10 Xaqiiqo oo ku saabsan Lamafilaannada iyo Layaabbada Waqti Xaadirkan!
1- Waxaan arkay dadka waqtigeennan jooga, kuwaas oo noloshooda ka dhigtay nolol is rogrogid iyo isbed’baddel joogto ah ku jirta, qiyamka ku adkaysigiisu wuxuu noqday wax maskax ahaan loo neceb yahay oo nijaaso ah, halka qofkii Muslimka ahaa ee hore ugu dagaallami jiray fekrad iyo mabda’ dadkana ku boorrin jiray, hadda wuxuu si ceeb la’aan ah ugu baaqaa qabyaalad, xitaa carruurtiisana wuu ku barbaariyaa qabyaaladda, isagoo ku dhiirrigelinaya in ay qabyaalad darteed dadka ku jeclaadaan, uguna gargaaraan jacaylkeeda iyo u hiilinteeda- xataa haddii ay ka hor imanayso mabda’ooga. Ma aha wax lala yaabo isbeddelka ku dhacay dadka qaar ka mid ah dadka waqtigan nool, balse yaabka ugu weyn wuxuu yimaadaa marka la arko dadka culus ee ku adkaysta mabaadi’dooda, markaasna la isweydiiyo: Sidee dadkani ugu adkaysteen mabda’yadooda? Maanta, dadka u muujiya dabacsanaan laga muujiyo diinta iyo fekerka waxaa loo arkaa xirfad yo caqli, halka ay shalay ahaan jirtay munaafaqnimo. Waxa keenay kala duwanaanshaha waqtiga iyo isbeddelka xaaladaha. Waxa aan hore u arki jirnay dad u dagaallami jiray si ay innoogu sheegaan: In ay xaaraan tahay in la galo albaabbada siyaasiyiinta. Balse, maanta waxaan arkaynaa iyaga oo si xad’dhaaf ah ugu dadaalaya u dhowaanshahooda iyaga oo ku doodaya in ka fogaanshahooduna yahay fidno. Alle dadkiisa wuu ka warhayaa.
2- Waxa aan aragnaa dadka oo u jeesta camalka wanaagsan bisha barakaysan ee Ramadaan, iyo tobanka hore ee Bisha Dulxija- kuna tartama cibaadada iyo gudashadeeda- iyaga oo ictikaafa, Xajiya oo soo cimraysta sannado badan. Balse, raadkii cibaadadu muddo dheer kama sii muuqdo, waxa aan iswayddiiyay: Waa maxay sababtu? Waxa aan arkay in dadku intooda badan cibaadada u sameeyaan uun cibaado ahaan, balse ayna wax kale u dheerayn.
3- Waxaan arkay dadka oo jeclaanaya dhageysiga wacdiga iyo hannuuninta- ducaaddana dooranaya ama jeclaanaya ka codkiisu dheeryahay, wayna soo xaadiraan Muxaadarooyinka markasta oo Daaciga jeedinayaa u dhawaado dhinaca caaddifadda, meelkastana way uga yimaaddaan muxaadarooyinkaas. Inkasta oo ay dadku dalbadaan muxaadarooyin badan, haddana markii aan u kuurgalay waxa aan ogaaday in saamaynta wacdigaas ee dhinaca waaqica noloshu in uu yaryahay. Markaas ayaan naftayda wayddiiyay: Maxaa arrintan sababay? Waxa iisoo baxday in dadku u jecelyihiin hadallada Ducaadda si la mid ah sida ay u jecelyihiin hooballlada heesa, fannaaniinta, iyo abwaannada gabya oo kale. Dadkaasi dhab ahaan waxa ay u hammuun qabaan ama u oommanyihiin Diinta, balse ma fahmayaan in Diintu tahay mashruuca dhan ee noloshaba, balse ayna ahayn wacdi iyo waano keliya. Marlabaad ayaan aniga oo murugaysan iswayddiiyay: Yaa ka mas’uul ah hoos-u-dhaca fekerka iyo garaadka ee ku dhacay ummadda? Ma aanan ka labalabeyn inaan qirto in dhibaatadu ku jirto hadalka wacdiyayaasha, kaas oo ka madhan nuxur feker iyo aqoon ba, kuna mashquulsan arrimo muuqaalka sare uun ah oo aan nuxur lahayn.
4- Waxaan arkay Muslimiinta ku nool dalalka Reer Galbeedka iyaga oo ka cabsi qaba inay ku milmaan bulshooyinka halkaas ka jira, waxayna wax iska wayddiiyaan mustaqbalka carruurtooda iyo kuwa ay sii dhali doonaan ee awawga u noqon doonaan. Balse, gabi ahaanba ma raadinayaan xalal ku saabsan dhibaatada haysata, mana diyaariyaan qorshe guud oo badbaadinaya jiilasha mustaqbalka. Waxaan nafteyda ku weydiiyay su’aal ah: Maxay u raadin waayaan xalka dhibaatada, halkii ay ka hadli lahaayeen cabsi joogto ah oo aan dhammaad lahayn? Waxa aan ogaaday intii aan ugu dambeeyay joogay Kanada iyo Maraykanka in bulshooyinka Muslimiinta ee u hayaamay Galbeedka ay ka maqan yihiin fahamka dhabta ah ee cilmiga bulshada, sidoo kale ma jiraan dadaallo ku saabsan mashruuc hufan oo dhaqameed/taariikhi ah oo loogu talagalay in umadda laga badbaadiyo isku milmidda, lumidda aqoonsiga jiilasha danbe. Sababta oo ah dadkani waxa ay ay u yimaaddeen Galbeedka iyaga oo aan weli garanayn sababta ay halkan u yimaaddeen? Ma waxa ay doonayaan in ay Muslimiin ahaan ku sii noolaadaan Galbeedka? Mise waxay rabaan in ay weligood ba ku noolaadaan waddamadan galbeedka?
5- Xilligan la joogo marka ay noqoto dhinaca horumarka- waxa aan ogaaday in bulshadu u qaybsamaan laba qaybood:
- Qayb aan lahayn aqoonsi lagu garto oo bilaa aqoonsi ah. Qofkaasi ma rabo feker, iyo mashruuc midna. Waa qof madhan oo aan macne lahayn. Xataa haddii uu haysto aqoonsi iyo doorasho wuxuu u janjeedhaa damacyada iyo doonista dadka kale.
- Qayb leh aqoonsi cayiman, kuwaasina waxa ay leeyihiin noocyo iyo qaybo. Qaarkood waxa ay iskaga midyihiin oo isku aqoonsadaan arrin dhalasho ahaan ( qabiil baa xidhiidhiya), noocani wuxuu u dhawaynayaa inay leeyihiin astaamo xayawaan oo kale. Dadku inay qabiil isku aqoonsadaan waxa ay u arkaan sarrayn iyo sharaf. Waxa kale oo jira dad isku aqoonsada deegaan ahaan ( Waddan baa xidhiidhiya), meesha uu degganyahay wuxuu u arkayaa inay meelaha kale ka fiicantahay, taana wuxuu u malaynayaa sarrayn iyo korrayn. Waxa kale oo ka mid ah dad isku aqoonsada ama isku garta taariikh keliya ( tusaale ahaan fekerka Salafiya), isku aqoonsigaasna waxa ay u arkaan soojireen iyo sharaf. Waxa jira dad isku aqoonsada wax taariikh iyo deegaan gaara ka madaxbannaan ( Tusaale ahaan Cilmaaniyadda), waxayna taas u arkaan horumar iyo horusocod. Arrinta ugu layaabka badan waxa weeyaan qofka iska gala caalamka is aqoonsiga isaga oo aan wacyi lahayn waxa loo yaqaan inuu yahay qof aan aqoonsi lahayn ( Tusaale ahaan Selafiya Jadiidiya). Qaar ka mid ah dadka waxay ku ku jiraan dhaqdhaqaaqyo ama ururo siyaasadeed/fikradeed xilli ay dhaqdhaqaaqyadu liitaan, waxayna u arkaan taas inay tahay tayo iyo gaar ahaansho. Qaar kalena waxay dadka ula dhaqmaan hal waji, laakiin madaxda ama xukuumadda waxa ay kula dhaqmaan waji kale, taas oo u muuqata inay tahay arrin ilbaxnimo bulsho ah.
Markii aan u fiirsaday ee baadhay, waxa aan xaqiiqsaday in aqoonsigu yahay dabiici ah, Diini ah, iyo dhaqan- isla markaana uu yahay lagama maarmaan ah. Aqoonsiga qabiilka ama dalka waa dabiici, laakiin ma gaadhayo heerka ugu wanaagsan ee bani’aadamnimada; aqoonsiga taariikhiga ah waa muhiim, balse maaha meesha ugu dambeysa ee taariikhda ama horumarka. Waqtigu uma joogsado hal khibrad ama dhacdo gaar ah; aqoonsiga fekera iyo diintu waa dabiici, waana lagama maarmaan, isla markaana waa diinta dhabta ah, waana tan ugu muhiimsan uguna wanaagsan. Dadka waaweyn ee xilligan waxay fahmeen macnahan, sidaa darteed waxaan aragnaa in qaar ka mid ah dadka casriga ah ay aqoonsi feker iyo diineed u leeyihiin halkii ay ka ahaan lahaayeen ku tiirsanaanta qabiil, taas oo hadda noqotay caqabad weyn oo hortaagan horumarka Afrika iyo adduunka Carabta.
6- Waxaan khibrad ahaan arkay in ay dhib badan tahay in lagu dhex noolaado dad aan waxbarasho lahayn; sidoo kale waa niyadjab weyn in qofka aqoonta leh iyo fahamka dheer lihi uu la noolaado dadka aan waxbarashada lahayn. Qofka aqoonta leh wuxuu ku jiraa “doox” gaar ah oo wacyigiisu firfircoon yahay, halka dadka aan waxbarashada lahayn ay ku jiraan “doox kale” oo jahli wayn leh. Markuu ka hadlo feker ama cilmiga guud waxa ay kala doodaan fiqiga. Markuu qofku si qoto dheer u galo arrimaha fiqiga, usuusha iyo qawaacidda Fiqiga, waxa ay ula wareegaan oo la aadaan sheekooyin iyo waano- halkii ay ka geli lahaayeen dood cilmiyeed oo qoto dheer. Haddii uu ka hadlo mustaqbalka iyo sidii loo waajihi lahaa waxa ay ku celinayaan fekerkii hore ee waayihii tagay. Haddii uu soo bandhigo fekrado cusub oo ka dhashay cilmibaadhistiisa uu ku sameeyo geeddisocodka iyo habdhaqanka bulshada, una sheego halista marxaladda hadda taagan waxa ay si degdeg ah ugu jawaabaan iyaga oo leh: “ Maxaad adigu uga hadlaysaa wax aan la arki karin oo maqan (Qaybka)?” Waxayna si jaahilnimo ah ugu eedeeyaan gaalnimo iyo bidco. Haddii uu kala hadlo feker istaraatiijiyadeed iyo qorshe fog, iyagu waxa ay u beddelaan doodda colaad sokeeye iyo dagaallo macno la’aan ah. Isagu wuxuu la jooga dood ku saabsan arrin masiiri ah oo go’aaminaysa mustaqbalka, iyaguna waxa ay ku jiraan muranno yaryar oo aan waxba ka beddelayn xaaladda.
Waxaan ka maqlay waxgaradka dalkeenna in nin weyn oo deegaankeenna ka mid ahaa uu mar Alle baryay isaga oo leh: “ Ilaahayoow, dadkayga sii garasho iyo aragti si ay u fahmaan waxa aan arko, ama aniga iga qaad adduunkan oo ii gee Aakhiro si aan uga nasto.” Ducadan darteed ayuu noqday tusaale qof wax arka (feker iyo garasho leh) marka uu ku dhex nool yahay dad aan aragti iyo faham toona lahayn. Haddaba maxaa la filan karaa marka qofka aqoonta leh (musaqafka ahi) uu culays ama caqabad ku noqdo geeddisocodka taariikhda?
Waxa aan Faysbuugga ku arkay dhalinyaro badan oo ku tartamaysa dhaliil iyo is-eedayn ah shakhsiya (aan cilmi ku dhisnayn) kuma na arag dhaliil ujeeddo muuqata leh. Sidaas awgeed waxa aan ogaaday in nidaamka tarbiyada iyo waxbarashadu uu yahay sababta ugu weyn ee samaysay ama abuurtay maskaxdan Faysbuuga la caqliga ah iyo guud ahaan Baraha Bulshada. Sidoo kale, waxa aan arkay in inta badan qoraallada Carabiga ku qoraan luuqad liitada, sidoo kale luuqadaha kale ee caalamiga ahina way cabanayaan oo xadgudub dhinaca qoraalka ah ayay ka cabanayaan. Sidaa darteed waxa aan jeclaan lahaa in dhallinyaradu dib u eegaan qoraalkooda ka hor inta aysan daabicin. Waayo, qoraallada qaarkood waxa ay sababi karaan inuu lumo dhaxalkii naxwaha iyo af Carabiga ee uu Siibawayhi astaanta u ahaa.
7- Waxa aan la fadhiistay dad si aan uga la hadlo ama ugala doodo arrimaha waddanka, balse waxa aan ogaaday in inta badan ayna dadku kala saarin waddanka iyo Madaxwaynaha. Sidaas darteed, ma rabaan xorriyad dhab ah oo waddanka u wada dhanyahay, waayo iyagu hore ayay uga faa’iideysteen xorriyadda ka jirta dalalka shisheeye- sida kalitaliyayaashu uga faa’idaysteen dalka gudihiisa. Sidaa darteed dhibaatada gudaha dalka ka jirta ayay ka faa’idaystaan si ay faa’ido dhaqaale u helaan. Waxa ayna ka faa’iideystaan xorriyadaha ka jira dalalka dibadda si ay carruurtooda ugu helaan waxbarasho wanaagsan iyo daryeel caafimaad oo fiican. Dadka noocana ee sidan samaynaya kama qarsoona inay burburinayaan mustaqbalka waddanka iyo jiilalka soo socda.
8- Waxa aan arkay dad kala saaraya diinta iyo siyaasadda, ka dib markii ay ku fashilmeen inay labadaba isku wadaan. Marka uu ka hadlayo fekerro waawayn oo culclus oo xidhiidh la leh Diinta iyo Siyaasadda qofku wuxuu ku odhanayaa ‘ Annagu keliya waxa aan xooga saaraynaa oo ka doodaynaa dhinaca Diinta, dhinaca siyaasaddu nama khusayso. Sababtu uu sidaas u samaynayaa waxa weeyaan in uu ku fashilmay fahamka arrinta iyo isku xidhka labadeeda dhinac—kan diimeed iyo kan siyaasadeed. Taas awgeed, halkii uu ka qiran lahaa faham la’aantiisa, wuxuu isku dayayaa inuu ka cararo arrinta oo uu iska hormariyo dood kale. Arrintani waxay muujinaysaa cillad ku jirta habfekerkiisa (manhajkiisa) iyo qalad ku jira fahanka fekradaha, hase yeeshee wuxuu ku nool yahay khiyaali uuna rabin in dadka kale ogaadaan.
9- Waxa aan arkay dad isbeddela, se aan horumar samayn, si la mida sida aan u arkay dad horumar sameeya se aan isbeddelin. Horumarku waa sunne kawniya. Isbeddelka uu qofku ku sameeyo noloshiisa mar walba ma aha horumar; mararka qaar wuxuu noqon karaa murugo iyo dib-u-dhac. Aadanuhu wuxuu mar walba u gudbi karaa heer kale, wuxuuna iska baddeli karaa xaalad illaa xaalad kale—mid wanaagsan ama mid xun. Balse, waxa muhiimadda isbeddelka qofku in uu noqdo mid laga doodo oo laga falanqeeyo si soojeedda. Qofku xaalad buu iska baddeli karaa, wuxuuna geli karaa xaalad kale isaga oo aan xisaabtamin, wuxuuna aamusayaa xilli aamusku uu yahay khalad. Wuxuu ka hadlaa waxyaabo aan qiimo lahayn xilliyo uu ku jiro burbur fekereed, ugu dambeyntiina wuxuu ku dhex milmaa waxyaabo yaryar oo aan muhiim ahayn xilliyo uu ku jiro jahawareer. Waqtigani waa la yaab! Waxa aynu saaxadda dacwadda iyo fekerka ku arkaynaa qof cabsida Alle u ooyaya sida uu sheegay. Balse, sida dadka dhintay ee qabriyada ku jira oo kale uga aamusaya marka la dayacayo arrimaha masiiriga ah ee ummadda…
10- Siyaasiyiinta qaarkood waxa ay isku daraan waxyaabo iska hor imanaya oo Masjidka ayay galaan, waxna way khiyaameeyaan oo waxa ay ku mashquulsanyihiin dano dadka dhibaato ku ah oo shisheeye u adeegaya; fekerkeedu wuu liitaa, haddana waxa ay muujinayaan inay ehludiin yihiin oo Diinta ku fiicanyihiin. Waxaas oo dhami waa natiijadii ka dhalatay siyaasiga aan aragtida iyo masuuliyadda midna lahayn; Diinta ayuu ku faanayaa, haddana khiyaanadiisu kama qarsoona ummadda. Haddana wuxuu siyaasigu u malaynayaa in uu hagaajiyay la dhaqankiisa bulshada, wuxuuna moodayaa inuu fahan badan ka haysto siyaasadda. Isaga oo sidaasa haddana wuxuu muujinayaa inuu yahay qof ehlu Diinta oo Masaajidda ayuu ku noqnoqonayaa, Xaramka Allana wuu ku noqnoqonayaa. Mana qarsoona dhagaraha uu wado ee cadawga ugu adeegayo ee uu kaga soo horjeedo mabda’a iyo danta dalka. Balse, dadka wuxuu ku odhanayaa: ‘ Arrimahan aan ka shaqaynaynaa waa masaalix, Maslaxadduna waxa ay ka mid tahay sharciga Alle…’ Waxa aynu ku noolnahay waqti aynu ogaan karno dadka, oo horteenna ay isku barraxaan dad aynu u malaynayno inay yihiin kuwo cibaado badan. Balse, waqtiga ayaa ah ka keliya ee soo saara ama muujiya xaqiiqada dahsoon ee qofka.
Kuwani waa qaar ka mid ah layaabbada iyo fajacisooyinka waqtigeennan. Arrinta qariibka ahi waxa weeyi in qaar innaga mid ahi ay moodayaan inay ku suganyihiin dariiqii asxaabigii Cumar ku sugnaa marku Diinta fahmayay, habdhaqankii wanaagsanaa ee Cali, geesinnimadii Xamse markuu Jihaadka ku jiro, cilmigii Mucaad ee kala garashada xalaasha iyo xaaraanta, xaafidnimadii Abuu Hureyra ee werinta Axaadiista badan. Waxa wanaagsan in aan tawaaduc samayno illaa aynu ogaanayno sida aynu u gaabinnay, si aynu intaas ka dib isku cusboonaysiinno oo markale bilowno safarkeenna idanka Alle.
W/Q: Sh. Cabdiraxmaan Bashiir ( Af Carabi)
Turjumid: Cabdirisaaq Sandheere ( Af Soomaali)
Jeenawari, 2026
Comments
Post a Comment