Sookoobidda Buugga ‘ Writing With a Purpose’



Buuggan la yidhaa ‘ Writing With a Purpose ~ Si ujeeddaysan in wax loo qoro’, waxaa qoray McMrimmon. Waxa uu ka koobanyahay 446 Bogg. Waxa uu ka hadlayaa sida qofka qoraaga ahi u ilaalin lahaa ujeeddada qoraalkiisa, misana xil iskaga saari lahaa akhristuhu inuu wax la faa’ido. Muhiimadda wuxuu saarayaa in qoraagu qoraalka iska dhiso, haddii ay tahay mid afeed iyo mid qaabeedba. Sidoo kale, wuxuu aad uga dheeraanayaa in qoraagu ilaaliyo kolba halka uu marayo fahanka akhristuhu.
Meelaha ugu mhiimsan ayaynnu soo koobi;

Ujeeddada Qoraalka
Marka aynnu ka nimaadno ujeeddooyin guud ee wax loo qoro, haddana waxaa jira in laba shay qoraagu iska dhiso, sida uu ku doodayo Qoraa McMrimmon, sida uu buuggiisa ‘ Writing with a Purpose’ uu ku qoray ‘ Laba xidhiidh ayaa muquunin ku leh, qaabka uu wax u qorayo qoraagu, midi waxa ay u dhexaysaa qoraaga iyo maaddaba ama waxa uu wax k qorayo. Ta kalan, waxa ay u dhexaysaa qoraaga iyo akhristaha uu wax u qorayo.’

Ta hore, waa inuu qoraagu u kuurgalaa, oo waqtigeliyaa helidda xogta. Ta danbana, waa inuu qiyaasi karaa dhadhanka uu samaynkaro buuggiisa akhristayaasha, iyo xogta uu ogaalkooga ku darsan karo. Labadaa qodob inuu qoraagu ilaaliyaa waa muhiim, oo intuuna buugga bilaabin niyada ku sii hayaa, markuu buugga qorayana maanka ku hayaa.
Xogta xaggee laga helayaa?
Xogta qoraagu ka warramayaa, waa xaqiiqooyin badan oo iskugu jira tusaaleyaal, fekrado, iyo dhito hore, oo la rabo inuu akhristayaasha di wanaagsan ugu soo gudbiyo, sida uu ku doodayo McMrimmon. Waxa kale, qoraagaasi McMrimmon, qabaa isha xogta meesha laga soo dhanbalayaa tahay laba ilood oo waawayn; B) Wax qofku isagu khibrad u leeyahay, waanna isha koowaad. T) Ama wax uu ku bartay qofku baadhid, akhrin, waraysi ama la sheekaysi qofeefba. Labaad ilood ee waaweyn marka laga tago qoraa McMrimmon, wuxuu u sii qaybinayaa afar midkood;

1- Khibrad qofeed: Qofku waxan uu qorayo inuu maqlay, arkay, usoo joogay, qabtay, ama si kalaba uu ku helay oo khibrad u leeyahay.
2- Fiirfiirin, ama u kuurgelid (Observation): Waa qofka oo meeshii tagaya, oo inta badan wixii arkaya, dareemaya, urinaya ama dhadhaminaya sida qoraagu qabo.
3- Waraysi (Interview): Waa inaad la hadasho ama la sheekaysato qof u soo joogay, oo sheygan laga hadlayaa soo maray ama xilligii uu dhacayay si uun saamayn uu ugu lahaa.
4- Akhrin (Reading): Waa qofka oo akhriya, kaliyana maaha wax koobane waa in qofku waxan si qotodheer u akhriyaa, oo dhinacyo kaladuwan ka eegaa. Waliba waa inuu si ujeedaysan u akhriyaa oo waqti geliyaa.

Qaab nooceeya ayaa la iskugu ururinayaa qoraalka?
Dhawr qaab ayaa la iskugu xidhaa, ama loo sheegaa qoraalqoridda, qoraa McMrimmon buuggiisa ‘Writing with a Purpose’ Cutubka saddexaad ayuu ku sharraxyaa, wuxuunna qabaa in noocyadan la la iskugu ururiyo oo uu midkood noqdo: Sifeyn, Isbarbardhig iyo kaladuwid, Isku ekaysiin laba shey oo wax ku kala duwan waxna ka siman, In la sheego qaybaha waxaa laga hadlayo, sheegidda habka, saamaynta iyo sababta. Iyaga oo faahfaahsan waa kuwan:
1- Sifeynt (Illustration) : habka ugu fudud ee aad shey ku sheegi kartaa, waa inaad tusaale ka bixiso, ayuu leeyahay qoraagu.
2- Isbarbardhig iyo kaladuwid ( Comprison and Contrast): Habka labaad ee qoraalka iyo fekerkaba waa in la gorfeeyo kaladuwanaanshaha, iyo waxyaabaha ay iskaga midyihiin.
3- Isku ekaysiinta laba shey oo wax ku kaladuwan (Analogy): Qoraagu wuxuu qabaa in qofku laba shey oo waxyar ka siman, waxna ku kaladuwan la isbarbardhigo oo la isku dhareriyo.
4- In la sheego qaybaha waxaa laga hadlayo ( Classification) ; tana wuxuu qoraagu qabaa in qofku isaga oo labadii shey kala duwaya waxa ay ku kaladuwanyihiin u sheego.
5- Habka (Process): Waa in qofku sheegaa waxan uu ka hadlayo hababkii isku xigxigay ee uu so maray, misana uu ka soo hanaqaaday.
6- Saamaynta iyo sababta: Waa in sheygaa la sheego wixii sababay. Sidoo kalana, la raaciyo saamaynta uu dhalin doono.

Qoraaga waxa kale, oo waxoogaa ka taataabanayaa sida ay tahay in qofku u nidaamiyo una qaabeeyo qoraalka. Oo wuxuu aad ugu doodayaa inuu qofku iska hagaajiyo ladhka iyo Sentanisyada ku hoosqormaya. Sidoo kale, inuu qofku isku dayo inuu sii horumariyo qoraalkaa.
Waxa kale, oo qoraagu ku doodayaa in erayada la saxo, oo wuxuu qabaa in aynna jirin erayo iskood u qaldaniye, balse erayada uun uu qoraagu qaab qaldan u adeegsanayo sidaana ay ku noqonayaan kuwo qaldan. Kolkaa wuxuu inna leeyahay waa in aad looga fiirsadaa erayada. Sidoo kale, waa in qofku habdhaca erayada saxaa.

Qoraagu waxa kale oo uu qabaa in qofku wax baadho oo Maktabadaja iyo goobaha wax akhriska tago oo wax akhriyo. Marka uu wax akhriyayana buugaagta kala xushaa, oo kala haadiyaa. Sidoo kale, waa inuu qofku wax baadhaa misana qoraa waraaqo aqoonbaadhiseed, oo saddex midkood ah; mid uu wax ku caddeynayo ama xaqiiqo dahsoon ku iftiiminayo, mid uu wax ku sharraxayo, iyo mid dhibaato jirta uu xalkeedii ku keenayo.

Ugu danbayn qoraagu wuxuu ku soo xidhayaa Garaamar, wuxuunna aad u sharraxayaa noocyada iyo qaybaha Garaamarka. Inuu muhiimyahay Garaamarku ayuu innoo sharraxayaa.

W/Q: Cabdirasaaq Sandheere



May, 2019

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?