Sucaad Suldaan Shaamisi: Qoraayadda Buugga ““ أمنيتي أن أقتل رجلا ~Hammigaygu waa inaan nin DILO.”



Sucaad Suldaan Ash- Shaamisi, waa qoraa, iyo injineerad maaammulka diyaaradaha ku takhasustay.  Sucaad, Shahaadada Digreega koowaad waxa ay ku diyaarisay Injinineernimada Diyaaraha. Shahaadada labaad ee Mastartana  maammulka diyaaradaha ayay Jaamacadda Conventry ee Boqortooyada ingiriisiga ka diyaarisay. Haddana waxa ay diyaarisaa Shahaadaha Ph.D kulliyadda maammulka madaarrada iyo diyaaradaha. Waanna gabadhii ugu horraysay ee maammusha Madaarka Abuu Dabay ee cusub. Sidaa si la mid ah waa gabadhii ugu horraysa ee Imaaraad ah ee maammul Madaar qabata sida warbixin ay warbaahinta (Al Aan TV تلفزيون الآن) ka diyaarisay lagu sheegay. Waxa ay isku dayday inay Majaalkaa ka soo dhalaasho. Wayna ka soo dhalaashay.
Sidoo kale, waa qoraa qortay sheekooyin. Waxa ay qortay buug cajiib ah loo la yidhaa “  أمنيتي أن أقتل رجلا ~Hammigaygu waa inaan nin DILO.” Waa buuggii ugu iibsiga badnaa waqtigaa ay qortay, Bandhiggii Shaariqa ee sannadkaana buuggu wuxuu ahaa ka ugu iibsiga badan. Aad baa loola yaabay buuggaasi, weliba waxa dadka soo jiitay oo xiiso gaara u yeellay cinwaanka. Inta aan badhtanka la gaadhid waxa lala dhaygagay baalka hore. Si farshannimo leh ayay u dhigtay magaca buugga.
Waxa kale oo ay qortay sheekada la yidhaa  "زهرة السوسن." Sucaad, waa xaas, iyo hooyo carruur leh. Sida ay qortay Mareegta afka dheer leh ee "العين الإخبارية" waxa ay ku magacaabaan “ Sheekadii gabadhii Imaaraatiga ahayd ee aan innaba caadiga ahayn.” Waa gabadh guulo horleh gaadhay, oo la isla qiray.
Mar la wayddiiyay “ Ka warran dhallinyarannimadaadii? Goormaad hibadan daaha ka fayday?” Waxa ay sheegtay in waqtigii ay yarayd ay beerta guriga fadhiisan jirtay, oo ay samada eegi jirtay oo ay jeclayd daawashada diyaaraha samada haadaya, waxaanna u dhawaa Garoonka Diyaaradaha Dubaay oo ay diyaaraduhu isku dhaafi jireen. Sida ay u jeclayd diyaaradaha waxa lagu magacaabay “ Tii Diyaaradda jeclayd.” Waxa ay se xustay in jaceylkaa diyaaraduhu la waynaan doono, oo markay waynaatana caashaqi doonta diyaarada iyo wixii la xidhiidha. Sidaa ay diyaaraha u jeclayd si le’eg ama ka badan waxa ay u jeclayd akhriska, oo waraaqaha iyo buugaagta ayay akhrin jirtay.
Mar la wayddiiyay “ Cidda dhiirrigelisay, ee arrimahaa samayntooda qaadhaan ku darsatay” waxa ay xustay Qoyskeeda, gaar ahaan hooyadeed, iyo Wadaad la yidhaa Muxammed Binu Raashid Aala Maktuum oo ahaa kuxigeenka Golaha Wasiirrada,  oo ay tidhi waxa uu ahaa ‘ Qofkii ugu horreeyay ee riyadayda I aaminsiiya misana I jeclaysiiya barashada Injineernimada Diyaaradaha. Idanka Alle ka dib, isaga daraaddii waxbarasho dibadeed, iyo barashada Kulliyaddaa ma barteen ayay ku sii dartay. Kulliyadda ay baratay oo adag, misana aan gabdhaha aad ugu culus, iyo iyada oo gabadha marka la eego culayska kulliyada si wanaagsan oo samir leh ayay u dhammaysay.
Dhinaca qoraalka ay qorto aad baan ula dhacay. Buuggeeda “  أمنيتي أن أقتل رجلا ~Hammigaygu waa inaan nin DILO.”  Oo aan akhriyay waa buug aad iisoo jiitay, waxyaabo ashqaraar, murugo, farxad, layaab, iyo waxkalaba leh ayay ku dhexgaynaysaa. Buuggaasi marka laga yimaad cinwaankiisa waa jaadgooni ashqaraarleh.  
Dhinaca hadiyaynta cidda ay u hadiyay buuggeeda waxa ka mid ah “ Qofkaasta oo guursaday oo wehelhelay, misana wehelkii ku xumaaday oo quusi daashatay.” Sidoo kale waxa ay u hadiyaysay “ laba kasta oo noloshu isbadday wadajoogooda, xalkana aan haynnin iska takhallusaan mooyaane.”
Waa sheekooyin dhaba, se maskaxda qofka qariib iyo sogelooti ku noqon kara ayay leedahay Sucaad.
Akhrintiisu waxa ay igu kalliftay inaan maqaal kooban ka qoro, muuqaal ahaanna u duubo.


 Tixraac:

W/Q: Cabdirasaaq Sandheere
22 Febraayo, 2020.



Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?