WAQTIGIITAGEY XIKMAD BAA KU SUGAN, KA SOO SOCDANA HIDDIDDIILO!


WAQTIGIITAGEY XIKMAD BAA KU SUGAN, KA SOO SOCDANA HIDDIDDIILO!

 Waxyaabaha ay ammintu gaar ka la tahay, waxaa ka mid ah:  in aynna joogsan marna, in aan dib loo celin karin, iyo in uu degdeg u socdo. Waxaa oo dhan, waxaa ay ku shaqeeyaan sunne Ilaahiya oo abuuraha (Allah) xaggiisa jira. Sunnadanna waxa ay imanasaa marka uu Allah  meel abuuro. Amminna waa loo helayaa. Ammini ma jirto meel/ goob la’aan. [Amminta iyo meesha] waxaa ka dhexeeya xidhiidh. Laakiin, bini-aadamka kaliya uun baa dareema amminta. Wuxuuna u dhexeeyaa amminta iyo goobta. Amminta waxaa la helay bini-aadamka hortii.  Sidaa si la mid ah gooobtana/meeshana, amminta horteed baa la helay. Laakiin, habsami u socodka bini-aadamka  ee goobta, iyo waayaha waxaa ka dhasha qiimaha amminta (Waqtiga). Sabobta oo ah, dareemidda jiritaankooda [Amminta iyo goobta]  waxaa ku dhammaystirmaya abuuridda jiritaankan cusub( Bini-aadamku wuxuu u dhexeeyaa beri iyo galbeed).
      Su’aalo ilbaxnimo leh, iyo noocyada amminta!
Waxa aan akhriyey buug cajiiba, oo uu qorey nin fekeraaya oo reer Ciraaq ah, Dr. Cimaadu diin Khaliil, oo ka hadlaya ( Tashkiilinta Caqliga Muslimka). Qoraagu [Buugga] dhexdiisa wuxuu si qaabeysan uga ga warramayaa sida loo tashkiiliyo caqliga Muslimka. Sida uu buuggiisa ‘‘Al-Fida’’ uga warramey qaabka uu Muslimku uga shaqeysiinayo ammintiisa (waqtigiisa). Si uu uga qeyb qaato dhisidda ilbaxnimada. Kownkan, Muslimka dhabta ahi, wuxuu u yimid ujeeddo aasaasa, [ Allah addoon u noqosho]. Waana in  ilbaxnimada la waafajiyaa manhajkaa Ilaahiga ah (المنهج الرباني)
Ninbaa aad u fiirfiiriyey aayado ka mid ah aayadaha kitaabka sharafta leh, ee  [Allah], oo ay kusoo aroortey odhaahyo tilmaamasa in qofka Muslimka ahi  aannu la tacaalin amminta (waqtiga), isaga oo waafajinaya   socodka luuqadiisa─ ee uu la tacaalo waqtiga isaga oo la mideynaya hannaanka u dejisan. Sidaa daraadeed ayuu kitaabku uga warramay xawaaraha, degdega, iyo in loogu tartamo sidii erayada. Kuwaas oo dhami qofka muslimka ah awood ayey galinayaan, iyo nolol, [qof horumar u socdana way kasii dhigaayaan,] oo way hurinayaan! Sidaa suuna Islaamku ugu guuleysanayaa dhisidda qofka Muslimka ah. Qofka Muslimka ah dabeecaddiisa kama mid aha baraarug la’aantu. Ka mana mid aha in uu u kaadiyo! Laakiin, wuxuu la baratamaa waqtiga in ta uu karo ee u suurtagesha.  Taasina waa sababta uu markasta heersare u noqdo. Wuxuu si aan caadi aheyn u abuuraa fekerro, iyo saadaal Saynis. Si uu u keeno teknoolajiyad casriya. Taasina waa sabobta uu kitaabka sharafta leh ay ugu jirto [birta] la yidhaa (xadiidku~ الحديد ).
Suuradda (Al-xadiid~ الحديد), waxaa ku jira hadal xeeldheer, oo aad ugu muhiim ah qofka doonaya in uu  [la jaanqaado] ilbaxnimadan dhammayska tiran, ama wax cusub soo saarkiisa daneynaya. Ilbaxnimadu waxa ay u baahantahay aqoon. Sida aqoonta aan ilbaxnimada laheynba ayna u dhaqan galeyn. Waxaa jira dad aan kala saarin aqoonta iyo ilbaxnimada, laakiin, fiirfiirin  dheer ka dib waxaa la ogaadey in ay jiraan farqiyo badan oo u dhexeeya ( aqoonta iyo Ilbaxnimada).
Waxaa jira bulshooyin ilbaxa, laakiin, aan laheyn aqoon dhafsiisan gudaha. Sida ay u jiraan bulshooyin aqoon taariikhiya lehi, laakiin, waxa ay dib ugu noqdeen oo ay ku noolyihiin ilbaxnimo khatar ah. Sidaa suu u kala saaray (aqooonta iyo ilbaxnimada) fekeraaga weyn ee la yidhaa ‘‘Bayxuuufaytish’’.  Ilbaxnimada wuxuu ku sheegay ‘‘ wixii ka dhasha caqliga cilmiga leh’’. Halka uu aqoonta ku sheegay ‘‘ wixii ka feker leh ,ee diin iyo farshaxan ah”. Sidaa wuxuu kaga nuuxnuuxsadey buuggiisa qaayosoorka leh (الإسلام بين الشرق والغرب)
Bulshooyinka baraarugsani  waxa ay hannaanka humarka ka dhaliyaan adeegsiga birta (Xadiidka~ Iron). Birta xadiidku waxa laga sameeyaa aaladaha lagu dagaalamo (dagaal) ─ ee ay ku dagaalamaan quwaduhu. Qur’aan kuna wuxuu ku tilmaamay eray xeeldheer, [Allah wuxuu yidhi] :(  Waxa aan soo dajiney birta ‘Xadiidka~ Iron’’, waxa ay leedahay balaayo daran, dadka faa’ido ayey u leedahay~ وأنزلنا الحديد فيه بأس شديد ، ومنافع للناس ). Balse la heli mayo haddaan adduunka fekradihiisa lala  adeegsan. Fekerkuna wuxuu ka dhalanayaa marka la is waafajiyo kitaabka iyo fekradda. Aayad kale ayuu [Allah] yidhi: (xaqiiqdii, waxaannu rasuuladayada ku soo dirney xujooyin cadcad, waxaanannu kusoo dejinay kitaab iyo misaan ~ لقد أرسلنا رسلنا بالينات ، وأنزلنا معهم الكتاب والميزان )
Suuraddan sharafta leh, wuxuu  Allah innoogu tilmaamay hannaanka ugu wanaagsan ee aynnu umari laheyn ilbaxnimo. Ilbaxnimi ma jirto fekrad la’aan. Fekradna ma jiraso haddeyna heysan kitaab ay ka duusho. Sidaa daraadeed, Waxaynnu aragnay reer galbeedka oo ka shidaal qaatey fekraddihii Giriiga, fekradaha giriiguna waxa ay kasoo maaxdeen fekrado dhaqan oo ay ku sharraxeen riyadooda; waxa ay ka qabaan : Jiritaanka, bini-aadamka, iyo adduunka.
Ilbaxnimadii Islaamku waxa ay ka dhalatey markii ay is riixriixayeen fekradda iyo birtu, ula jeedo; Kitaabka layaab ka leh [Qur’aanka], iyo Birta xadiidku. Waxaynnu aragney ilbaxnimo lagu dhisay fahanka( Fiqiga), iyo tiirarkiisa. Tanna waa aqoonta fekradda Islaamka. Sida uu fahankuba mar kale  innoogu matalo meel ay ummaddu qanuun ahaan ugu noqoto. Waxaa sidoo kale imanaya, haddii ay muslimiintu fiirfiiriyaan kitaabka barashada erayada oo matalasa dhaqanka Muslimiinta. Caqliga cilmiga leh ee weeleeya, wuxuu ku guuleysanayaa in uu curiyo ilbaxnimimadii Islaamka ee soo jireenka aheyd qarniyo badan ─ oo illaa kun gu’ gaadhasay. Sabobtuna waa sida uu sheegay Dr. Cimaadudiin Khaliil, oo waxa ay u noqoneysaa arrimo dhawr ah, oo ay ka mid tahay in waqtiga loola tacaalo si heersare ah. 
Wuu ka xoroobey  qofka Muslimka ahi aafada dib-udhigashada, sida uu ugu guuleystay in uu soo saaro Muslim la tacaalaya waxyaabaha taban ee amminta. Wuxuuna ku boorriyey in uu amminta la tartamo, lana gadgaddoomo. Dadka kalana kula boratamo jaadadka kala duwan ee nolosha. Muslimka waxaa la amrey in uu socdo dhulka isaga oo aan istaageyn, [Allah] wuxuu yidhi (Nabiyoow ku dheh; dhulka socda~ قل سيروا فى الأرض  ). Sidoo kale waxaa la amray in uu ogaado dhacdooyinkii ku dhacey duulalkii hore; Sidee bay u horumareen? Sidee bay se u dibdhaceen?!
Waa in uu Muslimku socdaa dhulka, si uu ugu cammiro shaqo manhajeysan oo ka timaadda fekerkiisa caafimaadka qaba. Waxaas oo dhan wuxuu u samaynayaa si waafaqsan manhajka cad ee Waxyiga. Waxyigu wuxuu qoondeynayaa  yoolka jiridda bini-aadamka ee kownkan.  Wuxuuna ku qoondeeyay saddex arrin: In Allah khaliif laga ahaado, in adduunka lagu camiro kheyr iyo guul, iyo in Allah addoomo loo  noqdo si waafaqsan sharcigiisa. Ta koowaad waxa ay kusoo arortey suuratu Al-baqara, halka ta  labaadna kaga soo aroortey Suuradda Huud, ta  saddexaadna wxay ku soo aroortey suuratu Ad-daariyaat.
Suurtagel maaha in la sameeyo shey, iyada oo aan amminta si fiican looga faa’ideysan. Ammintu waa weelka weyn ee laga soo saaro wixii la sameeyey. Ilbaxnimo iman mayso haddaan amminta si heersare ah looga umulin.  Sidaa daraadeed aayadan ayaa ku soo arortey: ( Kheyrka way u degdegi jireen~ ( كانوا يسارعون فى الخيرا. Aayadda labaadna ( Kuwa tartamayaa haku tartamaan~ فليتنافس المتنافسون ). Af ahaan, qaabka ay aayadda hore u adeegsatey ficilka mudaaric ee uu la socdo ficilka( Naaqiska ah) ee ‘ahaadeen~ كانوا ’’, waxaynnu ka dhandhansananaa in ay joogtey jireen. Halka ta labaad inna tusinaso amar (samee). Amarkuna culimada agtooda wuxuu sheegaa in ay lagama maarmaan tahay, hadduuna jirin wax ka dulqaadaa!
Labadan aayadood ee kitaabka sharafta leh ku jiraa; waxa aan ogaannay in la falgalidda ammintu ubaahantahay labo shay: In la joogteeyo, iyo inaan shaqada la joojin. Waa in si xeeldheer loo gartaa muhiimadda uu leeyahay waqtigu, iyo ayey tahay in ay aad uga midhadhaliyaan. Taasina suurtagel maaha haddeynaan awooddeena dhaqaajin, dabadeed  aynnu ku fekerno, dhaqanna gelino─ oo aynnu iska dayno daalka iyo caajiskaba. 
Qarni kala badhkii Islaamku wuxuu helay, sidii uu ku baddeli lahaa kownkan.  Wixii uu baddelayna waxaa ugu muhiimsana jaadadka taariikhda. Taasina waxa weeyi  sidii uu u nidaamiyey nolosha dadka, sidii uu ubaddelay fekerradooda iyo sidii uu dabar  uga  furey maankooda (Caqliyadooda).  Waxa ay is heleen iyaga oo shaqeynaya uun, iyo, iyaga oo wax kasoo saaraya beeraha, hammigoodii wuxuu ka huleelay sayladihii  kambalka ( Safarkii jiilaalka iyo deyrta). Waxayna dhinac ka raaceen sayladihii fekerka,( waxa aan u nimid si aan addoomada uga saarno caabuddida addoomaha, oo ay u caabudaan Rabbiga addoomaha ~ جئنا لنخرج العباد من عبادة العباد إلى عبادة رب العباد )
Taasi waxa ay kuu caddeynasaa socdaalka dheer ee taariikhda, iyo sida gunta weyn lafteeda.  Taasina macnaheegu  maaha waxa ay ka tageen sayladihii (suuqyadii) , waxa weeyi; waxa ay dhalanrogeen hammigii suuqa ee dhuuniga ahaa, waxayn u baddeleen [dheefsiinta] caqliga . Taasina waa muhiimadda  Islaamka weyn , laakiin, faciisu ma fahmayo manta!
 Suuradda Al-Casri : Innaga oo eeganna dhinaca  horumarka.
Kitaabka muhiimka ah ee uu qorey aqoonyahan Abuu-qiddah (Qiimaha amminta culimada agteeda~ قيمة الزمن عند العلماء ),  waxa aad ku arki sida kuwa fekerka iyo cilmiga leh ee ilbaxa ahi uga faa’ideysteen amminta─ ee aynna ilbidhiqsi noloshooda ka mid ah ugu lumin wax aynna faa’ido ugu jirin. Sideyna uga faa’ideysaneyn amminta iyaga oo akhriyey labada aayadood ee Qur’aanka, aadna u dhuuxey . Siduuna Musilmku u jeclaaneyn amminta ( kuwa waxa maalaayacniga ah  ka jeestey ~ والذين هم عن اللغو معرضون ) , iyo ( kuwa markey soo maraan maalayacni ku mara ……..~ وإذا مروا باللغو مروا كراما ).
Waxaa jira buug kale oo ujeeddo muhiim ah leh, oo  uu  qorey Aqoonyahanka weyn ee Sheekh [Yuusuf ]Al-Qardaawi [waxaana lagu magacaabaa] ( Muhiimadda ammintu u leedahay nolosha Muslimka ~ أهمية الوقت فى حياة المسلم ).  Aad buu u kooban yahay. Balse waxaa ka buuxa cilmi iyo xikmad. Sheekhu wuxuu tiriyey astaamaha amminta,  wuxuunna yidhi: Waqtigu wuxuu u socdaa degdeg, wixii kaa tagaa waligii kuu masoo noqonayo. Taasina waa xaqiiqo aan la is ka indhasaabi Karin, waxaa diida uun kuwa isla weyn!
Wuxuu caddeeyey fekeraagii weynaa ee Prof: Maalik Ibnu Nabiyi in ilbaxnimadu ka dhalato waxqabad +qof+ ammin.  Ilbaxnimo iman mayso haddaan saddexdaasi  is caawin. Sidaa daraadeed, Suurtagel maaha in ilbaxnimo la helo haddaan dad helin, dadku ( shey kasta waa u qareen, waynna u horreeyaan). Qofka bini-aadamka ah ee caddaaladda leh, waa ka ku guuleysta ilbaxnimada. Dadka noocaa ahina waa ka ku  guuleysta in uu si maangala uga faa’ideysto ammintiisa.
Isla afgaran waa kuma jiro in suuraddani(Al-Casri) tahay ta ugu dhumucda weyn kitaabka sharafta leh, Imaamu Shaafici dhinaciisa, wuxuuna yidhi: ‘‘ Haddii uuna Allah, khalqigiisa usoo dajiyeen caddeyn kale, suuraddan mooyiye, iyadaaba ku filnaan laheyd.’’
Suuraddan (Al-Casri) waxaa dhex ceegaaga afar arrin─ oo dhammaantood ka warramaya sameynta ilbaxnimada. Laakiin, dadka intooda badan way akhriyaan iyaga oo meesha ka saaraya  dhacdadeeda. Rogrogid badanna way ku sameeyeen mufasiriintu suuraddan:
1-    Suuraddu waxa ay ku bilaabantay dhaarta amminta. Ammintuna  waa ta uu noolaanyo qofku, inta uu muuqdo, iyo, inta uu  ilbaxnimo sameynayo. Qofku ma jiro muuq ahaan inta uu dhalan ka hor, sidaa suu yidhii [Xasan] Al- Bannaa, markii uu ka warramayey muhiimadda amminta. Wuxuuna yidhi: ‘‘Ammintu waa nolosha’’─ sidaasuuna ku tagey Imaam Ibnu Al-Qayim.  Laakiin , Maalik Ibnu Nabiyi, wuxuu amminta ku tilmaamay bud-dhig, waxaynna ka mid tahay tiirarka ilbaxnimada. Bini-aadamku wuxuu leeyahay labo jiritaan; mid muuqda (Maadi) iyo mid ilbaxnimo.  Ta koowaad waxa ay la gebogebootaa  marka qofka noloshiisu gebagebowdo. Laakiin, ta labaad ma idlaato marka uu qofku dhinto─ way sii jirisaa illaa geerida dabadeed. Dhaartaa Rabbi bilaash uma iman, balse waxa ay la timid si ay u caddeyso muhiimadda amminta.
2-   Suuraddu waxa ay ka hadashay bini-aadamka. Waxayna u qaybisay labo jaad/qaybood: Qayb guuleydarraysatay iyo qayb kale oo  guuleystay. Ta koowaad ee guuldarradu (May fahmin hannaankii nolosha iyaga oo waafajinaya waxyiga). Halka kuwa labaad ay garteen ujeeddadii nolosha, shaqaddiina ay wanaajiyeen si ay u gaadhaan yoolkaa. Dadku waa kuwa sameeya ilbaxnimada, waynannu aragnaa jaadadka dadka, waxaa jira mid fahmay ujeeddadii, laakiin, ujeedadda uma baddelaan fekrad. Fekraddana uma baddelaan qorshe, qorshahana uma baddelaan barnaamuj. Jaadkan waxaa lagu sifeeyay suuradda Al-Faatixa ( Kuwa loo cadhoodey ~ المغصوب عليهم ),  waxa kale oo jira qeyb aan garan ujeedadii waligood, balse umalaynaya in ay shaqeynayaan, wanaajinayana shaqada! ( Waxa ay malaynayaan in ay wanaajinayaan Suncada~ويحسبون أنهم يحسنون صنعا   ), waa jaad ka mid ah dadka, waxaana lagu sifeeyay suuratu Al-Faatixa;( kuwa hallaabay~الضالين   ).
Suuraddu sidoo kale waxa ay ka warramasaa waddo saddexaad─ oo ah dib u cosbooneysiinta bini-aadamka, in uu aragti leeyahay, iyo in uu qorshe leeyahay. [Qofku] guul ku ma gaadhayo aragti kaliya, hadduuna qorshe laheyn. Waxna ma qaban karayo qorshe kaliya haddii uuna aragti laheyn. Maxaa aragtida ka fiican marka ay ka imanaso qof diin leh!? Maxaase ka xun marka ay ka imanaso hawada qofka!?

3) Waa shaqada wanaagsan oo ka dhalanasa aragtida fayow. Bini-aadan hadduuna jirin horumar ma jirayo. Bini-aadanka horumarsanna labo shaqo ayuu leeyahay: shaqada fekerka, iyo shaqada xubnaha─ oo ka falliidhanta ta fekerka. Waxaa bata gefefka marka waxyaabihii muhiimadda waaxyaha nolosha u lahaa  laga hor mariyo wax aan muhiimad laheyn.
Waxa laga yaabaa in aanad moodeyn  in fekerku yahay shaqo, balse waa kuwa ugu muhiimsanba, ufiirso ilbaxnimada─ waxaa laga soo guntaa maskaxda.  Sidoo kale wuxuu caqliga u yahay raaxo!
4) Waa ka shaqeynta arrimaha guud, iyo difaacidda bini-aadannimada ( In la isku dardaarmo xaqa, iyo in la isku dardaarro adkeysiga). Waa arrimaha bulshada, waa arrinta afraad, waanna kuwa ilbaxnimada ka ilaalinaya shaashawga. Ilbaxnimo jiri mayso iyo shaqo bini-aadan toonna, haddii aynna jirin fekerkan ( Isku dardaaranka xaqa iyo isku dardaaranka adkeysiga). Erayga (Dardaaran) wuxuu sheegayaa shaqada in si loo dhanyahay loo qabanayo, waana wada shaqeyn.
Ammintii tagtey  xikmad baa ku  jirta, ilbaxnimaddiina waxa ay sameysay dugsi xikmada. Amminta soo socotana waa hiddiddiilo, ilbaxnimaduna waa suurtagel in mar labaad la sameeyo.  Ammintii tagtey waxa ay inna barasaa in werwerka tagtadii uu yahay shay, hiddiddiiladuna tahay shay kale. Qofka hiddiddiilada lihi wuxuu leeyahay feker nool. Qofka tagtadii ka werwersanna hiddiddiiladiisii way dhimatay!

Ammintii  tagtey muslimiintu waxa ay galeen taariikhda si mug leh, sabobta oo ah waxa ay garteen sirtii nolosha. Waqtiga soo socdana way geli doonaan taariikhda, sabobta oo ah ammintaa inna barey in aynna noloshu uhagaagsaneyn  doqommada.
Waqtiga shaqaa la qabtaa, shaqadana waa laga fekeraa, fekerkana dadaal baa la geliyaa. Suurtagel maaha in dadku jiraan shaqo la’aan, suurtagelna maaha in feker la keeno haddaan laga  shaqeysiin maskaxda. Sidoo kale, suurtagel maaha in fekradi timaado haddaan dadaal la galin, dadaalkuna waa in caqliga laga shaqeysiiyo iyada oo laga soo dhiraardhirinayo fekrad meelmara.

W/Q: Sh. Cabdiraxmaan Bashiir.
 W/T: Cabdirisaaq Sandheere.


Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?