Reer Miyi

 


Waan ku Faanayaa inaan Miyi ku dhashay, halkan na ay tahay halkii Tagtadii ka imid ( Proud to be from Nomadic Life)

Sawirkan waxa aan galay sannadkii bishii Ogosto, sannadkii 2016kii. Goobtu waxa weeyi Miyigii aan ku dhashay ee MADARKA AMA OOGADA gaar ahaana meesha la yidhaahdo QORIJABKA. Halka aan sawirka ku galay waa qaybta kore ee beertayada. Waa waqtigii duruufta iyo silicu jiray, dadka iyo xooluhuna liiteen. Adhiga yari waa laxo yaryar oo duruufuhu keeneen. Mar waxa aan la yaabbanahay diifta indhahayga, muuqaalkayga, iyo guud ahaan qaabkayga ka muuqata; marna waxa aan ka dhiillaysanahay deegaanka aan joogo iyo diifta ka muuqata waqtigaas. Sawirkani xasuusahayga ayuu iigu jira, waa kuwa aan ku indhakuusho ee dhiirrigelinta I geliya. Waa halkii aan ka imid waqti ka mid ah noloshayda, halka aan ka imid waan garan karaa. Waa marxalad nololeed oo aan soo maray, aad baanan ugu hanwaynahay inaan nolol sidaa u adag oo qallafsan soo maray, se waxa aan ku faraxsanahay inaan weli ka sii gudbayo, meel fiican na wax wado.       

Waayihii aan yaraa waxa aan aad u eegi jirey xoolaha, oo waxaa la igu illaaway daajinta duunyada haddii ay tahay xannaaneyntooda iyo daryeeliddooda. Kaliya waxaanan qaban jirin waxyaabaha awooddayda dhaafsan sida xergeynta xoolaha, kasoo waraabinta Barkadaha-gaar ahaan kuwa waliba ‘dawliiska’ la darayo ee ceelka inta la dul joogsado Caagga lagu sii daynayo, Carrasiinta, Xamaku uusoo diyaarinta, rista usoo foqida jiilaalka, IWM.  Intaa oo awoodeyda ka baxsaneyd marka laga yimaado, waxalla wixii kale anigaa gacanta ku hayn jirey.

Xoolaha waan foofin jirey, oo weliba meelo fogfog ayaan gayn jiray jiilaalkii. Mararka qaar waxa aan geyn jirey meel aad u dheer, taasi oo sababi jirtay marar qaar in shaaha duhurkii la iigu keeni kari waayo meelahaas dheer aawadeed. Oon, harraad, iyo cuntala’aan ayaan mararka qaar ahaan jiray. Nolol adag oo qofka xammila ee u adkaystaa uu yahay qof xaaladaha kale ee adage e nololeedna ka gudbi kara ayuu ahaa.

Waan ku faraxsanahay inaan Miyi ka imid. Dadka qaar ayaa cay iyo calaacal u arka qofku haddii uu ka warramo halkii uu ka yimid ( ha ahaato meel FIICAN AMA MEEL LIIDATA) ta ay doontabee. Dadkaasi habeen may jirin, waxbadan ayaana u dhiman. Waxa aan qabaa in qofku waayahiisa sheego isaga oo dhiirrigelin iyo xasuus u qaadanaya, se aan u soo qaadanayn liidid iyo waxkale. Xasuusuhuna waxa ay leeyihiin kuwo macaan iyo kuwo qadhaadh, waxa aan qabaa in labadaba qofku caddaalad ka sameeyo oo wada sheego. Ciddii la yaabtaana iyadaa waalan.

Waan ku faraxsanahay inaan Miyi ka imid, oo dhal Miyi ahay. Waan ku faraxsanahay inaan khibradahaa nololeed ee adag soo arkay soona maray. Waxa aanan intaaba kaga sii niyadsamahay inay xaaladahaas adag iyo xusuusuhuba ii yihiin shidaan aan ku dhaqaaqo oo dhinaca horumarka iyo ilbaxnimada ugu socdo.


Cabdirasaaq Sandheere

Maarij, 2020. 

Boorama, Awdal.


 

Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?