Maxay Noloshu I Bartay?

 


 


1-      Noloshu waxa ay I bartay in dadka qaar ka cabsadaan wax cusub oo ay jecelyihiin waxa tegay/tagtadii, ayna nacaan inay wax la yimaaddaan oo ikhtiraacaan. Sidaas darteed ma jiro wax cusub oo ku soo kordhaa. Sidaas darteed qaarkood waxa ay isku dayaan inay soo koobiyeeyaan afkaaro dad kale leeyihiin, ka dibna ay yidhaahdaan ‘ Aragti cusub ayaan haysannaaye miyaanad ujeedin?’

2-    Noloshu waxa ay I bartay in dadka qaar ka cabsadaan Ducaadda la jecelyahay, iyo mufarikiinta haya aragtiyo cusub oo aragtiyahoodu muhiimka yihiin; sidaas darteed waxa ay dadkaas la galaan dagaallo ay ku jabayaan oo khasaare laxaadlihi ka soo gaadho. Balse, dadku waxa ay ducaaddaas iyo dadka kalmadda xaqa ah faafinaya ka korodhsadaan wacyi iyo jaceyl.

3-     Noloshu waxa ay I bartay in hadalka miisaaman ee isku dheellitiran in la yidhaahdaa ay waajib tahay, waayo hadalku waa ka abuura dhabnimada waaqica. Hadalkuna waa natiijo ka dhalatay aragti. Quraanka markii la soo dejiyay hadalkii u horreeyay ee la soo dejiyay wuxuu ahaa ‘ Akhri.’ Fekerkuna wuxuu sida waajibka ah ku yimaaddaa dadaal iskii ah oo qofku naf ahaantii sameeyo; waajibna maaha in laga soo koobiyeeyo buugta kaliya. Markaas ayuu hadalku saamayn yeelanayaa.

4-    Noloshu waxa ay I bartay in dadka qaar xanuunsanayaan oo ay la ildaranyihiin xanuun la yidhaahdo ‘ Cabsi.’  Sidoo kale, dadka qaar na waxa haya xanuun la yidhaahdo magaciisa ‘ dhaqaale yari.’ Sidaas darteed, waxa halkaas ka dhalanaya xanuun kale oo tarbiyad ahaan lagu sifeeyo ‘ Xaasidnimo.’ Kuwa cabsanaya, ee sidoo kale dhaqaale yaraanta ama suququl dhaqaale hayo ee xaasidnimana ayna ka madhnayn ma samayn karaan oo ma abuuri karaan nolol cusub.

5-     Noloshu waxa ay I bartay in qofka marka ay arrini ku dhacdo inay u qaybsamaan saddex nooc: Nooc iyagu wax abuura, nooc iyagu daawada uun, iyo nooc iyaga la saameeyo. Ka koowaad isaga ayaa wax sameeya (oo  waa faacil); ka labaad na waa shaacsane muuqda, kuwa danbana waa kuwo iyaga la saameeyay ( Mafcuulu bihii). Waxa aan doortay in aanan noqon kuwa koowaad iyo kuwa saddexaad ba.

6-    Noloshu waxa ay I bartay in hoggaamiyayaashu ay u qaybsamaan saddex nooc: Midi waa hoggaamiyayaasha fulinta siyaasadda, hoggaamiyayaasha Millateriga, iyo hoggaaminta aragtiyeed/fekereed. Hoggaaminta siyaasadeed dadka ayay hoggaamisaa, hoggaaminta Millatariguna waxa ay difaacdaa dalka; waxaana suurtagala in noloshu baabba’do marka Millatarigu farageliyo siyaasadda. Hoggaaminta aragtiduna waxa ay hoggaamisaa maskaxda, waxaanad abuuraysaa duni afkaar iyo aragtiyo ah. Waxa aan doortay inaan noqdo nooca saddexaad.

7-     Noloshu waxa ay I bartay in akhrisku yahay saddex qaybood: Akhriska sadarrada, akhriska aragtiyaha, iyo akhriska nolosha. Carruurta ayaa sadarrada akhrida,waxayna ku celceliyaan wixii loo sheego. Dadka dhexdhexaadka ahi waxa ay akhriyaan aragtiyaha, waxayna isku dayaan inay kor u qaadaan wacyiga. Dadka waawayna waxa ay akhriyaan nolosha, aragtiyaha, iyo sadarrada; waxayna dhisaan dunida wacyiga ah.

8-    Noloshu waxa ay I bartay in taariikhdu istaagto marka caqligu joogsado ee bilaa hal’abuur noqdo; noloshuna ay adkaato marka dadaalku joogsado ee caqligana laga shaqaysiin waayo. Mustaqbalkuna wuxuu noqonayaa sida waqti xaadirku yahay marka taariikdu joogtada iyo timaaddadaba iyadu xukumayso.

9-    Noloshu waxa ay I bartay in waddanku kaliya uuna ahayn meesha uu ku yaallo, iyo in meesha uu dhacaa ayna ahayn Khariidadaha dabiiciga ah, iyo in khariidaduhu ayna ahayn uun xuduudo siyaasadeed. Waddanku wuxuu u qaybsamaa labo qaybood: Midi waa mid kugu nool, midna waa ka aad adigu ku dhex nooshahay; waddanka isagu kugu nool isaga dartii ayaad u shaqaynaysaa, ka aad ku nooshahayna waxa aad ka fekeraysaa sidii aad culayskiisa uga bixi lahayd.

10- Noloshu waxa ay I bartay in siyaasiyiinta qaarkood ayna wax akhriyin; sidaas darteedna ayay weli u yihiin sidii ay tobannaan sano ka hor ahaayeen. Sidoo kale inay jiraan kuwo wax akhriya, se kuwaasina waxa ay akhriyaan buugta khiyaaliga ah. Waxa ay noolyihiin duni ay iyagu leeyihiin, kuwa kalana aqoonta ayay la dagaallamaan. Waayo waxa ay garanayaan in jaahilnimadu ay abuurto ama keento addoonnimo. Jaahilnimada halkan ugama jeedno aqoonla’aan, se waxa aan uga jeednaa faafinta garasha xumada, iyo dhoohanaanta.

11-  Noloshu waxa ay I bartay in aanan la noolaan karin cid I nacaysa, iyo inaanan kuwaas daryeelin; balse in aan isku dayo inaan si fudud ku dhaafo, iyo in aan ka fekersiiyo kumanaan jeer; iyo in aan nolosha laga helin kaabadda qofkaas guriga, se ay meelkasta noloshu ka jirto. Waxa kale oo noloshu I bartay in aanan ka werwerin xaasidiin igu hareeraysan ee aan arkayo, waayo taasi waa dabeecadda nolosha.

12- Noloshu waxa ay I bartay in aanan jeclaan tagtadii, waayo tagtada xanuunkeedii wuu dhammaaday, rejooyin ayaanan ka dhaxlay. Balse waxa aan isku dayaa in aan la noolaado waqti xaadirka si aan u horumariyo heerka habfekerkayga iyo habdhaqankayga si aan saamayn ugu yeesho badda si bilaa buuq ah; iyo in aan hoggaamiyo habka isbeddelka si cabsila’aan ah. Sidaas darteed waxa aan la noolahay waqti xaadirka , indhahana waxa aan ku hayaa mustaqbalka.

13- Noloshu waxa ay I bartay in waxbarashadu ay tahay shaqo adag, sidaas darteed qofka ku fashilka inuu naftiisa waxbaraa cid kale waxba ma bari karo. Noloshu waa dugsi wayn, dadkana way saamaysaa, mana jirto cid meel xaqiiqadaas looga cararaa; had iyo jeerna dadka ayay la falgashaa murugo iyo rejaba.

14- Noloshu waxa ay I bartay in lacagta ama hantidu tahay wasiilo meesha la rabo lagu tago, se ayna ahayn yool ama ujeeddo; dadka lacag darteed u shaqeeyaana wax saamayn ah nolosha kuma laha. Waayo, lacag ayay u shaqaynayaan, lacagta ayaana ujeeddo u ah. Balse, dadka u shaqeeya wax hanti ka badan oo ah aragti ama farriin, kuwaas ayaa taariikh saameeya, waxaana tusaale u ah waqtigii hore Cismaan Binu Cafaan, waqti xaadirkan casriga ahna waxa tusaale u ah Billgate.

15- Noloshu waxa ay I bartay in aanan u shaqayn si waafaqsan qorshayaasha dadka kale, iyo wacdiyada ay dadku ii sheegaan sida muxaadarooyinka, wacyiga, waxa ay qoraan ama tababbarada, balse aan u shaqeeyo si waafaqsan qanaacada naftayda, se aan waafaqsanayn qorshayaasha debadda. Kaliya waxa I xukumaa waa wacyiga, dadka oo dhanna waan ka faa’idaysanayaa, khibradkastana waan qaadanayaa, aragti kasta oo faa’ido ii lehna waan qaadanayaa. Noloshu aniga agtayda waa Dugsi wayn. Alle ayaa mahad leh.

 

W/Q: Sh. Cabdiraxmaan Bashiir

Turjumid: Cabdirisaaq Sandheere

Julaay, 2022






Comments

Popular posts from this blog

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?

Faallada buuga " Dariiqa Habdhaqanka~The Road to Character"