Waa Maxay SDGs?

                         


SDGs waxaa loo soo seemtaa Sustainable Development Goals. Haddii aan Soomaaliyayno waxa ay noqonaysaa Ujeeddooyin Horumarineed ee loo baahanyahay. Sidoo kale waxaa loo yaqaan the (Global Goals for Sustainable Development~ Ujeeddooyinka Caalamiga ah loona baahanyahay ee Horumarineed). Waxaana Hormuud ka ah Qarammada Midoobey (United Nations).

Qarammada Midoobey waxaa xoghaye guud ka ahaa Bank Moon. Isaga oo dhawr sano joogana waalla bilaabay qorshaha. Qorshahan waxaa la bilaabay January 2015;  waxaanna la dhammeeyay August 2015. Waxaa si saxa loo daahfurey September 2015, waxaa lagu gardaadiyay magaalada New York ee  Maraykanka.


Tiro ahaan waxa ay ka koobanyihiin 169 ujeeddo, duuduub ahaanna noqonaya 17 qodob─oo midkastaa muhiimaddiisa gaar ahaaneed leeyahay, una baahantahay tixgelin. Waa qorshaha la rabo in la cagadhigto 2030.

 Qorshahani wuxuu baddelay qorshe la odhan jiray Millennium Development Goals (MDGs) oo la dejiyay dabayaaqadii 2000. MDGs wuxuu shaqaynayey 15 sano; dabadeed waxbaa ka dhinnaaday oo waa laga guuray. Waxaanna laga guuray gugii 2015. Waxaana la ansixiyay SDGs. Waxaanna saxeexay oo goobjoog ahaa 193 waddan iyo ururro rayid ah. Waxa lagu summadeeyay A/RES/66/288 Ciwaanna waxaa looga dhigay (The Future We Want ~ waxaynu Rabno Mustaqbalka).

Qorshahaa MDGs waxaa ka maqnaa ama ka dhinnaa qodobbo badan oo muhiim ah. Kaliya wuxuu ka koobnaa siddeeddan qodob ee soo socda: 

1)     Eradicate Extreme Poverty And Hunger (Cidhibtiridda saboolnimada daran iyo gaajada.) Qodobkan marka la joogo SDGs wuxuu u qaybsamaa labo qodob oo kala madaxbannaan, kala ahna 1aad iyo 2aad.
2)   Achieve Universal Primary Education ( Waa in la gaadho Hannaan waxbarasho oo tayo leh). Qodobkani marka la joogo SDGs waaka 4aad.
3)   Promote gender Equality And Empowering Women ( Kor-u-qaadidda sinnaanta jinsiga iyo Awoodsiinta Haweenka).
4)   Reduce Child Mortality (Yaraynta Dhimashada Carruurta). Qodobkani wuu soo hoosgalaa 17, balse, qodob u gaar ah malaha marka la joogo SDGs.
5)    Inprove Internal Health ( Horumarinta Caafimaadka). SDGs marka la joogo Qodobkani waaka saddexaad, intan uuna laguma daayee waxaa la raaciyaa (Well-Being For People).
6)   Combat HIV/IADS And Other Desease ( Ka hortagga ama xakamaynta Aydhiska iyo cudurrada kale).
7)    Ensure Environmental Sustainability ( Dhawridda, hubinta ama ilaalinta Deegaanka). Qodobkan marka la joogo SDGs waaka 11aad.
8)   Global Partinerships For Development.

Qodobbada SDGs iyaga oo Duuduuban

Qodobbadani si guud way badanyihiin, balse, si gaar ahaaneed waa intan:
1)       No Poverty: Waa Saboolnimo ma jirto.
2)      Zero Hunger: Gaajada waalla tirtirayaa.
3)      Good Health and Well-Being for people: Caafimaad wanaagsan iyo badhaadhe.
4)      Quality Education: Waxbarasho Tayo leh.
5)      Gender Equality: Sinnaanta Jinsiga
6)      Clean Water and Sanitation: Biyo nadiif ah iyo nadaafad.
7)      Affordable and Clean Energy: Tamar la awooddo oo la heli karo.
8)      Decent Work and Economic Growth: In koq loo qaado shaqada lana kobciyo dhaqaalaha.
9)      Industry, Innovation and Infrastructure: Warshadaha. Hal’abuurka iyo kabayaasha dhaqaalaha.
10)    Reduced Inequalities: Yaraynta sinnaanla’aanta.
11)    Sustainable Cities and Communities: filnaanshaha magaalooyinka iyo deegaanka.
12)   Responsible Consumption and Production:masuuliyadda Waxsoosaarka.
13)    Climate Action: Dhaqdhaqaaqa Cimilada.
14)   Life Below Water. Biyaha waa in nolol looga faa’ideystaa.
15)   Life on Land: Ku noolaanshaha dhulka
16)   Peace, Justice and Strong Institutions: Nabadda, caddaaladda iyo sharciyada oo la xoojiyo.
17)    Partnerships for the Goals: Isku kaalmaysashada ujeeddooyinka.

Cabdirasaaq Sandheere
April, 2018

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?