Faallaynta Buugga “ Dagaalladii Basaasiinta Qarnigan 21aad”
Hordhac
Buuggan la yidhaa “حرب الجواسيس القرن
٢١~Dagaalladii Basaasiinta
Qarnigan 21aad ” waxa qoray Majdi Xuseen Kaamil. Majdi, waa Qoraa, Wariye, iyo
Turjumaa. Mareego kaladuwan oo dalka Masar ka soo baxa ayuu wax ku qori jiray. Wuxuu
u dhashay dalka Masar. Wuxuu dhashay
sannadkii 1970kii.
Majdi, waxa uu qoray buugaag
kaladuwan. Buugta uu qoray waxa aynu ka xusi karnaa “ فريدريك نيتشه شيطان
الفلسفة الأكبر.”“أحداث
التاريخ الكبرى .” “رؤوس الشر العشرة .” “الفوضى البناءة .”iyo buugaag kale.
Waa qoraa muddo badan wax
qorayay saaxadda qoraannimada ku jiray. Hadda wuu noolyahay.
Buuggan uu Majdi qoray ayaan isku dayi inaan si kooban u
tilmaamo nuxurkiisa, iyo waxa uu ka warramayo. Weliba waxa aan doorbiday inaan
sookoobidda ku soo qaato hordhaca buugga, oo soo afnaqo iyada oo faahfaahin
wadata.
Muxuu
Buuggu ka Warramayaa?
Hawlgallada Ruushka ayaa soo caddeeyay in Sargaal dalkooda u
dhashay oo la odhan jiray ‘ Alexander Litvinenko’ lagu dilay Magaalada London
ee Caasimadda Ingiriiska. Weliba waxaa lagu dilay oo lagu buufiyay Sunta la
yidhaa ‘ Plonium 210’ oo shucaac wax ku disha. Markan oo ahayd markii koowaad ee suntaas la
adeegsado. Marka sidaa loo shaydhiyo islamarkaaba waxa ay googoysaa oo
qurubqurub u jarjartaa jidhka. Waxa ay sii daysaa sun halis badan, waana suntan
loo adeegsado in Basaasiinta lagu laayo Qarnigan kow iyo Labaatanaad.
Sargaalka dhintay mid ka mid ah asxaabtiisii ugu dhawayd
ayaa helay farriin uu Sargaal Alexander Litvinenko qoray intii uu noolaa oo uu
ku saadaaliyay in dilkiisa iyo sumayntiisaba uu masuul ka noqonayo Madaxweynaha
Ruushka Mr. Falaadhamir Butin, farriinta uu basaasku ka tagay waxa ay u
dhignayd: “ Waxaa dhaba oo aan xaqiiqsaday in aanad waxyar oo ixtiraam iyo
qaddarin ah u haynin nolosha iyo xorriyadda. Ilbaxnimada iyo horumarkuna
agtaada ayna wax qiimo ah ka lahayn. Waxa kale, oo aan xaqiiqsaday in aanad u
qalmin xilka aad haysid. Inkasta oo aad ku guuleysatid in aad qof aamusiisid,
balse Sayid Butinoow, dhawaqa agtaada iyo daafaha adduunyada ka baxayaa
dhegahaaga ayay tiri doonaan oo nolosha mar uun baad dhegabeeli doontaa.”
Xilliga ay dhacdadan ugubka ahi dhacday waxa jirtay
suurtagalnimo iyo tuhun runta u dhaw oo ah in basaaskaa Alexander Litvinenko uu
dilkiisa ka danbeeyo Madaxweynaha Ruushka Mudane Butin, oo aargoosi ahaan uu u
dili jiray. Waxa kale, oo iyadna jirtay oo la isladhexmarayay in Suuqa madaw uu
Ruushku ku sii daayay in lagu iibiyo Hubka Nukliyeerka, iyo in suuqa madaw lagu
gadayay Sunta sida ‘ Plonium 21o’ oo kale ah oo gacanta u gashay dad ay iyagu
ku tilmaameen argagixiso.
Basaasnimadu waa ciyaar duug iyo soojireen ah oo aan
dhammaad lahayn, ayna waligood dawluhu isticmaali jireen. Basaasnimadu waxa ay
ahayd, ahaanna doontaa hubabka adduunka ugu khatarsan ee lagu dagaallamo, waana
hab sirdoonka iyo wardoonku u adeegsan jireen si farshaxamaysan oo kolba
duruufta lagu jiro iyo waqtiga la jaanqaadaysa. Dawlad waliba waxa ay
basaasiinteeda u tababbartaa inay aad isha ugu hayaan dawladaha maslaxadi ka
dhexayso, ayna fashiliyaan shirqoollada ay u maleegayaan. Basaasnimadu waa
hubka ugu culus ee dawladuhu masaalixdooda iyo siyaasadahooda ku ilaaliyaan.
Waa habka shirqoollada, kaartooyinka iyo dhegaraha loo maleego. Ama waa habka
uu dal u ogaado awoodda uu cadawgiisu leeyahay, iyo inta uu leegyahay. Mararka
ay xaaladuhu qadhaadhaadaan waa habka asxaabta kuu dhawdhaw loogu hurgufo. Waa kaartada
la adeegsado marka….
Ka dib markii uu dhammaaday Dagaalkii qaboobaa Basaasnimadu
aad ayay u dhaqangashay oo uga firfircoonaatay sidii ay markii hore ahayd ee
lagu yaqaannay. Wuxuu yeeshay saamayn aan hore looga baran. Hab saddexaad ayaa
soo baxay. Basaasnimadii waxa ku soo kordhay hab kale oo cusub oo basaasnimo
ah, habkaa cusub ee basaasnimada ku soo biiray waxa uu ahaa in ay aqoontii ku
milantay basaasnimada, oo basaasnimadii la aqooneeyay! Waxaa qarnigan Kow iyo
labaatanaad soo cusboonaaday oo soo baxay aqoonyahannno iyo xeeldheerayaal wax
soo ikhtiraaca oo soo kordhiya, se basaasnimadii aqoonta hoosgaliyay. Arrinta
khatarta ahi waxa weeyi in basaasnimadii laga helo meelaha khatara ah ee
xasaasiga ah adduunyadiina ay dhexqaadday basaasnimadu. Aqoontii iyo
basaasnimadii isku milmay waxa ay keeneen in hab cusub oo sirta loo helo la
ogaado, iyo in waqtiga sirta la ogaanayo aad loogu dhugyeesho.
Buuggan, waxa uu qoraagu ku qaadaadhigayaa basaasiintii ugu
layaabka badnaa basaasiinta Qarnigan Kow iyo Labaatanaad ee fashilmay, markii
la qabtay sida ay noqdeen, iyo sida doonistoodii loo xaddiday. Basaasiinta
qarnigani lama mid aha kuwii hore. Way ka halis badanyihiin, way ka
maskaxbadanyihiin oo kaga awoodbadanyihiin kuwii hore dhinaca wax
ikhtiraacidda, galaangalka, iyo helidda xogaha iyo siraha.
Inkasta oo adduunyadu horumartay, warashado la sameeyay, oo
Tiknoolajiyaddu meel heersarraysa marayso qarnigan kow iyo Labaatanaad; balse, basaasnimadu waxa ay ka midtahay
arrimaha laga gungaadhi waayay oo lama awoodin in laga gungaadho, ama halkii la
rabay laga gaadho waqtiga ku habbooon arrimaha la xidhiidha sirta, xogaha
xasaasiga ah, iyo warerka xiisaha leh ba.
Qarnigan aynu hadda noolnahay waxa uu la kawsaday oo soo
jira noocyo badan oo basaasnimo ah. Basaasnimadaa cusub waxa ka mid ah “
Basaasnimada go’aannada siyaasadeed. Basaasnimada Tiknoolajiyadda iyo aaladaha
cusub. Basaasnimada Internetka iyo Shabakadaha. Basaanimada Bangiyada iyo
Keydadka lacagta IWM.” Waxa kale, oo sii
jirta isaga oo adeegsanaya lacagta, iyo galmada ama dumarka jidhkooda lagaga
ganacsado ee wax waydaarsada.
Basaasiinta aynu soo qaadan doonno waa kuwii bilowga
qarnigan la qabqabtay ee fashilmay. Badankoona waxaa la qabtay sannado badan ka
dib markii ay in badan wax basaasayeen ee xogo gudbinayeen. Qaabka loo qabtay
waa qalad xaggooga ka yimid ( xeeladda oo ay qaldeen), iyaga oo sameeyay qalad
ayna u kasin, ama iyaga oo uu basaas ay aamineen oo saaxiibkood ahi basaasay,
IWM. Waxa ay ka simanyihiin waxa weeyi in dhammaantood ay faraha kula jireen
arrimo basaasnimo, muddo badanna ay arrimo basaasnimo ka shaqaynayeen.
Saamayntaa ay yeelatay basaasnimadu waxaa sababay xukunnadii
iyo maammuladii waqtigaas jiray. Maammuladaasi iska dhigayay inay dan shacab ka
shaqaynayaan iyo inay danta dalka ilaalinayaan iyaga oo aan kala garanayn qofka
khaa’inka ah iyo ka daacadda ah! Markaas ayuu basaaskii noqday qof ka mid ah oo
kaba tirsan, kuna dhex jira.
Inta aynaan eegin shabakada iskuxidhan ee Basaasnimada ee la
ogaaday inta lagu jiro qarnigan Kow iyo labaatanaad, waxa aynu cayimi duruufta
iyo lebbiska isla baddelay fahankii laga haystay basaasnimada soojireenka ahayd
ee dhacday waqtiyadii dhexe gaar ahaanna dhammaadkii qarnigii kan ka horreeyay.
Waxa kale, oo aynu ogaan doonnaa shikiyada cusub, iyo kaartooyinka ay ku dhuuntaan
basaasiinta qarnigani.
Qarnigani waxa uu la bilaabmay oo la kowsaday dhacdooyin
badan. Bilowgaba waxaa dhacay saddex dhacdo oo waawayn, oo ah sirta ugu wayn ee
ka danbaysa xaaladda ay dadku hadda ku jiraan, iyo waxa dadka haysta ee
dhibaatooyin iyo masiibo ah.
1-
Dhacdada koowaad, waxa
ay ahayd Tiyaarkii Masiixiyiintii oo
hoostagay Maamulkii Maraykanka oo uu xukunka u qabtay Buush. Buush oo ahaa nin
cunfi iyo cunsuriyad hadhaysay ayaa aragtidiisa adduunka u kala qaybiyay laba
qaybood. Qayb Maraykan iyo Israa’iil la jirta, iyo qayb kale oo ka soo
horjeedda oo la col ah. Cidkasta oo ka soo horjeeddaana waxa ay ahayd cadaw iyo
dad aan qiimo lahayn. Maraykan iyo Israa’iil waa dhinac, halka Iiraan iyo
waddada la jaarka ah ee Carabta ahina ay safkale ahaayeen. Cidkasta oo Maraykan
cadaw ku ahi Isaa’iil ayay cadaw ku tahay. Xulafo ayay ahaayeen, waxayna rabeen
inay Khariidadda Bariga Dhexe meesha ka saaraan.
2-
Dhacdada labaad, waxa ay
ahayd dhacdadii Sirihii Mataanaha ee lagu qarxiyay Maraykan bishii Semtenber
Sannadkii 2001dii. Qaraxan waxaa ka danbeeyay ururka Al Qaacida, se wuxuu
noqday wax uu Buush marmarsiiyo ka dhigto. Waxa kale, oo la sheegaa inuu ahaa
marmarsiiyo la rabo in lagu qabsado ilaha awoodda adduunka, iyo in la daciifiyo
awoodda kuwa wanaaga u dagaallama.
3-
Dhacada saddexaad waa
mid ka dhalatay labadaas dhacdo ee isbarkan, waana ta la yidhaa ‘ La
dagaallanka Argagixisda’ waa kalmad iyo weedh dhab ah, se Maraykanku qaab baaddil
ah u adeegsado, meel aan meesheedii ahayna u adeegsado.
Saddexdaas dhacdo ee waaweyni waxa ay dhaleen oo ka
danbeeyeen laba dagaal oo waaweyn oo dhacay sannadihii ugu horreeyay ee
Qarnigan Kow iyo Labaatanaad. Labadaad dagaal waxa ay ahaayeen: Dagaalkii lagu
qaaday Afgaanistaan, iyo dagaalkii lagu qaaday Ciraaq. Dagaalka Afgaanistaan
lala galay waxaa loo soo maray in ay Daalibaan joogto dalka, iyo in lala
dagaallamayo Usaama Billaadin oo uu Qaraxii Siraha mataanaha ee Maraykanka ku
luglahaa oo fuliyay. Markii uu Maraykanku galayna waxaa loo arkayay inuu kula
dagaallamayo dagaalkii Al Qaaciida.
Dhinaca kale, marka aynu eegno Ciraaq, arrinta Ciraaq gebi
ahaan ba way ka duwanayd kuwa kale, oo Caalamku wuxuu ogaaday in arrintu ayna
ahayn in argagixiso lala dagaallamayo ( sida Ruushku sheegay ee gabbaadka ka
dhiganayo), se ay ka gundheertahay oo ay
tahay qorshe uu Maraykan ka danbeeyo oo waqti hore la dejiyay, oo ay isku
dayayaan shirqoolladooda shaydaaniga ah ee ay Bariga dhexe ka wadaan, Muslimiintana
ku dhibayaan inay ku qariyaan, oo ay rabaan inay dhulkooda qabsadaan,
hantidoodana ku tasarrufaan, maamulkoodana hoosgeeyaan Maraykan iyo Israa’iil.
Markay xaaladi halkaa marayso, ee labadaa dhacdo ee waaweyna
ay jiraan waxa gebi ahaan ba isbeddelay fahankii laga haystay basaasnimada,
waxaana soo baxay basaasnimo ugub ah oo lagu magacaabay ‘ Basaasidda go’aannada
Siyaasadeed.’ Waana kuwa qorsheeya ee go’aamiya dagaallada dhacay, iyo
Istaraatijiyadda ay u dhacayaan. Waa nooc ka mid ah basaasnimada caalamku waayadan
la kowsaday.Waxaa bilaabmay in qolaba dhegaysato qolada kale ee ka soo
horjeedda ee ay is hayaan, Waxaa bilaabmay in la dhinaca hawada la iska basaaso
oo telefoonnada lagu wada xidhiidhayo la basaaso. Waxaa la basaasay waxa
dhexmara Madaxweynihii Maraykanka Buus, iyo saaxiibkiisii dagaalka Mudane Tooni
Balayr oo ahaa Raysalwasaarihii Ingiriiska, oo ay arrimo sira ka wada
hadlayeen. Waxa iyadna arrin caadiya ahayd in Buush dhinaca xidhiidhka iyo
telefoonnada ka basaaso Xoghayihii Guud ee Qaramada Midoobay waqtigaa mudane
Koofi Anaan. Waxa kale, oo iyadna arrin dabiiciya ahayd in la basaaso golaha
Sare Ammaanka si dib loogu ajandayaasha ay rabaan inay mustqabalka ka hadlaan,
marka la dareemo inay rabaan ka hadlidda arrimo xasaasiya oo sida dagaallo oo kale.
Saaxaddii Basaasnimada iyo sirdoonka waxaa ku soo biiray
arrimo cusub oo ugub ah, kuwaasi oo ah in xataa Madaxdu wax basaasto, oo
telefoonnada iyo kaartooyin kale wax ku basaasaan. Habka ay werka ku helayaan
ama amarrada ku bixinayaan ma ahayn mid toos ah oo la fahmi karo, sida ay
samayn jireen Tony Blair kii Ingiriiska ahaa, iyo Koofi Anaankii Qaramada
Midoobay haystay marka ay wax basaasayaan. Sidoo kale, waxaa isna wax Basaasi
jiray Madaxweynihii Maraykanka Mudane Buush, oo Buush wuxuu soo dirsaday Dhakhtarad Maraykan ah
joogta oo asal ahaan Ciraaqiyad ah, si ay ugu soo basaasto Saddaam Xuseen
waxyar ka hor intii aannu Maraykanku duulin Ciraaq ku. Basaasadda Dhakhtaradda
ah magaceeda waxaa la odhan jiray Sawsan Xaddaad, waxa ayna ka shaqayn jirtay Dhakhtarka
Kaliiflaan! Waxa iyaguna jiray kuwa lacago badan ku qaata dhegaysiga, iyo
basaasidda hadallada madaxda.
Qoraagu buugga ayuu ku faahfaahinayaa, iyaga oo loo bixiyay ‘
Basaasiinta dhegaysiga, dabagurka madaxda.’ Madaxweyne Buush ayay wax ka
xadeen, ka dib markii ay gubeen xidhiidhadiisii gaarka ahaa, ee sirtu ugu
jirtay, waxayna ka qaateen farriimo.
Maadaama dagaalladan basaasnimadu si gaar ah u beegsanayaan
Muslimiinta iyaga oo fulinaya falal xun oo meelo kale laga soo agaasimay,
qorshayaal kalana wata, waxaa soo baxay nooc cusub oo Basaasnimo ah oo la
yidhaa ‘ Basaasidda Dhaqdhaqaaqyada Islaamiga ah.’ Weliba waxa si gaar ah loo sii basaasi jiray
dhaqdhaqaaqyada Muslimiinta sida hantidooda, bangiyadooda, lacagtooda iyo
waxkasta oo ay samaynayaan, halkaasn waxaa ka dhashay magaca la yidhaa ‘
Basaasidda Bangiyada.’
U jeeddada Basaasiddan loo sameeyay waxa ay ahayd in guud
ahaan Waddamada Muslimiinta laga ilaaliyo argagixisada, iyada oo loogu soo
gabbanayo ladagaallanka Argagisida! Eraybixin cusub ayaa kanna soo sameeyay
waxaa loo bixiyay ‘ Basaasiinta Al Qaaciida.’ Sida aynu kaga warrami Cumar
Naasiri oo sheekadiisu buuggan ku xardhantahay. Waxyar ka dibna aan halacsan.
Waxa iyadna jirta in ay isbahaysteen Yuhuudda iyo Maraykanku
oo ay basaaseen Kanada oo ay col ahaayeen. Halkaana waxaa ka soo baxay
basaasnimo cusub oo lagu magacaabay ‘ Basaasnimada Saaxiibbada.’ Waxaynta taasi caddaynaysaa sida Qarnigan
Basaasnimadu u noqotay mid aan kala saarayn oo kala aqoon ‘ Saaxiib/taageere,
iyo cadaw.’
Qarnigan Sannadihiisii hore waxyaabaha soo ifbaxay waxa ka
mid ahaa waxa lagu magacaabay ‘ Iibsiga Hubka Nukliyeerka.’ Oo ku xidhnaa ‘ Suuqa Madaw ee ka Ganacsiga
Hubka Nukliyeerka.’ Waxaa arrintaana
ibafur u noqday Hubyaqaankii waynaa ee Baakistaaniga ahaa Cabdiqaddiir
Khaan, waxsoosaarkiisa ka iibin jiray
ciddii lacag haysataba. Waxaa dadka ka iibsada ugu horreeyay Kuuriyada Waqooyi
iyo Iiraan. Markii ay hubka iibsadeen
aad baa loola dagaallamay labada dalba oo waxbadan ayaa la maslaxayay.
Qarnigan Sannadihiisii hore waxyaaabaha soo baxay waxa ka
mid ah waxa lagu magacaabay ‘ Basaasiinta Internet ka’ kuwaasi oo jabsada
Kombuyuutarrada, Shabakadaha Internetka, Wabsaydada , IWM. Kuwaasi oo keenay in
xogo la isdhaafsado.
Qarnigan Sannadihiisii hore waxyaabaha soo baxay waxa ka mid
ah Loollanka dhaqaale ee u dhexeeya Caalamka, gaar ahaanna Jaynaha iyo
Maraykanka. Loollankaasna waxaa loo yaqaan ‘ Basaasiinta Dhaqaalaha.’
Qarnigan Sannadihiisii hore waxyaabaha dhacay waxa ka mid ah
dilkii loo gaystay shaqaalaha iyo Basaasiinta sida ay markii koowaad sheegtay
Wakaaladda Sirdoonka Maraykanka ee ‘ SIA.’ Sida caada ahi waxa weeyi in
wararkan la qariyo oo aan la sheegin, se anigu badka ayaan keeni!
Akhristaha sharaftalahoow, buuggani waxa uu kaaga warramayaa
qisooyinka ugu caansan/wanaagsan ee ku saabsan Basaasiinta Qarniga 21aad. Wuxuunna muuqaallo cadcad oo khatara ka
bixinayaa waxyaabo hore looga warramin oo ku saabsan Caalamka basaasnimada!
Si guud buuggu waa intaa.
Gebagebo
Buuggu waa buug xiisa leh. Wuxuu qaadaadhigayaa qisooyinka
ugu caansan/wanaagsan ee ku saabsan Basaasiinta Qarniga 21aad. Wuxuunna muuqaallo cadcad oo khatara ka
bixinayaa waxyaabo hore looga warramin oo ku saabsan Caalamka basaasnimada!
Ciddii u baahan faahfaahin intaa ka badan waxa aan kula
talin lahaa inay buugga akhriyaan.
Dhammaad
Diyaarin: Cabdirasaaq Sandheere
Ogosto, 2020.
Boorama, Awdal.
Asc wll buugan wan ubahanahay ma iso dirikarta mahadsanid
ReplyDelete