Maxaan ku soo arkay Diridhaba?
Magaalada Diridhaba Juqraafi ahaan waxa ay ku taallaa Bariga Itoobiya. Waxa ayna u dhexaysaa xadka oomiyadaha Soomaalida iyo Oromada. Diridhaba waxa ay ka mid ahayd Maamulka Soomaalida ka hor intii aan Itoobbiya loo qaybin Kilillada iyo Ismaamullada.
Magaalada Diridhaba, waa mgaalo waddooyin qurux badan leh.Waddooyinka magaaladu waa kuwo waasica oo aad u ballaadhan sida magaalooyinka kale ee Itoobiya. Waddooyinka Diridhaba waa 4 haad, halka dhinacba laba baabuur oo isku jiho u socda ayaa wada mari kara. Waxa kale oo cajiiba qaabka loo dhisay labada haad dhexdooda oo waxa laga sameeyay Land Scape qurux badan. Si qurux badan badan inta loo qurxiyay ayaa weliba waxyaabo badan lagu qurxiyay. Waxa kale oo lagu beeray dhir qurux badan. Dhirtaasina aad bay u qurxisay.
Magaalada Diridhaba waxyaabaha aan ku arkay ee bogaadinta mudan waxa ka mid ah khudaarta, iyo dhiraynta magaalada. Labadaas arrimood waa farxad, walow Itoobbiya guud ahaan labadaba hodan ku tahay, haddana magaaladani waa baarka sare.
Sakadkasta Khudaar baa buuxda. Khudaarta noockasta way taallaa, isma lihi waxbaa ka maqan. Khudaarka saa'idka u taalla waxa ka mid ah Muuska, canbaha... Inkasta oo ay Itoobbiya oo dhan Khudaarka ku hodan tahay, haddana magaaladi way ka xagjirtaa, oo waaba saa'id.
Khudaarta taalla Diridhaba way jabantahay, sidaas si la mid ahna waa daray ( fresh). Waa arrin kale oo muhiima.
Arrinta kale ee bogaadinta mudan waxa ka mid ah dhiraynta magaalada. Magaalada dhir baa ka beeran, ugu yaraan guri kasta geed baa ka beeran- ka hor beeran ama ka dhex beeran ba. Taasi waxa ay keentay in dhirta iyo dhismuhu isleekaadaan.
Waa arrin wanaagsan, oo ay tahay in magaalooyinka kale kaga daydaan.
Comments
Post a Comment