GARO ILAHA KHEYRAADKAAGA NAFEED!



Kheyraad (Resourse) waa: shey aad u adeegsan karto si aad ugu gaadho hadafkaaga.
Inkastoo ay jiraan ilo badan oo kheyraad; waxaynnu kusoo ururrin afar qeybood: 1- Kheyraadka dadka 2- Kheyraadka shey’yada 3- Kheyraadka Deegaanka 4- Kheyraad guud.
1-   Kheyraadka Dadka
Kheyraadka dadka waxaa laga helaa naftaada iyo dadka kale. Waxaanna ka mid ah: Aqoonta ( Knowledge), iyo Xirfadda ( Skills). Aqoontu waxa ay ka koobantahay shey kasta oo aad akhrido, baadho, barato, ama aad xasuusato.
Hal’abuurnimadu ( Creativity) waa qeyb kale oo ka mid ah kheyraadka qofka. Waanna habka qofku uu ku xallinayo dhibaatada naftiisa, kuna bandhigayo dareenkiisa.
Si aad ugu guuleysato hadaf, waxa aad u baahantahay labo shey: Waqti ( Time) iyo tamar ( Energy).
Sidoo kale, qoyska iyo saaxiibbaduna waa qeyb ka mid ah kheyraadka dadka.
2-  Kheyraadka Shey’ yada
Kheyraadka walxuhu: Waa dhammaan shey’yada muuqda ee aad u isticmaalaso si aad ugu guuleysato hadafkaaga. Tusaale, lacagta. Haddaad doonaso in aad barato sida loo ciyaaro, sided ku gaadhi kartaa hadafkaa? Waa in aad lacag bixisaa.
3-  Kheyraadka Deegaanka 
Deegaanku sidoo kale wuxuu kuugu deeqayaa kheyraad kaa caawinaya in aad noloshaada ku raaxaysato, xirfaddaada horumariso, iyo in aad xalliso dhibaatooyinkaaga. Waxyaabahaa kuu sahlaya waxaa ka mid ah: Dugsiga, Dhigaal oolka, Dhakhtarrada, Carwooyinka, Barkinnada iyo Tiyaatarrada.
4- Kheyraad Guud
Kheyraadka sida dabiiciga ah loo helo waxaa ka mid ah: hawada, biyaha, carrada, dhirta, iyo macdanta. Dhammaan kuwan waa in aad si xilksanimo ah u isticmaashaa.
~ Waxa aan ka Turjumey buugga Creative livin skills( 8TH Edition) waxaanna qorey: Sue Couch, Ed.D. Ginny Felstehausen, Ph.D. Oatricia Clark, M.ed., CFCS.
W/T: Cabdirasaaq Sandheere, 04-01-2018, Habeen Khamiis ah.
                                                                                          
       HABKA MAAMULKA NAFTA
Maamulka naftu waxa ay noqon kartaa afar hab:
1-    Qorsheyn ( Planning).
2-  Habeyn ( Organizing).
3-  Fulin ( Inplementing).
4-  Qiimeyn ( Evaluating).
Maskaxda ku hay in habkan uuna dhammaan wada sheegayn wax kasta oo la xidhiidha maamulka. Noqoshada maamule-nafeed oo loo riyaaqay waxa ay ku xidhantahay xirfado kala duwan, oo ay ka mid yihiin: Go’aan qaadashada, xallinta dhibaatada, xidhiidhka, hoggaaminta, urureynta,  feker shiilidda, iyo ikhtiraaca.


1- Qorsheyn ( Planning)
Waxaa jirta odhaahda can ah “ Haddii aad ku guuldarreysato in aad qorshe yeelato, waxa aad qorsheysay in aad guuldarreysato~ If you fail to plan, you plan to fail.” Markaad waqti galiso in aad qorshe samayso, hawl fiican ayaad qabatey, waxa aanad maalgalisay naftaad. Qorshaha guuleystay waxaa ka mid ah qodobaddan soo socda:
A) Qeex yoolkaaga: Maxaad doonasaa in aad ku guuleysato? Cabbir oo ku qoro meel. Marka laga yimaado hiigsigaaga koowaad; yeelo oo qeex hiigsigaaga labaad.
B) Kala horreysiinta tixgeli: Markaad ka fekerto ee aad dajiso hadafkaaga, tixgeli kuwa sida ay ukala horreeyaan.
C) Qiimee kheyraadkaaga: is wayddii; waa maxay kheyraadka kuu sahlaya ee kugu caawinaya gaadhida hadafkaaga? Qoro oo liis garayso.

2-  Habeyn ( Organizing).
Marka aad qorshe sameysato, tallaabada labaad waa in aad habayso  Si aad u u hayso waxa aad u baahantahay kuwan:
A) Samayso Jadwal: Is wayddii; waqti intee leeg ayey kugu qaadanasaa in aad samayso hawsha liiskaa kuugu qoran? Tee baad marka hore billaabasaa?
B) Kheyraadkaaga meel iskugu gee: Raadi waxa aad ubaahantahay ee qalab ah, kuuna sahlaya in aad gaadho hadafkaaga. Isku gee dadaalkaaga iyo tamartaada, waxa aanad qorsheysaa sidii aad u gaadhi laheyd hawshaada.

3-  Fulin ( Inplementing)
Marka aad qorshaha iyo habaynta dhammayso waa ku xigta in aad u guntato sidii aad u fulin laheyd, qorshahaaga. Isticmaal kheyraadkaaga aad isku keentay, waxa aanad raacda liiskaaga adiga oo eegaya jadwalkaaga. Adiga oo qorshahaagii raacaya, horumarkan billow, oo dhex jibaax.
4- Qiimeyn ( Evaluating)
Waxa laga yaabaa in aad istidhaa wuu dhammaadey habkii maamulka naftu marka aad soo dhammayso, qorshaha, habeynta, iyo fulinta.  Tallaabadii u danbeysay ayaa kuu ahdhey.
Billow adiga oo qiimeynaya maxsuulkaaga─miyaad ku guuleysatey hadafkaagii? Halkaa haku joojin! Qiimee habka aad soo martey iyo dariiqa aad soo qaadey. Haddaad guuleysatay; maxaa kuu sahlay in aad guuleysato? 
Haddii aanad ku guuleysan qorshayaasha qaar, is wayddii: maxaa dhacay? Daraasee oo ogow waxaa dhacay. Ma dajisay qorshihii aad ku gaadhi laheyd guusha? Ma ku guuldarreysatay in aad isticmaasho kheyraadkaaga kuwa ugu fiican.
     
          HABKAN GO’AAN QAADASHADA

Go’aan qaadashadu waa qeyb nolosha ka mid ah. Go’aannada qaar aad qaadato waxa aad ku taami doontaa gu’yaal soo socda, waayo, waxa ay ku siinayaan jihada iyo ujeeddada.
Raac habkan si aad go’aan midho dhal ah ugaadho:
A) Qeex/Garo Go’aan aad doonaso in aad qaadato: is wayddii maxaad u doonasaa in aad go’aankan qaadato? Maxaad ku rejo wayntahay in aad ka gungaadho?  Ayuu saameyn karaa go’aankani.
B) Tiri waxyaabaha suuragelka ah: Ururri xogo iyo macluumad kugu hagaya in aad gaadho go’aan geesinnimo leh ka feker waxyaabaha kaaga iman kara ee suuragelka ah.
C) Qiimee maxaa Taban, iyo maxaa Togan: waxa aad sii ogaataa, go’aan qadhaadh haddaan qaato maxaa Togan ee aan helayaa? Maxaase Taban ee aan kala kulmayaa? Is wayddii sidee buu dadka kale usaamayn karaa, adiga kaliya maahee?
D)Yeelo Dookh: Marka aad qiimayso wixii maxsuul ah; Ma toganayahay ma tabanyahay.  Dooro ka kuugu mumaasabsan.
E) Samee Go’aankaaga: xaqiiqso waxa aad doonaso in aad go’aanka ka gaadho, dabadeed, ficil u baddel.
F)  Qiimee Dookhaaga: In taa ka dib, waxa aad eegtaa caaqibada ka dhalan doonta go’aankaaga. Ma samaysay dookh fiican? Sidee buu go’aankaagu u saamaynayaa dadka kale? Aqbal maxsuulka ama natiijada kasoo baxda, waxna ka baro.

 ~ Waxa aan ka Turjumey buugga Creative livin skills( 8TH Edition) waxaanna qorey: Sue Couch, Ed.D. Ginny Felstehausen, Ph.D. Oatricia Clark, M.ed., CFCS.

W/T:  Cabdirasaaq Sandheere, 05-01-2018, Habeen Jimce ah.








Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?