Markasta muhiim baa tahay!


 


Waxa caana in qofku marka uu ladanyahay la wada jecelyahay, oo lagu soo hirto, halka marka aanad waxba hayn cidina ayna ku danayn, waxna ku soo moodin, laguna aan jeclay. Ladnaanshuhu maaha kaliya uun jeebka, se wuu noocyo badanyahay, ladnaanshaha waxa ka mid ah in qofku yahay afmaal, inuu yahay qof miisaan leh oo bulshadu qawlkiisa ku go’do, in qofku daacadyahay oo la aamini karo IWM. Isku soo xooriyoo qofka Tayada leh waa la daneeyaa. Tayadu way noocyo badantahay, ugu yaraan noqo qof tayo leh oo daacadnimo, aaminaad, ballan oofin, run iyo wanaag ku caanbax oo ha lagugu barto sifooyinkaas.

Adigu muhiim baad tahay, kaliya naftaada muhiim uma tihid, bulshadana muhiim baad u tahay. Waxa aad tahay xubin ka mid ah bulshada, kaalin baad ugu jirtaa bulshada. Kaalintu maaha mid muuqata uun, waxa ay noqon kartaa mid aan la ogayn oo kaliya adigu aad ogtahay. Kaalinta ugu yar ee aad bulshada ugu jiri kartaa waa in aanad cidna ku tiirsanayn oo adigu dhuunigaaga iyo baahidaada kaafisid, oo aanad cidna gacmaha hoorsanayn. Taas ayaaba kaalin muhiima ah.

Muhiim baad tahay, oo naftaada muhiim baad u tahay, bulshadana muhiim baad u tahay. Waxa aad bulshada ku soo kordhisay waxsoosaar aqooneed, waayo naftaada ayaad tamar gelisay oo waxbaad baratay. Waxbarashada lafteedu waa muhiim oo in aad naftaada jaahilnimada iyo warmoognimada ka saartid baa muhiim ah.

Muhiim baad tahay, oo bulshada muhiim baad u tahay, maadaama aad xaqa jeceshahay oo dulmiga necebtahay. Dulmigu waa dilaaga bulshooyinka. Markasta oo dulmigu batana xaqaa daciifa, dadkana qabka ayaa ka dhintay, dibudhac iyo dibusocod buu keenaa.  Asalka dadka ayaa ah in ay necebyihiin dulmiga, xaqana jecelyihiin. Fidrada bini’aadanka ah ayaa ah inuu naco dulmiga, xaqana raaco. Dad kooban oo ah kuwa qalbigoodu daxalaystay ayaa sameeya dulmiga, isla sidaas si la mid iyaga ayaa taageera kuwa sameeya dulmiga. Mar haddaad dulmiga necebtahay, bulshada muhiim baad u tahay, se haddii aad dulmiga samaysid ama taageertid bulshada dheeraad baad ku tahay.

Muhiim baad tahay, maadaama aad halgan nololeed ku jirtid. Halganku wuu noocyo badanyahay, wuxuu noqon karaa in aad u halgamaysid in aad difaacatid xaqaaga. Xaqaaga ugu yar ee difaacaysid waxa ugu mudan in aanad oggolayn in lagugu xadgudbo, iyo in aad adigu cid wax ku xadgudubtid.

Muhiim baad tahay, waayo qof jira ayaad tahay. Jiritaanka qofnimana wuxuu ku siinayaa muhiimad gaara oo ah in aad dunida u muhiim tahay. Muhiimad markaan leeyahay waxa weeyi in aad tahay bulshada meel ugu jira oo waxtar u leh.


 


Comments

  1. Qormo qiimo leh qofkastana wax utaraysa waye ustaadi sobadi

    ReplyDelete

Post a Comment

Popular posts from this blog

Gorfeynta Buugga “ A Woman of Firsts ~ Marwadii koowaad” oo Dr Edna Aadan qortay

Faallada buuga " Dariiqa Habdhaqanka~The Road to Character"

Faallada buuga “ UNDERSTANDING YOUR POTENTIAL~ Garo karaankaaga”