Bandhigga Buugaagta Jigjiga 2021
Hordhac
Inta badan waan jecelahay inaan magaalooyin badan arko, dhul
badanna arko. Berigii aan yaraa Miyi
baan ku soo barbaaray oo socodka iyo inaan meelo cusub arko waan jeclaa. Markasta
oo aan fursad u helo inaan meel tago waan tagaa, waana inaan ka faa’idaystaa
fursaddaas. Dhammaadkii bishii Juun, 2021ka waxa aan tagay magaalada
Jigjiga.Magaaladaas 28keeda waxaa ka bilaabmayay Bandhigga Buugaagta Jigjiga. Bandhiggaas
ayaa la igu martiqaaday oo aan martida gaarka ah ka mid ahaa. Sidaas darteed
ayaan u tagay magaalada markan. Ma aha markii koowaad ee aan Jigjiga tago, waa
markaygii labaad ee aan Jigjiga tago. Sannadkii 2019kii bilowgiisii ayaan
markii koowaad booqday.
Qoraalkan waxa aan isku dayayaa inaan kaga warramo Bandhigga
buugaagta Jigjiga, iyo waxyaabaha aan ku arkay.
Magaalada Jigjiga
25 Juun, 2021kii waxa aan ka baxay magaalada Boorama, waxa aan u sii jeeday magaalada Jigjiga. Markii aan Jigjiga ku sii socday waxa aan sii maray magaalada Wajaale oo ah magaalo inta badan isku xidha magaalooyin Soomaalilaan ku yaalla iyo Jigjiga. Waqti yar oo kooban ayaan ku sii hakaday Wajaale. Waqti duhur ah ayaan ka baxay Wajaale, aniga oo u sii jeeda magaaladii aan u dan lahaa ee Jigjiga. Galab gaaban ayaan gaadhay magaalada Jigjiga. Galabta markii aan gaadhay jawigoodu wuu igu cusbaa oo qabaw baan dareemayay.
Jigjiga waa caasimadda Ismaamulka Soomaalida Kililka Shanaad
ee Itoobiya. Waa xarunta ay ku kulmaan dhammaan gobollada ay Kililka shanaad ku
kulmaan. Si guud, Jigjiga waxa ay ku taallaa dhul daaqsimeed bannaan, buuro
kooban ayay hareeraha ku leedahay. Magaalooyin badan ayaa u dhaw Jigjiga oo ay
xuduud la leedahay. Jigjiga waxa ay xad dhaw la leedahay Soomaalilaan, wax aan
ka badnayn 60-70KM ayay u jirtaa qiyaas ahaan.
Magaalada Jigjiga sannadahan danbe horumar ballaadhan oo
dhinac kaste ah. Dhinacyada horumarku ka soo kordhay waxa ka mid ah dhinaca
waddooyinka, dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha, biriijyada, iyo bilicda
magaalada. Jigjiga koboc badan ayaa ka
socda. Dhinaca aad eegtaba waxa muuqda horumar wanaagsan.
Bandhigga Buugaagta Jigjiga
Sannadkan 2021ka waxa markii koowaad Jigjiga lagu qabtay
bandhig buugeed. Waa markii ugu
horraysay ee bandhig noocan oo kale ah lagu qabto deegaanka Soomaalida. Bandhiggu wuxuu socday 3 cisho. Wuxuu
bilaabmay 28 Juun, wuxuuna dhammaaday 30 Juun. Bandhiggan waxa soo abaabulay oo
waqti badan geliyay, xilna iska saaray Abwaan Maxamed-Haldhaa Cabdi oo ah qoraa
iyo abwaan suugaanyahan ah oo aad uga shaqeeya dhinaca horumarinta Af
Soomaaliga.
Bandhiggu bulshada waa u muhiim. Akhriska iyo qoraalka ayuu
lafdhabar u yahay. Wuxuu kobciyaa maskaxda. Wuxuu bilaa bulshada iyo magaalada.
Dad badan, iyo marti kaladuwan ayuu magaalada iyo dalkaba u keenaa. Indhaha
caalamka guud ahaan iyo indhaha dadka ayuu ku soo jeediyaa.
Sannadahan danbe waxa aad u soo badanaya bandhigyada ka
dhaca deegaannada Soomaalida. Magaalooyin badan ayaa qabtay bandhig buugeed
illaa hadda. Sannadkasta magaalo ayaa ku soo biirta bandhigyadaa. Sannadkan
2021 waxa Qaddar Alle noqotay in Jigjiga markii koowaad laga qabto bandhig
buugeed. Jigjiga dhawr sano horteed bandhig baad jeeddaaye way adkayd sida wax
loogu akhriyaa. Maantana meel fiican bay maraysaa, oo waataa bandhig buugeed
wayn laga qabanayo.
Waa farxad in Jigjiga bandhig noocan oo kale ah laga qabto.
Jigjiga waa magaalo Soomaali kaladuwan oo deegaanno badan oo Soomaaliyeed ka
soo jeedda laga helayo. Magaalooyinka kale waxa suurtagala in dad gaar ah ama
hal summad wadaaga, isku qabiila ama isku lahjad ahi ku noolyihiin. Balse,
Jigjiga way ka duwantahay, oo lahjad kasta iyo qabiiljasta waa laga helayaa.
Bandhiggu si qurux badan ayuu u dhacay. Walow uu bilow ahaa
oo qabyo laga helo karo, haddana sida ugu wacan ee waxqabad bilow ahi u dhaco
ayuu bandhiggu u dhacay. Waxkasta oo la bilaabayaa marka hore waxbala’aan iyo
qabyo ayay ku bilaabmaan, haddii la sii wado ayay midhadhalaan oo wax loo riyaaqo ay noqdaan.
Waxbadan ayaa lagu soo bandhigay bandhiggan buugaagta. Qaybo
qaybo iyo hormo iyo hormo ayaa hadallada
loo asteeyay, dadka ka soo qaybgalayna qaar ba waqti habboon ayaa la
siiyay, may ahayn madal furan oo bilaa jadwal ah. Jadwal sugan oo la raaco ayay
lahayd.
Bandhigga waxa ka soo qaybgalay dad kaladuwan oo iskugu
jiray qoraayo, abwaanno, suxufiyiin, dhaqanyahanno, siyaasiyiin, iyo
hal’abuurro da’ yar. Dadkaasi waxa ay kala kala yimaaddeen deegaannada
Soomaalida. Deegaannada ay kala yimaaddeen waxa aan ka xusi karaa Hargeysa,
Boorama, Boosaaso, Laascaanood, IWM.
Waxyaabaha lagu soo bandhigay waxa ka mid ahaa buugaagta. Buug
badan oo ay qoreen dhallinyaro badan ayaa lagu soo bandhigay. Buugta lagu soo
bandhigay ee madasha taallay waxa ay ka kala hadlayeen: Suugaanta, dhaqanka,
siyaasadda, beeraha, waxbarashada, caafimaadka, dhiirrigelinta, IWM. Buugta
mawduucyadaas ka hadlaysaa waxa ay
waxbadan ka baddeli karaan geeddisocodka nolosha, iyo adduunyada.
Waa horumar u soo kordhay Jigjiga iyo guud ahaan Deegaanka
Soomaalida. Waa markii koowaad ee Deegaanka Soomaalida Kililka laga qabto
bandhig buugeed noocan ah, sannadkan 2021ka.
Intii aan magaalada joogay waxa aan booqday Buurta Kaaramardha. Waxa dalxiiska buurta igu weheliyay qorayaashii iyo ka soo qaybgalayaashii bandhigga buugaagta Jigjiga, 2021. Buurtu waxa ay ku taallaa Jigjiga dhinaceeda, wayna u muuqataa oo inyar oo kooban ayay u jirtaa magaalada. Waa buur qurxoon oo aad u jawi wacan.
Gebagebo
Akhriska iyo qoraalku waa muhiim, waxbadan ayay dadka iyo
dalkaba ka baddelaan.
Magaalada Jigjiga sannadahan danbe waxa ka jira horumar ballaadhan oo
dhinac kaste ah. Dhinacyada horumarku ka soo kordhay waxa ka mid ah dhinaca
akhriska, qoraalka, buugta, maktabadaha,
waxbarashada IWM.
Julaay, 25. 2021.
Comments
Post a Comment