Bandhiga Buugta Goday 2024
Hordhac
Sannadkan 2024 waxa markii 1aad magaalada Goday ka dhacay
bandhig buug. Taariikh wayn iyo horumar ayay u tahay dadwaynaha magaalada Goday
iyo cidkasta oo bandhigaa goobjoog u ahayd. Anigu shakhsiyan markii aad ayaan fursad
u helay ka qaybgalka bandhiga Caalamiga ah ee Goday ( Goday International Book
Fair).
Bandhiga waxa cinwaan ama ladh looga dhigay ‘ Wax BARO, waxna BEERO.’
Waa halkudheg wayn oo ururinaya laba
arrimood oo muhiim ah: Waxbarasho iyo shaqo. Waa laba qodob oo Bini’aadanka u
muhiima, kaalin wayna ugu jira. Bandhigu wuxuu ka qabsoomay Xarunta
Dhallinyarada Goday, iyo Hoolka Hotelka Shabeelle. Buugta waxa lagu iibinayay
oo loo sharraxay Xarunta Dhallinyarada, halka doodaha iyo bandhigyada lagu
qabanayay Hoolka Hotelka Shabeelle. Bandhiga waxa soo qabanqaabiyay dhallinyaro
kala duwan ka soo jeeda magaalada Goday. Iyaga ayaa isxilqaamay oo u badheedhay
inay markii 1aad bandhig sidaa u wayn ku qabtaan deegaannadan oo aan hore loogu
qaban jirin bandhigyada.
Bandhiga Maxaa
lagaga hadlayay?
Waxa qabsoomay doodo badan oo ku saabsan noocyada laamaha
aqoonta taabanaya. Waxyaabaha doodaha ama Panels ka lagaga hadlay waxa ka mid
ah waxsoosaarka dhinaca beeraha iyo xoolaha. Khubaro ku takhasusay waxsoosaarka
ayaa arrintaa ka qaybgalay. Waxa ay xuseen muhiimadda waxsoosaarku leeyahay,
gaar ahaanna u leeyahay deegaannadaas. Muhiimaddaas waxa ka mid ah wuxuu
leeyahay faa’ido caafimaad, waxa laga helaa dhaqaale, waxa laga helaa shaqo
abuur, wuxuu dhiirrigeliyaa qofka iyo bulshada. Sidoo kale, waxa ay xuseen
caqabadaha haysta beerallayda iyo xooladhaqata. Caqabadahaas waxa ka mid ah:
Aqoonta ay u leeyihiin waxsoosaarka oo xaddidan, qalabka la haysto oo aan casri
ahayn, dhiirrigelinta oo yar, IWM.
Cashirrada kale ee muhiimka ah waxa ka mid ah Raadka
tiknoolajiyadda casriga ahi ku leedahay hal’abuurka dhallinyarada. Waxa qaybtan
ka qaybgalay oo soo jeediyay khubaro kala duwan oo aqoon u leh tiknoolajiyadda,
ganacsiga, suuqyada caalamka IWM. Ka qaybgalayaashu waxa ay xuseen muhiimadda
ay leedahay tiknoolajiyaddu. Tiknoolajiyadu waa tiir wayn oo ka mid ah
waxyaabaha haga nolosha casrigan. Waqtigan la joogo tiknoolajiyaddu melena kama
madhna, waxkasta oo la qabanayo qayb ayay ka tahay oo saamayn bay ku leedahay
Tiknoolajiyaddu. Waxyaabaha ay xuseen aqoonyahannadu waxa ka mid ah inay muhiim
tahay inuu qofku barto xirfadaha la xidhiidha tiknoolajiyadda sida Digital
Marketing ga, Web Design ka, copywriting IWM.
Intii bandhiggu socday waxa lagu soo bandhigay buugaag kala
duwan, buugtaasi oo ku kala saabsan mawduucyo kala duwan, mawduucyadaas waxa ka
mid ahaa taariikhda Soomaalida, Suugaanta Soomaalida, dhaqanka Soomaalida,
dawladnimada, siyaasadda, dhaqaalaha, sirdoonka, akhriska, arrimaha bulshada
iyo IWM. Waxa kale oo iyaguna ku jiray buugaag ka warramaya mawaadiic guud oo
bulshada nolosheeda taabanaya.
Anigu shakhsiyan waxa aan kaga qaybgalay oo ku soo bandhigay
buuga la yidhaahdo ‘ SIRDOON’ oo aan anigu turjumay. Buugu wuxuu ka warramayaa
arrimaha la xidhiidha Sirdoonka, basaasnimada iyo guud ahaan mukhaabaraadka.
Panel kii aan ku qornaa waxa aan kaga warramaya hordhac guud oo ku saabsan
buuga SIRDOON. Buuga Sirdoon waxa qoray Qoraa Maxamuud Cabdillaahi. Waxa guula
inaan xuquuqda buuga ( Copyright) ka iibsaday oo lacag ka bixiyay, waraaqad
heshiis ah oo helidda xuquuqda ku saabsanna kala saxeexannay Madbacaddii
daabacday buuga. Buuga sirdoon wuxuu ka warramayaa 25 qiso oo basaasnimo ah.
25ka qof ba waa dumar. Qisada basaasadda, guud ahaan nolosheeda, cashirrada
laga baran karo, iyo guud ahaan wax ku saabsan mawduuca qisadu daarantahay
ayaan buuga sheekada ku koobayaa.
Bilowga hore waxa aan ku xusayaa qaabka dumarku ugu
habboonyihiin inay sirdoon noqdaan ama shaqadaa ugu soo baxaan, ama guud ahaan
sida dumarku ugu jajabanyihiin shaqadan ee ragga ugaga wacyihiin. Dhawrkan
sababood aan ku soo koobo:
-
Way ku habboonyihiin:
Shaqadan sirdoonku waa shaqo ku habboon dumarka, maadaama ay tahay xog la
raadinayo, war la gudbinayo IWM. Maadama wuxuu waryahay, warkuna waa shaqo
dumar, maaha shaqo rag.
-
Dumarku waxa ay leeyihiin
soojiidasho badan oo ragga soo jiita sida soojiidasho muuqaal, mid nafsadeed
IWM.
-
Dumarku waxa ay leeyihiin
jiljileec badan, jiljileeca ay dumarku leeyihiin waxa ka mid ah oohinta,
qosolka dhoolacaddaynta, hadalka dabacsan IWM.
Waxa la yidhaahdaa in nin raga gabadhi ku hor oydaa waxa ay kaga darantahay
dagaal lagu jebiyay.
-
Xogta si fudud bay dumarku
ku heli karaan: Maadaama xogta raggu hayaan inta badan, cidda ay raggu wax u
sheegi karaan waa dumarka, ninka nin kale wax u sheegi maayo.
-
Dumarku wax bay jili
karaan: Dumarku waxa ay jili karaan kolba waxa ay ugu talogalaan, wayn
adagtahay sida loo fahmaa.
-
Dumarka waa la ilaaliyaa:
Dhaqan ahaan, diin ahaan iyo dhinackasta dumarka guud ahaan caalamka waa la
ilaaliyaa. Maadaama la ilaalinayo ilaalintaa farabadan waxyaabo badan bay ku
dhexqarin karaan oo dhexraacin karaan.
Si kooban dumarku dhinaca
sirdoonka way ku wacanyihiin, waana hub socda ayaan ku doodi karnaa.
Waxyaahaba buuga aan ka xusi
karno waxa ka mid ah maxaa sirdoonka loo galaa? Sirdoonka arrimo badan ayaa loo
galaa. Waxa aan ka xusi karnaa:
-
Dano dhaqaale: Qofku
wuxuu u geli karaa inuu dhaqaale iyo hanti ka helo. Sirdoonku wuxuu ka midyahay
dunida waxyaabah dhaqaalaha badan lagu bixiyo ee lacagaha badan laga helo.
-
Sumcad iyo saamayn:
Sirdoonku wuxuu ku midyahay shaqooyinka dadka ku jira sida wayn loo yaqaan ee
dunida saamaynta muuqata ku dhex leh. Qofku wuxuu u geli karaa isaga oo raba
inuu sumcad ka helo bulshada.
-
Caannimo:
Sirdoonka waxa loo galaa in caan lagu noqdo, dad badan ayaa waxa ay u galaan si
ay caan u noqdaan oo bulshada dhexdeeda magac ku yeeshaan.
-
Aragti iyo Mabda’a:
Waxyaabaha sirdoonka loo galo waxa ka mid ah qofka oo u gala aragti iyo
mabda’a.
-
Muwaadinnimo iyo
daljacayl: Muwaadinnimadu sirdoonka waa u muhiim. Basaasiinta qaarkood
waxa ay sirdoon u noqdaan muwaadinnimo, iyo daljacayl.
Waxyaabaha aan xusay waxa ka mid ah qof shaqo kale haya ( sida
fannaan weriye) ma noqon karaa Sirdoon? Hadduu sirdoon noqdana muxuu saamayn
keeni karaa? Haa, wuu noqon karaa, oo
qofku labada shaqaba wuu isku qaban karaa. Se saamayn taban buu keenayaa. Tusaale
ahaan, qofka fannaanka ah, ee shaqada sirdoonnimada wadaa wuu kaga saamayn
badanyahay qofka sirdoonka ah ee aan shaqo kale lagu aqoon. Sababtu waxa
weeyaan in qofka shaqada fannaanka lagu yaqaan uu kaga saamayn badanyahay cidda
kale, waayo qofkan waxa lagu yaqaan shaqo aan sirdoon ahayn oo ah fannaanimo
ama weriyannimo.
Gebagebo
Bandhiga buugta Goday wuxuu ahaa bandhig si heersare ah loo
agaasimay, waxbadanna lagu kala faa’iday. Waxa lagu soo bandhigay waxyaabo
badan oo qofka iyo bulshadaba u dana. Waxa ka soo qaybgalay dad farabadan oo
kaladuwan oo iskugu jiro aqoonyahanno, qoraayo, suugaanyahanno, arday,
macallimiin, dhaqaalayahanno, khubaro ganacsi, iyo dad kale.
Bandhigu waxbadan buu ii fududeeyay, waxyaabaha uu ii fududeeyay waxa ka mid ah inaan maro ama soo arko deegaanno badan oo aan maqli jiray ama qaarkood aanan maqal, inaan soo arko goobo caana oo aanan hore u arag, inana soo barto dad kala duwan, oo dad isku baranno, iyo inaan markii 1aad taariikhda diyaarad raaco.
Waxa aan si ballaadhan ugu mahadcelinayaa dhallinyaradii soo
agaasintay bandhiga, iyo guddidii hawsha wadday oo hawl wacan qabtay, martidii
bandhigana si fiican usoo dhaweeyay. Waxa aan si gaara ugu mahadnaqayaa saaxiibkay
Maxamed Marsheeye oo bandhigan qiimaha leh igu martiqaaday.
W/Q: Cabdirisaaq Sandheere
Sept. 2024.
Comments
Post a Comment