GUMEYSIGA MASKAXDA!
GUMEYSIGA MASKAXDA!
Gumeysigu wuu noocyo badan yahay oo caynba-cayn. Waxaa jira mid dhaqaale, mid dhuleed, mid
siyaasadeed, mid maskaxeed IWM. Ka ugu xun waaka maskaxda─ waana kaan u
dhareerinayo sheegistiisa.
Gumeysigu maskaxdu wuxuu curyaamiyaa maskaxda, wuxuuna sida
furuqa ugu furaa dullinnimo iyo dalabaabi is-hoos-dhigiddu hoggaamiso ,
wuxuunna qofka naftiisa u diidaa “is-ahaansho ~
Pluralism,” iyo isku filnaasho.
Qofka marka maskaxd laga kireysto ama macnawi
ahaan (معنوي) laga qabsado wuu
kala hadlaa oo hawada ayuu sida huubaha kala raacaa! Waana sababta mararka qaar
qofka loo yidhaa muuqiisa duleed uun baa hebel nool. Qofkuna
hadduu maankiisa isku hagi waayo, hagardaamo kama dhamaato, hadallo iyo huuhaa
laga fiicanyahayna wuu ku hadaaqaa sidii dhallaanka, carruurta!
Gumeysigaa waxaa ka mid ah Guul wadeynta.Guul wadeyntu, asal
ahaan waxa ay ka timid (Guul iyo wade) waa erayo fiican marka sidaa loo kala
qaado ee midba gaar loo akhriyo, marka la isku daro ayey bahdilaad noqotaa─ oo loo qoraa (Guul wadeyn),
macnaheeguna: waa is-jilcin,
is-dulleyn ammaan xad dhaafa oo kolba
sheyga/qofka aad amaanasaa uuna laheyn, waxaana ka muuqata rabbaayad iyo in aad
qofkaasi isa siisay oo aad fiirsi la’aan ugu sheegaso wax laga yakhyakhsoodo─
oo dadka caadiga ahi ka hunqaacaan, cantara baqashna dhuraso.
Waana waxyaabaha qofka dulleeya, qalbi jab noloshiisa
dambana ku dhiraandhiriya markuu canjada dib u celiyo!
Waa
mid ka mid ah gumeysiga maskaxda ee adduunka heysta gaar ahaanna SOOMAALIDA.
Carruur iyo cirroolaba waa lagu tasbiixsadaa.
Markaa hore waa qiiro, markuu qofka qiiradaasi ka dhamaato wuu ka
calaacalaa. Wuuna ka shanleeyaa![……..]
W/Q: Abdirazaq Sandheere.
Drwadaad.yare@gmail.com
Comments
Post a Comment