuna Alle ka baryay inuu ninkii u soo celiyo ( ma ogayn inuu Malagyahay) si uu labadoodaba uga warramo waxa ay wiilka ku samayn doonaan haddii lagu arsaaqo oo la siiyo. Malagii ayaa mar labaad u yimid gabadhii iyada oo beerta joogta oo ninkeediina aanu la joogin. Iyada oo degdegaysa ayay u tagtay ninkeedii iyada oo rabta inay ugu bishaarayso imaanshaha uu yimid ninkii marka hore ilmaha ugu bishaareeyay (Malagii). Ninkeedii ayaa istaagay, wuuna raacay, wuxuuna u tagay Malagii isaga oo wayddiiyay: “ Ma adiga ayuu ahaa ninkii xaaskayga la hadlayay?” Wuxuu ugu jawaabay: “ Haa, aniga ayuu ahaa.”

Manuux ayaa yidhi: “ Hadda ayuu hadalkaagu dhaboobayaa. Sidee ayay suurtagal u tahay in aynu ilmo samayno?” Malagii ayaa yidhi: “ Si aad xaaskaaga iskugu waafaqdaan wixii aan u sheegay, ha dhadhamin waxa cinabka laga sameeyo, ha cabbin khamriga, hana cabbin waxkasta oo lagu sikhraamo. Ha cunin waxa ay shareecadu diiday ee xaaraantinnimaysay.” Manuux, oo aad ugu farxay ayaa yidhi: “ Waad nala joogi, oo waxaannu kuu qali/gawraci orgac yar.” Wuxuu ugu jawaabay: “ Haddii aad ila joogtid Roodhidaada cuni maayo, se haddii aad doonaysid in aad duceysatid Rabbigaa bari oo Alle dartii wax u gawrac.” Manuux ayaa soo qabtay orgac yar, inta uu dhagax meel sare yaalla saaray ayuu Alle dartii u gawracay. Dab ayaa samada ka soo degay, neefkii la qalay ee ducada ahaa ayay qaadday iyaga oo ninkii iyo xaaskiisiiba daawanayaan, halka Malagii Samada eegay ee dhinaca samada u jeedsaday. Manuux wuxuu ogaaday inuu Malagyahay, isaga iyo xaaskiina sujuud ayay dhulka u dhaceen iyaga oo cabsanaya.

Gabadhii uur ayay qaadday, maalmo ka dib waxa ay dhashay ilmo. Waxa ay dhashay ilmo digaya, waxayna ku magacawday Shamshuun, Alle ayaa u barakeeyay ilmihii, wuxuuna siiyay oo ka buuxiyay awood. Ilmihii yaraa ee Shamshuun wuu koray illaa uu waynaaday oo gaashaanqaad noqday, oo ragannimo isku arkay. Wuxuu degay tuulo la yidhaahdo Timna. Ninkii waxaa jeclaatay oo la ashqaraartay gabadh dhulka Falasdiiniyiinta ka timid.

Tuuladii ayuu kor uga baxay, Hooyadii iyo Aabbihiina wuxuu ka codsaday inay gabadhaas u guuriyaan. Ninka Aabbihii ayaa ku yidhi: “ Bulshadan aad ka dhalatay ee aad ka soo jeeddid dhammaanteed hal gabadh oo u qalanta in aad guursatid ma ka wayday?” Balse, Shamshuun wuu ka gaws’adaygay. Sheeko ayaa waxa ay leedahay jaceylka uu gabadha u qaaday wuxuu ahaa mid laga danbeeyay oo looga dan lahaa si uu sabab ugu noqdo ladagaallanka Falasdiiniyiinta— Falasdiiniyiinta oo waqtigaas lagu salliday Israa’iil. Waqtigaas waxaa ay ka maarmi waayeen inay ogaysiiyaan jaceylka uu u qabo. Maalin isaga oo socda waddada tagta Timna oo hoygiisii u socda ayaa waxaa hor istaagay cagabaruur (dhal Libaax), wejigii cagabaruurka ayaa isbeddelay, waxaanad moodday in loo hanjabay, wuxuuna isku baddelay sidii oo uu yahay Orgac— isaga oo aan loo adeegsan wax hub ah.

Dhab ahaan waxa uu ahaa nin awood badan. Hooyadii iyo aabbihii ugama warramin wixii uu sameeyay, hawshiisa ayuu iska watay. Markii uu gabadha la hadlo, aad ayay u ashqaraaraysay, maalmo yar ka dib ayuu ku soo laabtay si uu u guursado. Wuxuu soo maray halkii ay isku dagaaleen ee ay ku legdameen Libaaxa, wuxuuna calooshii Libaaxa ka helay malab iyo koox Shinni ah. Labadiisa gacmood ayuu ku qaaday Malabkii, isaga oo cunaya ayuu u geeyay Aabbihii iyo Hooyadii. Wuuna siiyay labadiisii waalidba Malabkii. Wayna cuneen. Ugama aannu warramin oo uma sheegin in Malabkan uu ka keenay caloosha Libaaxa. Dhammaantood waxa ay isku raaceen inay u tagaan oo uu guursado gabadhii Falasdiiniyadda ahayd, halkaas ayuuna Shamshuum toddoba cisho oo casuumaad ah u joogay.

La soco qaybta 2aad iyo Qisadu halkay ku dhammaato, fejida la walaaqayo iyo sida xaal noqdo dhammaadka.

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?