Sookoobidda “ Ego is the Enemy ~ Anaaniyaddu waa Cadaw?”

 

Hordhac

Buuggan la yidhaa “ Ego is the Enemy ~ Anaaniyaddu waa Cadaw?” Eraygaa “ Ego’ sidoo kale ‘ Kibir’ waan ku macnayn karnaa. Se hadda Anaaniyad aynnu u qaadanno. Waxa qoray Ryan Holiday. Ryan waa qoraa, ganacsade iyo Suuqgeeye. Shirkado badan ayuu la shaqeeyay. Ka dib markii laga eryay Kooleejkii uu dhigan jiray waxa uu ku mashquulka arrimaha qoraalka. Shabakado kaladuwan ayuu lka shaqeeyay, oo qaar xataa madax ka soo noqday. Qoraa muddo badan wax qora ayuu ahaa. Meelaha uu wax ku qoro, ama lagu daabacay waxa ka mid ah: The Columbia Journalism ReviewThe GuardianThought Catalog,  Medium.com iyo New York Observer. Waxa ay muddo wadashaqaynayeen saaxiibna ahaayeen qoraa Robert Greene, oo ah qoraaga buugta “ 48 laws of Power” iyo “ The Nature of Human…”

Buugaag badan ayuu qoray Ryan. Waxa ka mid ah ‘ Obstacles on the Way.” Buugga la yidhaa, oo uu 2014 daabacay. Kana mid ah buugaagta caalamka loogu iibsiga badanyahay.

Buuggan waxa uu soo saaray sannadkii 2016kii.  Waxa uu ka koobanyahay 256 bog. Waxa uu kaga warramayaa ‘ Anaaniyadda.’ Inay cadawtahay ayuu ku doodayaa. Si guud ayaynu u dulmari.

                                                            Nuxurka Buugga   

Marka koowaad, qoraagu waxa uu iswayddiinayaa ‘ Waxa ay tahay Anaaniyaddu?” Wuxuu ka yidhi: “ Waa aaminaad qaldan oo aad naftaada ka haysato.” Qofka oo naftiisa ka aamina waxaynna ahayn, wuxuu moodayaa wax aynna u dhawayn. Sidoo kale, waa “ Qofka oo doona in la ammaano , diiddana in la naqdiyo ama in la dhalliilo.” Qofkii islasaxane ayuu yahay. In la ammaano ayuu rabaa, dhaliishii iyo naqdintiina wuu diidayaa!

Qoraagu waxa uu iswayddiinaya “ Wejiyada ama noocyada Anaaniyada” Way badanyihiin, se isagu saddex ayuu ka soo qaatay:

1-      Qofku markuu hadaf leeyahay ee uu guul doonayo waa anaani: Wuxuu doonayaa in la ammaano waqtigaas.

2-    Markuu guuleysto: Marka uu qofku guuleysto qofku waa anaani ayuu qoraagu qabaa.

3-     Marka uu guuldarraysto: Qofku marka uu guuldarraysto waa anaani wuxuu rabaa in la ammaano, oo aan la dhaliilin.

U jeeddada iyo jaceylka in u jeedda la horreysiiyo oo la qayaxo ayuu qoraagu qabaa. Qofku marka uu doonayo inuu qabto wuxuu jecelyahay waxaa wanaagsan inuu u jeeddada sii ogaado, oo marka koowaad u jeeddada garto, haddana shaqada bilaabo. Waxa iyadna muhiiim ah qoraaguna xusayaa in qofku xaqiiqada la noolaado, oo wixii xaqiiq ah sameeyo.

Waxa kale oo qoraagu xusayaa ‘ Wixii  kuu dana garo oo ku foof’ ayuu ku leeyahay. Waxa kuu muhiimka ah xooggasaar oo samee ayuu qabaa. Qofku waa inuu ogaadaa wixii u dan ah, aad na u ilaashadaa oo u sameeyaa.

Dhibaatada/khasaaraha Anaaniyadda

1-      Waxa ay burburisaa kooxaynta: Qofku marka uu la shaqaynayo dad badan ee uu anaani noqdo, haddii uu anaaniyahay dadka ma wada shaqayn karaan. Markaa waxaa burburaya xidhiidhkii uu la lahaa kooxda.

2-    Waxa ay dib u dhigtaa waxbadan oo aynnu qaban lahayn.

3-     Xidhiidhka ayay burburisaa, ama sumaysaa.

4-    Waxa ay innaga xannibtaa inaan meel dheer ka fekerno.

5-     Waxa ay innagu dhiirrigelisaa inaan hunguri xumaanno.

6-    Eedaha ayay cidkale saartaa.

7-     Dadaa ku nici.

Sidee loo yarayn karaa ama loo maammuli karaa Anaaniyada?        

Qoraagu waxyaabo badan oo lagu yarayn karo Anaaniyada ayuu qabaa. Waxa ka mid ah:

1-      Naftaada baro.

2-    Raadi oo xirfado ka baro qof kaa aqoon badan.

3-     Barashada bilow ka bilow.

4-    Dadka kale aammin, oo maamuus.

5-     Ogoow inay dadka kale waxyaqaannnaan.

6-    Dadka ku taageera u mahadceli.

 

Gebagebo

Si guud ayaynu u dulmarnay buugga. Dhincyo kaladuwan ayaynnu ka istaagnay. Intaas ayaan ku soo koobaynaa sookoobidda.


Muuqaal ahaan halkan ka daawo: ( https://www.youtube.com/watch?v=QrJe0MZQ4UY&t=74s) 


W/Q: Cabdirasaaq Sandheere

19 Maarij, 2020.



Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?