TALO KU SOCOTA , DHALLINYARADA DANAHA GAARKA AH DIINTA U ADEEGSADA!


TALO KU SOCOTA , DHALLINYARADA DANAHA GAARKA AH DIINTA U ADEEGSADA!




Waayahan danbe waxaa soo badanaya in dhallinyaradii ay wadaaddadii uun cay u miisayaan, iyaga oo aanan waxba tixgelineyn. Wadaadku haddii uu wax caado ah yidhaa ma bannaana, isaga  Aayado ama Xadiista daliishanaya; waa sax─oo isagu wax dhaliil ah ma laha. Waayo, isagu ma xaaraantimeyn mana bannayne ALLIHII weynaa ayaa xaaraantimeeyey ama xalaaleeyey.
Ta kale, isagu kaliya wuxuu leeyahay wax sheegga iyo in wixii uu gacanta ama awood wax kaga qaban karo uu kaga qabto, balse, malaha, in uu qasbo kii diidana la dagaalamo. Tusaale ahaan; Haddii dawladu wax samayso ama xoolo cunto, in uu u sheego waa waajib, ha diiddaan ama yeelaan’e.
Waxa ay dadka (Naceybka wadaaddadu) ka badatey yidhaahdaan; Waar Wadaadku ma masaakiinta ayuun buu ka adegyahay oo uu wax faraa, sida: Xijaabka halla xidho. Habluhu ha is asturaan. Muxuu uga hadli waayey xoolaha masaakiinta ee la cuney, qabyaaladda, dhaca, musuqmaasuqa????
Wa su’aalo sax ah, balse, aad mooddo in kusoo dhuumasho iyo waxyaabo badan lagu bannaysano─oo dhallinyarada iyo qof kasta oo aaan aqoon Diinta u laheyn uu ku tasbiixsado, sidii wardiga.
Wadaaddadu way ka hadlaan, weynna sheeggaan, way ku celceliyaan oo maalin kasta waa kuwa yidhaa“ Xoolaha masaakiinta ee la cunayo halla daayo, waa xaaraan e. Qabyaaladda waa qudhun e halla iska daayo, ma bannaana! Xoolaha la dhacayo waa xaaraan”.
Haddii uu wadaadku ka hadlo mas’alo sax ah, uuna ku qaldanyahay; naqdi oo dhil adiga oo Aayado iyo Axaadiis daliishanaya. Balse, intaad xanaaqdo halla soo istaagin ama facebook-ga ha kusoo qorin “ Wadaaddu ma masaakiinta uun bay ka adegyihiin, maxay qabyaaladda uga hadli waayeen? Miskiinbaa misko la fuullo leh! Wadaaddadu kolba wax ay doonaan ayey ku hadlaan. Wadaadku muxuu Khamiiska u xidhaa? Wadaaddadu dumarka uun bay  cawradooda ka hadlidooda ka dhammaan laayihiin. Wadaaddadu  dumarka dharkooda iyo asturkooda uun bay ka hadlaan, maxay uga hadli waayeen wax kale. Wadaaddada lama dhageysto. Sheekh hebel, ma diintuu ka waardiye yahay. Sheekh hebel……..”
Adiga oo wadaad naceyb ku hayo, haku gefin qabiilkiisa iyo sharafiista, wax na haka sheegin oo ha odhan “ Wadaadka reer hebel waa noocaa”.
Adiga oo wadaadka neceb hayo, ha ku gefin diinta iyo Aayadaha Qur’aanka ah─oo Diinta Allah wadaad neceyb wax ba ha uga sheegin.
Haddii intaa lagaa waayo oo wadaadku wax sax ah oo daliillo wada  sheeggo adna aadna aad waxka sheegto, khatar baad ku sugantahee is ilaali─oo Allah ka baq.
Diinta Ilaahay wadaad hebel daraaddii, ama wax sheegay aha ugu gefin─oo danbi ha ku galin.
 Walaalo, Diinta baro markaasaad garan wadaaddadu in ay qaldanyihiin iyo in ay saxsanyihiine.


W/Q: Cabdirasaaq Sandheere  02-01-2018, Salaasa.




Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?