Khudbaddii Jimcaha: Dhallinyarada iyo Shaqada


Khudbad taxane ah, oo Jimce kasta qodob muhiim ah la daraaseeyo ayaa noo socota. Waxa ay ku saabsantahay dhallinyarada iyo doorka ay ku leeyihiin hayaanka nolosha, dhinackasta. Wuxuu ka soo warramay; dhallinyarada iyo hadadka, dhallinyarada iyo jaceylka, dhallinyarada iyo guurka. Waxaa soo jeediya Ustaad Abdisalam Hassan Muse. Waa khudbad waqtigeedii timid, oo loo baahanyahay. Misana aad u faa'ido badan oo raandhiisle.
Khudbadda maanta ee Ustaadku soo jeediyay waxa ay ku saabsanayd mawdduuc kuwaa hore xidhiidh la lahaa, wuxuu ahaa dhallinyarada iyo shaqada. Waxbadan ayuu iftiimiyay Ustaadku. Khudbaddu waqti badan ayay socotay, ma wada qori karnee, waxyar oo kooban ayaynu ka soo qaadan.
Markii koowaad, waxa uu Ustaadku soo koobay muhiimadda ay shaqadu leedahay, iyo sida uu Islaamku u dhiirrigeliyay shaqaysashada, iyo Aayadaha Qur'aan ka ah ee ka warramaya arrintaa. Qur'aanku aad ayuu uga hadlaa shaqada iyo xoogsashada. Aayad Qur'aan ahi waxa ay ahayd ‘ Waxa aad tidhaa shaqeeya, Ilaahay ayaa arkaya shaqadiina e....’ Suuradda Tawba. Qur'aanka Suurado badan ayaa loogu magacadaray shaqo, xirfad ama wax la manaafacaadsado. Waxaanna ka mid ah “ Maa'ida, Xujuraat, Xijri, Maacuun, Xadiid........”
Sidoo kale, shaqooyin laga shaqaysto ayuu Qur'aanku ka warramay waxaa ka mid ah “ Ka shaqaysashada Badda, sida loo kalluumaysto ee xeebaha looga ganacsado., beeraha, ganacsiga.....”
Marka labaad, Ustaadku wuxuu warramay Nebiyadii iyo Rasuulladii Ilaahay siday u shaqaysan jireen, iyo siday u arkayeen muhiimadda shaqada, misana ay u hawlgali jireen. Midkastaa xirfad uu ku shaqaysto ayuu lahaa. Diinta daraaddeed midna waxba laguma siin jirin. Bal qaar ka mid ah aynnu soo qaadanno:
1- Nebi Idiriis: Wuxuu ahaa ‘ dhartole.’ Wuxuu ka shaqayn jiray dawaarrada oo dharka ayuu toli jiray.
2- Nebi Daa'uud: Wuxuu ahaa Nebigii ilaahay siiyay boqornimo. Dhul badan ayuu maammuli jiray. Isaga oo waxaas oo dhula maammula, Nebi ilaahayna ah ayuu haddana shaqaysan jiray si shakhsiyan ah, wuxuunna ka shaqayn jiray shiilidda Birta.
3- Nebi Ibraahin iyo Nebi Luud: Waxa ay ka shaqayn jireen Beeraha, oo waxa ay abaaheen beeroolayaal.
4- Nebi Shucayb, Nebi Muuse, iyo Nebi Muxammed: Waxa ay ka shaqayn jireen adhiraac oo midkasta intii uu yaraa adhijire ayuu ahaa.
5- Nebi Nuux: Wuxuu ahaa Najaar.
Marka saddexaad, Ustaadku wuxuu aad ugu nuuxnuuxsaday ardeydii Nebi Muxammed SCW iyo siday ku ahaayeen shaqada, iyaga oo Diinta ku dadaallaya oo aynna hal Salaad dhaafin ayay haddana ganacsadayaal ahaayeen oo niman shaqaysta ahaayeen. Bal qaar ka mid aynnu sheegno, Ustaadkuna sheegay:
1- Abuubakar: Wuxuu ahaa ganacsade weyn oo wax iibiya, waxna soo iibsada. Xirfadda ganacsiga ka shaqeeya.
2- Abuu Dalx: Wuxuu ahaa oo xirfad u ahayd dhartolidda.
3- Subeyr: Waa asxaabi weyn. Wuxuu ahaa hilible. Wuxuu ku shaqaysan jiray xirfaddaa.
4- Abuu Sufyaan: Wuxuu ahaa hargoole iibinaya haraga iyo wixii la halmaala.
Sidaas iyo wax la halmaala ayay ahaayeen Nebiyadii Iyo asxaabtii. Dhammaam way wada shaqaynsan jireen, shaxaadkana way ka faani jireen.
Markii afraad, ustaadku wuxuu aad ugu nuuxnuuxsaday inuu qofku noqdo mid kalidii iswada oo aan cidna ku tiirsanayn oo aan dulin ‘ Parasite' ku ahayn qofna! Laga yaabaa, haddii aad ardey tahay oo aad qof ku tiirsantahay oo uu biilka iyo Jaamacadda kaa bixiyo, berri ka maalin adiga oo sidaa ugu tiirsan hadduu dhinto ama hadduu kaa joojiyo maxaad samayn, maadaama noloshiiba isaga kaaga xidhantahay?! Waa isku yaacaay iyo inuu qofkii waxbadan isciilkaanbiyo hadduuna marka jore kasii gaashaaman, oo uuna calal'aqal samaynsa wuxuu naftiisa ku dabbaro, oo dadka kale kaga maarmo.
Markii shanaad, Ustaad ku wuxuu ka warramay sida aynnu nahay, Soomaali ahaan iyo wadcigeenna. Wuxuu aad u faahfaahiyay in dalka shaqo badan ka buuxdo, balse la garan laaya'ay, misana la moogyahay oo aan lagaba warhayn. In dadku wada rabaan inayna ka shaqayn shaqooyinka xirfadda qofka u noqon kara ee uu ku meelmari karo, oo qofkii rabo uun shaqo sare! Waa dhibaato.
Ustaadku wuxuu aad uga warramay qaabka qofka laga rabo inuu u shaqaysto iyo tallaabooyinka uu qaadayo. Iyo in qofku uu daacad u noqdo waxa uu ka shaqaynayo. Talooyin uu Buug badan oo dadka kala duduwan qoreen ayuu soo xigtay, wuxuunna talooyinkaa ku soo koobay toddobadan:
1- Naftaada shaqo u raadi oo xirfad baro.
2- In shaqo kasta niyada wanaaji.
3- Samir.
4- Xaaraanta iska ilaali.
5- Wanaaji shaqadaada.
6- U degdeg shaqada. Nebi Muxammed wuxuu yidhi" Allahayoow Ummaddayda u barakee kallaahaaddeeda...” Bilgate ayaa buuggiisa kaga warramay kallahaha iyo siduu ugu guleystay waxa uuna yidhi “ Intaan shaqadaydan bilaabay waxa aan bilaabi jiray shaqada 4:00 aroornimo.”
7- In si wadajira loo shaqaysto: Wadajirku waxbadan ayuu dhalaa oo kobciyaa, waynna kala geddisanyihiin umadda si wada jira wax u qabsata iyo kuwa kelieli u kala qabsada. Waddamada wadajirka ku guuleystay waxaa ka mid ah waddanka Jabbaan, oo aynnu aragno siday wax u qada qabsadeen iyo dadkooga badankiisu shaqaystaan.


W/Q: Cabdirasaaq Sandheere
30-11-2018

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?