Koosaar iyo Gamadiid

 

                             

Koosaar iyo Gamadiid Dugsi ka mid ah Dugsiyada dalka ayay dhigtaan. Waa isku Fasal. Waxbadan ayay wadaagaan oo isla eegaan. Balse, duruufta qaarkood iskuma sheegtaan.

Koosaar, wuxuu ka soo jeedaa qoys ladan oo Aabbihii waa Wasiir. Walaalihiina qaar ayaa shaqeeya. Koosaar, Aabbihii wuu u hagarbaxay oo koolkoolin ayuu halkaaba ku soo gaadhay. Dugsigiisii Hoose, iyo Dhexe  kuma fiicnayn waxbarashada e waalla dabasocday uun. Qasab, sasabo, iyo lacag ayay Hooyadii iyo Aabbihii ku gayn jireen Dugsiga. Wuu ciyaar badnaa oo qalqaali ayuu ahaa. Macallimiinta ayuu la dagaallami jiray, balse, lama eryi jirin! Haddii la eryana qoyskiisa ayaa lacag le oo isla maalinta danbaba Aabbihii oo baabuur wata ayaa Dugsiga imanaya isaga oo wiilkiisiina wada! Maalin waaka Ardey ay islaayeen. Dugsiga waxaa u xeer ah in labada qof ee islaaya la eryo. Wiilkii ay Koosaar isdagaaleen waalla eryay. Balse, Koosaar lama eryin!

Koosaar, marka uu Dugsiga sare ka baxo waxaa la doonayaa in la geeyo dalka Debaddiisa. Odeygan Aabbihii ee Wasiirka ah ayaa raba in marka sannadkani dhammaado uu wiilkiisa Wasaaradda Waxbarashada uga soo qaato Deeqda Waxbarasho ee dalka debaddiisa ee ARDEYDA QARANKA ugu sarreysa loog talagalay! Waa hubaal oo Koosaar, boos ayaa laga siinayaa deeqdaa waxbarasho, maadaama uu Aabbihii jego fiican haysto oo Wasiiryahay!

Gamadiid, waa wiil dadaal badan oo hadh iyo habeen dadaala. Waa axriif oo inta badan isaga ayaa fasalka ugu sarreeya. Wuxuu ka soo jeedaa qoys danyar ah oo magaalada Koornaheega aqal yar ku leh. Aabbihii ma shaqeeyo oo shaqo wuu waayay. Mararka qaar ayuu Kuuliga galaa. Taasna xaafadda biilkeeda ma soo dhaafto. Intii hore Aabbihii ayaa la daalaadhacayay waxbarashada Gamadiid. Balse, mar hadduu imika soo galay Dugsi Sare, waxaa qasab ah in uu isagu isdabaro oo uu iska bixiyo Fiida. Waakan Suuqa Xabxab yar iyo Muus la fadhiista! Mararka qaarna isku dayo in uu Fiidweerar galo. Mar kalana uu Kuuliga galo. Alxaasil, wuxuu doonaba ha sameeyee wuu iskaga filanyahay Fiigiisa, Biriigiisa iyo Koobbigiisa.

Gamadiid, Dugsigii Sare waa u gebagebo oo waxyar ayaa u dhiman. Wuxuuse hadal ka joogaa ciddii ka bixin lahayd Jaamacadda uu doonayo inuu gelo. Ogow, oo Jaamacaddu maaha sidii Dugsiga. Way ka lacag badantahay. Way ka Kharash badantahay. Way ka hawl badantahay. Wayka Koobbi badantahay! Deeq waxbarasho ma rajaynayo, waayo wuxuu ogyahay in uuna Aabbihii iyo adeerkii toona xildhibaan ama Wasiir ahayn! DEEQDA waxbashana DANYAR lama siiyo. Hadalka oo kooban Gamadiid warka u yaallaa waa isdabar oo Jaamacadda iska bixi ama qeyrkaa ka hadh heerkii idiin socday ee Waxbarashada!

Ardeyda Waxbarasho dhigataa waa labadaa xaaladood mid uun: kii wanaagsanaa oo gacanqabasho waayay, iyo kii isdhigtay oo musuqmaasuq meelsare geeyay!

Labadaasi xaaladood waa isku lid oo way is herdinayaan. Ka hore waxaa suurgel ah markuu culeyskaa dareemo inuu xanuun maskaxeed ku dhaco oo ishalleeyo ama halkaaba waxbarashada kaga hadho. Balse, taasi uma badna e waxaa badan kuwa u SAMRA ee dadaalla. Wayna ka tayo iyo aayatiin fiicnaadaan kuwa waxbarashada lala raadiyo ee qoysas ladan ka soo jeeda, misana iyagu isdirin ee niyada haynnin. Kuwa danbe, inta badan way yartahay kuwa xaaladda noocaasa meel fiican ku gaadhaa, haddii daacadnimo la helo. Badankoogu waxbarashada way ka hadhaan.

 

Xaaladda dhabta ah ee dalka taalla! Diid ama doon.

 

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?