Marka Cabbirku khalkhalo Waxaa Dayacanta Xuquuqda!



Markii uu Maalik Binu Nebi, daraasad gundheer ku  sameeyay geeddisocodka nolosha, marrinka dawladaha, iyo dhismaha ilbaxnimada iyo burburkeeda waxa uu helay Qaaciido muhiim ah. Waxaanna weeyi in dawladaha guuleystay iyo shacbiyadaha guuleystay  ay socodkooda ka soo bilaabaan Caalamka fekerka, iyaga oo saxaya, dheellitiraya oo difaacaya misana ilaalinayana. Dabadeed, ay dadku sameeyaan waxyaabaha cusub iyo shey’yo.

 

Rasuulku SCW wuxuu dacwaddiisii ka bilaabay caalamka fekradaha, caqiidada iyo waxsawirashada. Wuxuu dhaqaajiyay caqliyadii fadhiyay, wuxuunna la dagaallamay fekerradii bakhtiyay ee dadka dilayay. Wuxuu dadkii ku qanciyay fekerro cusub oo nool, dadkana noolaynaya. Halkaas ayay ka bilaabantay in ummaddu jirrid awood leh ku taaganto, khuraafaadkana diiddo. Aynna muqaddas ka dhigin qofka, iyo sanamyada ee ay marxaladdii Carruurnimada ku dhaafaan caqli toosan iyo feker iftiimaya. Galbeedka waxaa ka jirta khibrad soo bilaabantay casrigii iftiinka (Horumarka). Halkaasi oo mufakiriintoodii ay diideen khiyaaligii ka fogaa maangalnimadii caqliga. Mufakiriintii waxa ay iswayddiiyeen su’aalo xeeldheer oo ku saabsan fekerka iyo nolosha, Mabda’a iyo masiirka. Su’aalahaa waxaa ka dhashay in khuraafaadkii ay xooraan. Waxaa bilaabmay marxaladdii caqliga waxaanna dhammaaday nidaamkii Calmaanigii.  Halkaa waxaa ka dhashay mashruucii Ilbaxnimada Galbeedka iyo Casrinnimadii Galbeedka.

Jabbaan, waxa ay lahayd khibrad lala yaabo. Waa khibradda bilaabantay bilowgii qarnigii 20aad. Aasaasayaashii Dugsiyada Yurub, waxa ay su’aalo faa’ido leh iska wayddiiyeen horumarka Jabbaan: Halkee ayay suurtageltahay in uu ka yimid horumarka Jabbaan? Halkee ayayse ka timid awoodda Yurub? Waa su’aalo fekrad gundheer xanbaarsan. Sida la wada ogyahay ummaddu waa hoggaamiyaha fekerka Muslimiintii diiday su’aalaha.  Balse, jawaabaha Jabbaaniisku way ka duwanyahay jawaabaha Muslimiinta. Markaas ayay natiijadu noqotay in Jabbaan horumarto, Muslimiintuna dibudhacaan.

Ummadaha horumaray waxa ay garanayaan kala hormaynta fahanka ilbaxnimada iyo fahanka isbeddelka. Shacbiga uma suuragel aha inuu boos cadceedda hoosteeda ku yeesho isaga oo aan si dhaba u baddelin caalamka fekerrada. Ummadda uma suuragel aha in ay horey u socoto ama in ay ilbaxnimo samayso iyada oo aan isbeddelin. Isbeddelna ma jirayo iyada oo aan si dhaba loo baddelin caalamka fahanka iyo fekradaha. Sidaas daraadeed ayaynu u aragnaa Jaamacadaha Reer Galbeedka iyaga oo si joogto ah u maalgelinaya fekerka. Halka Jaamacadaha Berigu aynnu la noolnahay khibradda Taariikhda ee aynaan wax cusub ku soo kordhinayn caalamka fekerka.

Bini’aadanku maanta waxa uu ku noolyahay marxalad horumar oo ah kacdoon fekereed. Waxaanna laga cabsi qabaa in la dhaafo xaaladdii bini’aadannimo. Balse, way yartahay in aad mufakiriin danaynaya arrintaa ka hesho caalamka Islaamka. Dr Cabdiwahaab Al Masiiri, mawdduucan muhiimad badan ayuu siiyay, buugna wuu ka qoray. Waxaanna jirta oo ceegaagta abaar fekereed. Hadallada caalamka Muslimiinta badankoogu waxa ay u badanyihiin ka sheekaynta dadka, balse, uma badna ka sheekaynta Caalamka fekradaha.

Su’aal baa jirta, waa maxay fekerrada ay keeneen madaxweynayaasha caalamka Islaamku? Waa maxay deegaankan soo saaray madaxdan tayadoodu hooseyso? Maxay madaxweynayaashani wadammada Msulimiinta oo kaliya uun u maamulaan?!

Maalik Benu Nebi, wuxuu ka warramay jiritaan muuqda oo qariib ku ah adduunyada: Waanna bini’aadan aqbalaya horumarka, iyo Bini’aadan aqbalaya dibudhaca. Wuxuu noqon karaa bini’aadan aan Islaam ahayn. Balse, horumar u diyaarsan. Wuxuu noqon karaa Bini’aadan Islaam ah; balse, horumar u diyaarsan. Sidaa daraadeed, ninkaasi wuxuu baadigoobayaa sababo, fekerro, qofaf, dhacdooyin, shey’yo, mana baadhayo dadka waxa u qarsoon iyo caqiidadooda. Sidaa daraadeed ayay Jabbaan u horumarday iyada oo Buudhism ah; Ameerika na u horumartay iyada oo Calmaaniyad ah; Faransiiska iyo Jaramlku u horumareen iyaga oo Kiristaan ah. Balse, Muslimiintii ayna ka kicin dibudhacii iyaga oo ku dayanaya Risaaladii Nebi Muxammed SCW.

Maalik Benu Nebi, aad buu u dhexmuquurtay, si xeeldheerna wuu u baadhay. Su’aalo muhiim ahna wuu iska wayddiiyay arrintan. Balse, wuxuu khilaafay caadada, jawaab ku habboona ma helin. Muslimiintu sababta ay u dibdhaceen waxa weeyi Diintii oo ay ka tageen. Wuxuu u arkaa in jawaabtaasi aynna aqoon ku dhisnayn. Balse ay tahayba qayb ka mid ah dhibudhaca. Sababtuna waxaa weeyi Gaaladu waxa ay horumareen Diin la’aan. Halkay wax ka jiraan markaa?

Khalkhalku kama jiro caqiidad dadka, balse, khalkhalku wuxuu ka jiraa fekerrada dadka. Iyo in la helo meesha dibudhacu ka yimid. Caalamka Dibudhacu wuxuu la noolyahay caalamkii shakhsiyadaha iyo shey’yada. Sidaa daraadeed ayaynu u aragnaa maanta inta badan magaalooyinka ugu quruxda badani in ay yihiin kuwa Khaliijka qaar ka mid ah. Shey’yadana waa kuwa halkaa yaalla ayaa ugu qurux badan. Balse, wax saamayna kuma laha caalamka fekerrada, waa ka faqiir. 


Way fududdahay in aan u baahanno shey’yadii ilbaxnimada. Balse, waxaa adeg meelihii laga soo dhanbali lahaa caalamkii fekerka ee Ummadda u gaarka ahaa. Waxaa fudud in aynnu magaaladeenna qurxinno, si aan gaar ahayn.  In ay inna agyaallaan saacado qurxooni, balse, aynaan waqtiga ka eegan oo aynaan muhiimad siinin. Iyo in ay agteenna yaallaan Hudheello deggan ama Jaamacado badan, balse, aynnaan waxba ka soo saarin.

 

Miyayna layaab ahayn in Suudaan leedahay in ka badan 4o Milyan oo lo’ ah; balse ay u dhimanayaan gaajo iyo faqri. Noloshiinna ay degdeg ku dhaafayaan. Sababtu waxaa weeyi Waddanku wuxuu ka arradanyahay oo ka dibdhacay caalamkii fekerrada. Halka Holland, aynna lahayn wax aan ka badnayn 3 Milyan oo Lo’a ah. balse, ay ka soo saaraan noocyada kala geddisan ee caanaha, caalamkana ay u dhoofiyaan hilib Farash ah. Sababtuna waxaa weeyi waxa ay ka horumareen Caalamka fekerrada. Wax kale ha raadinnine Holland waxa ay ka horumartay Caalamka Fekerrada, caalamkaasin waxa uu soo saarayaa caalamka Ashkhaasta. Shakhsiyaduhuna waa kuwa keena ee sameeya shey’yada, dhacdooyinkana sameeya. Suudaan waxa  ay  tusaale u tahay dibudhaca Caalamkii fekerrada. Caalamkaa dibudhacuna wuxuu soo saarayaa ashkhaas u nugul dibudhaca; dadkiina ma wanaajinayaan shey’yadii iyo dhacdooyinkii.

 

Hollan, waxa ay tusaale togan u tahay ka faa’ideysiga kheyraadka; halka Suudaan tusaale taban u tahay ka faa’ideysiga kheyraadka. Kuwani waa tusaale uune way badanyihiin tusaalayaashu. Kuwa ku wareega ashkhaasta ka sheekayntooda ama ka faallo ka bixiyaa mustaqbal malaha. Kuwa se ku wareega fekerrada ayaa kaliya mustaqbal samaysta.

Waddankeenna halbeegii ayaa khalkhalay. Waxaynnu helaynaa in sheyga ugu muhiimsan muwaaddinka agtiisu uu yahay in uu helo shey’yo; isaga oo aan wanaajinayn dhaqankii ay u lahayd ilbaxnimadu. Waayo malaha hal’abuur fekereed. Sidaa daraadeed ayaynu u helaynaa loollanka u dhexeeya fekerka iyo natiijada. Waayo, qaarkood waxa ay doonayaan in ay la tacaalaan natiiijada iyada oo aan fekrad wadan (ka madhan). Kuwaasina waa kuwa qofka Muslinka ah ka yeelaya in uuna wanaajin ilbaxnimada Galbeedka. Ilbaxnimada Galbeedku maaha Dimuqraaddiyad keli ah, doorashooyin keliyana maaha, xataa xuquuq dumar uun maaha. Balse, waa garashada fekerro dhammaystiran. Waxaynna u baahantahay daraasayn fekereed oo xeeldheer, misana koobsata, oo aynna u soo babbacdhigi karin illaa mid caalamka fekerka ku xoog badan mooyee mid kale. 

Waxa suurtagela in Bini’aadanku u baahdo waxyaabaha u sahlaya ilbaxnimada, ama inuu ka qaybgalo Koorsooyin uu ku baranayo Computer-ka, ama laga yaabaa inuu khabiir ku yahay cilmiga Caafimaadka, iyo Injineernimada. Balse, uuna  aqoon caalamkii fekerrada. Culuuntaasina ma samayso caalamka fekerka e waxa ay la tacaalaan shey’yada Ilbaxnimada. Sidaa daraaddeed ayuu mufakirkii Maalik Binu Nebi iskaga tagay caalamkii qalabka, uuna tagay caalamkii fekerrada. Waxaa si fudud suurtagal ahayd in uu noqdo Injineer Makaanik ah, dabadeedna raad la’aan uu ku soo gebagaboobo. Balse, wuxuu u guurey caalamkii fekerrada si uu Injinneer uga noqdo caalamkan. Arrinta cusubi waxa ay tahay, mufakiriinta badankoogu waqtigiisii may fahmin, Muslimiinta badankooguna kumay baraarugin muhiimadda fekerrada ninkan.

 

W/Q: Sh. Cabdiraxmaan Bashiir                                                

W/T: Cabdirasaaq Sandheere

Sept 25, 2017.


Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?