Faallada Buugga “ How Will You Measure Your Life”

 


Hordhac

 

Buuggan la yidhaahdo “How Will You Measure Your Life~ Sideed Noloshaada Halbeeg ugu samaynaysaa?”  waxa qoray saddex qoraa oo kala ah: Clayton Christensen, James All worth iyo Karen Dillon. Wuxuu ka warramayaa sidii qofku noloshiisa halbeeg uu ka duulo u samayn lahaa. Waxkasta iyo heerkasta oo nololeed wuxuu u baahanyahay in qofku halbeeg yeesho.

Waxa laga yaabaa inaad marar badan iswayddiisid: Waa maxay hadafka noloshaydu? Maxaan rabaa inaan dunida kaga tago ka hor inta aanan dhiman? Sideen u noolaan karaa nolol ujeeddo leh? IWM. Haddaba buuggu waxyaabahaas ayuu si wanaagsan kaagaga jawaabayaa.

Buuggu wuxuu ka koobanyahay 207 bog. Wuxuu ka koobanyahay laba qaybood. Labadaas qaybood ayaan si kooban u sharraxi doonaa.

Sideed Noloshaada u cabbiri kartaa?

 

Qaybta koowaad, qoraayadu waxa ay kaga warramayaan in qofku farxad ku dareemo shaqada uu qabto.  Waxa muhiim ah in qofku shaqada uu qabto uu jecelyahay oo farxad ku dareemayo. Haddii aanu qofku ku qanacsanayn shaqada uu qabanayo wax dhiirrigelin ah ma helayo, wuxuuna arkayaa in waxani culays badan ku yahay. Qofku diiqad ayuu dareemayaa.

Waxyaabaha qofka ku sababa inuu shaqadiisa iyo xirfadda uu ku shaqaynayo ku qanacsanyahay waxa ka mid ah inuu dhiirrigelin qofku helo oo ay jirto wax qofka ku riixaya qabashada shaqadan uu qabto.

Qoraa Frederich Herzberg, oo aad wax uga qora dhiirrigelintu wuxuu in qanaacada shaqadu tahay waxyaabaha ugu waawayn ee keena silsilad isku xidhiidhsan oo qofka noloshiisa ah; waxa ayna ka bilaabantaa qofka oo shaqada ku faraxsan, waxayna ku dhammaadaa qofka oo meeshii uu doonayay gaadhay.

Qoraagu wuxuu leeyahay “ Waxa suurtagala in qofku shaqadiisa jecelyahay, sidoo kalana uu necebyahay, tusaale ahaan.” Marka uu sharraxaadda ka bixinayana waxa uu xusayaa inay jiraan laba qodob oo saameeya arrintaas. Labada qodob ee saameeyaa waxa hal’abuurkooda lahaa Frederich Herzberg , waxayna kala yihiin:

1-      Jawiga Shaqada ( Hygiene Factors): Waa waxyaabaha qofka dhiirrigelinta gelinaya haddii uu helo, sida xaaladda shaqada, magdhawga qofku helayo, sugnaanta shaqada ( Job Security0), siyaasadda shirkadda, kormeerka qofka qaabka loogu sameeyo IWM. Tusaale ahaan, waa inaan qofka loo dirin shaqo aanu masuuliyaddeeda lahayn, iyo in aanu jirin maamul qofka hawadiisa iyo waxa uu doono ku maamulaya.

2-    Dhiirrigelinta: Qodobbada dhiirrigelinta waxa ka mid ah, in qofka masuul laga dhigo oo masuuliyad la saaro, in qofka la aqoonsado, iyo koritaanka shakhsiyadeed.

Haddaba si qofku farxad u dareemo, wuxuu u baahanyahay inuu raadiyo fursado oo muhiim ah, kuwaasi oo kuu saamaxaya inaad waxyaabo cusub baratid, inaad guulaysatid, iyo inaad masuuliyad isasaartid. Dadka shaqadooda jecelna waa kuwo marka ay shaqada maalinlaha ah ka soo rawaxaan faa’ido u soo hoyato oo wax ka taransada. Dadaalkooda oo dhan waxa ay iskugu geeyaan shaqada ay qabanayaan, waxa ay qabanayaana si wanaagsan ayay u qabtaan.

Istaraatijiyaddu ma aha wax la iska yidhaahdo uun, oo afka laga dhaho. Ha ahaato Istiraatijiyad shirkadeed ama mid nololeed ba e waxa ay ka abuurantaa kumannaan go’aan ee qofka sida maalinlaha ah u khuseeya, kuna saabsan sida uu qofku waqtigiisa u maaraynayo, sida qofku tamartiisa u maaraynayo, iyo sida qofku lacagtiisa u maaraynayo. Go’aankasta oo aad qaadaysid waxa kaaga baxaysa tamar iyo lacag.

Qaybta labaad, qoraagu wuxuu kaga warramayaa ‘ In farxadda laga dhex helo xidhiidhada’ macne ahaan, in qofku farxadda ka samayn karo cidda ugu dhaw sida ehelka, asxaabta uu la shaqeeyo, iyo kolba inta ku hareeraysan. Waayo, qofka aad la shaqaysid iyo goobta aad ka shaqaysid ba way ku saamaynayaan oo qofka aad tahay qayb ayay ka noqonayaan. Wuxuu xusayaa qoraagu isaga oo khibraddiisa ka hadlaya in dadka guulaystay ay xoogga saaraan waxa ay noqonayaan marka ay shaqada joogaan, marka ay guriga joogaana ay na muhiimad badan siin.

Xidhiidhka aad la leedahay qoyska iyo asxaabta kuu dhaw waxa ay noqon karaan ilaha iyo meelaha ugu muhiimsan ee aad farxadda ka heli kartid. Balse, waa inaad aad uga taxaddirtid, oo il gaara ugu haysid.

Xidhiidhada qaar waxa ay la midyihiin sidii ganacsade alaab iibinaya, ganacsaduhu wuxuu iswayddiiyaa waxa uu rabo inuu macaamiishiisa ka iibiyo, halkii uu iska wayddiin lahaa waxa ay dhab ahaan macaamiishu u baahanyihiin. Waxa haddaba halkaas ka dhex maqani waxa weeyaan inuuna ganacsadahaasi fahmin dhibaatada macaamiisha haysata ee ay rabaan inay xalliyaan. Sidaas waxa la mid ah xidhiidhada qaar, oo qofku wuxuu isku dayayaa inuu isagu dantiisa uun eegto, oo aanu iswayddiin ba waxa qofka kale ee uu xidhiidhka la samaynayo u fiican.

Waxa iyadna muhiim ah inuu qofku ogaado waxa ay qoyskiisu qiimaha gaarka ah sameeyaan, tusaale ahaan qoyskaagu ma waxa ay qiimeeyaan hal’abuurka, maskaxd badnaanta, geesinnimada, hawlkarnimada, IWM. Marka aad ogaatid waa muhiim inaad kula dhaqantid. Sidoo kale, waa inaad u mahadcelisid oo shaqo wanaagsan ayaad qabateen aad ku tidhaahdid.

Waxa kale, oo qoraagu ka warramayaa in qofku go’aansado waxa uu doonayo inuu qabto, ka dibna qofkii had iyo jeer u heellanaado sidii uu waxaa u fulin lahaa ama u qaban lahaa.

Gebagebo

 

Halbeegu nolosha qofka ayuu muhiim u yahay. Qofku waa inuu halbeeg nololeed iyo mid kalaba lahaadaa. Taasi noloshiisa ayay caawinaysaa.

 

W/Q: Cabdirisaaq Sandheere

Ogosto 08, 2022.

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?