Hagardaamada Tafaftirayaasha, iyo Qoraayada: Muunad Ahaan Sandheere



Wiil aan saaxiibnahay oo Burco deggan ayaa buug qoray. Buuggu mid aad loogu baahnaa oo khaanad bannaanbuuxinaya ayuu ahaa. Qoraaguna curdin ayuu ahaa oo markaa ayuun buu saaxadda ku soo biiray. Qoraagii cusbaa buuggii wuu dhammeeyay. Markay hawshii xaggiiisa ka dhammaatay ayuu u baahday qof la eegga oo ka tafaftira. Niman uu meelahaa Muuqbaahiyahay, iyo Faybuugga ku arkay oo nasiibku saaciday ayuu la xidhiidhay. Cinwaannadoodii iyo Telefoonnadoodiiba wuxuu raadiyaba, ugu danbayn wuu helay. Ninkii u horreeyay Ingiriiska ayuu deggannaa. Hawshiisii ayuu u bandhigay. Waqti ma hayo ayuu ku habarwacday. Kii labaad Hargeysa ayuu joogay. Wuuba u soo jawaabi waayay, Faybuugga ayuu farriin ugu diray, intuu ‘ arkay’ uun buu markii uu garanwaayay u jawaabi waayay. Kaanna halkaa ku dhaaf. Haddana mid magaale kale jooga, kiinna ma haleelayo ayuu yidhi. Haddana mid kale….. Illaa toddoba nin oo qoraalka uu isagu bidayay inay kaga soo horreeyeen markii uu marayay ee midna buuggii ka qabanwaayay, ayuu iska daayay. Aakhirkii buuggu wuu hakiyay, illaa intii uu qof u helayay.
Dhallinyarada wax qorta dhibaatooyin farabadan ayaa haysata; gaar ahaan waliba kuwa ku cusub saaxadda qoraalka. Dhibaatada ugu wayn waxa ay ka haysataa jihaynta, sixidda, waxsheegga, wacyigelinta, talada, iyo tafaftirka waxa ay qoraan.
Ma jiraan qorayaal hadda qofka waxqora waqti u hura oo sidii ay u sixi lahaayeenna waqtigeliya. Hadday jiraanna way yaryihiin. Qofkii saaxadda qoraalka ku cusbaa marka uu rabo inuu waxqoro, iyo marka uu qoraalkii bilaababa talo iyo tusaalayn ayuu u baahanyahay. Ta hore, wuxuu u baahanyahay qof u sheega inuu waxbadan akhriyo, oo siiya ilo iyo meelaha uu ka heli karo waxa uu akhriyayo. Markay inuu waxbadan akhriyo kula taliyaan, ilihii iyo meeshiinna siiyaan. Waxaa waajiba inuu qofkaasi tallaabooyinkaa raaco oo ka soo dhalaalo. Markuu intaas soo sameeyo ee uu soo fahmo qoraalku waxa uu yahay, iyo sida wax loo qoro, iyo tallaabooyinka la raaco; waa in talo kale la siiyaa. Illayn qofka waxbaa loo kordhinayaaye. Marka xigta, waa in talo ahaan loo siiyaa mawdduuca uu rabo inuu wax ka qoro inuu buug badan iyo meelo ka badan ka soo akhristo oo maskaxda ballaadhiyo. Markuu mawdduucaa soo diyaariyo ee meelo badan ka soo xigto, waa in talada taa xigta la siiyaa. Buugga waa in qofka laga qaado oo laga soo tafaftiraa. Waayo, haddaynu Soomaalinahay waxa aynnu aragnaa qof aan waxba ka aqoon qoraalka oo leh ‘ Inaan wax qoraan rabaaye I caawi’─kaas ayaan hadda ka hadlayaa, maadaama aynnu madalaha iyo meelaha lagu kulmo isku canaananno ‘ Bulsho aan waxba qorin oo afka uun ka hadasha ayaynu nahaye aynnu wax qorno oo hadalka qoraal ku darno.’ Feker ahaanse, waxa aan aad u taageersanahay in qofku waxqoro markuu xog badan hayo, waxa uu qorayana bulshadu baahi u qabto, lagana faa’ideysan karo. Balse, kama soo qaad, qofkii oo aan xirfadda qoraalka waxba ka garanayn ayaa yidhi, waxbaan qorayaa. Markaa caawin badin ayuu u baahanayaa. Taasaan ka hadlayaaye ila soco, haddaba.
Halka ay laxdu u dhimatay waa halkaa ‘ Tafaftirka’ waa meesha la isku dhaafay ee qoraayada cusub ku kala hadhaan. Buugga nin u hagarbaxay uu tafaftriro wixii uu fahmi waayana qoraaga uu ku celiyo, iyo buugga aan si fiican loo tafaftirin ee qoraagii ugubka ahaa sidiisii loogu celiyay meel ma wada maraan. Qoraaga cusub waa meesha lagu dhaliili karo buuggiisa. Marka aynnu halkaa joogno, dhaliisha waynnu ka koryeellaynaa qoraaga weli saaxadda ku cusub ee buugga oo TAFAFTIRAHA ayaynnu dhaliisha saaraynnaa. Waayo? Dee tafaftiraha waajibkiisa koowaad waa inuu saxo wixii qoraagu qorey, misana saxartiro. Wixii u fahmi waayana qoraaga qalincas u mariyaa oo dib ugu celiyaa, markuu dib ugu celiyo haddii qoraagu qaato qaladka dib ula saxaa. Hadday, aragti tahay oo uu arko inay qoraaga la saxantahay, balse ay aqoon ahaan ama caqli ahaan qaladtahay waa inuu qoraagana u sheegaa, misana saxaa. Haddii uu qoraagu meelo xigashada ilduufay waa inuu u sheegaa, oo la raadiyaa ilihii uu ka soo qaatay, ( Xasuusnoow, oo qoraagu waa socodbarad saaxadda ku cusub, oo aan waxyaabo badan oo muhiim u ah xirfadda qoraalka aqoon). Haddii ay waxkale qaldayihiin waa inuu qoraaga la eegaa. Haddii kale miyaa waa inuu wixii buuggaa ka qaldan ba saxaa. Waayo, waa masuul iyo aammin buug dhan lagu aamminay.
Haddaba masuuliyadda intaa le’eg dad baa dhayalsada oo aan waxba ka soo qaadin! Waa dhibaato aad u wayn in qof aad wax ku aammintay, ama inuu ku saxo aad u dooratay uu ku baraarujin waayay oo waxba kaaga soo noqon waayeen.
Sidoo kale, inta aan tafaftirba la gaadhin. Qofkii qoraaga ahaa ee waxqoray wuxuu u baahanayaa cid buugga la eegta oo la indha’indhaysa ama la talisa. Kuwii kaga horreeyay ‘ Biin’ bay gashanayaan oo way iswada nasakhayaan ‘ Waqtigaa igu yar…. Waayahan waqti ma hayo….. Buuggaasi time uma hayo….’ Iyo hadaltiraallooyin aan sidaa u sii ridnayn ayay la imanayaan. Waa dhibaato aad u wayn. Dadka noocaas u hadla ee dhallinyarada waxqorta ‘ Waqti ma haynno’ ugu habarwacdaa, marka ay ‘ Fagaarayaasha’ joogaan siday u hadlaan malayn maysid; ‘ Waxa aan diyaar u ahay inaan qoraayada raba inay waxqoraan caawiyo..’ Nacallaa caawintaada ku yaal, afqashuushlayohow! Waa dad aad u beerlaxawsi badan markay dadka iskadhisayaan, marka aad la kaliyaysato ee aad horfadhiisatana wax kale ayay kuula imanayaan. Markaa labo weji bay leeyihiin; Mid fagaarayaasha ah, iyo mid marka ay runtu runta gaadho ah!
Sidoo kale, inta badan iyaguna waxa ay tixgeliyaan wejiga. Qofka aynna garanayn inayna waqti hayn ayay ugu jawaabaan. Inta badan afar qof oo nasiibku saaciday inay caan ku noqdaan xagga qoraalka ayay u tafaftiraan.
Hadalka oo kooban tafaftirayaashu ama Qorayaashu waa; dad markay bulsho la hadlayaanna hadal macaan ku hadla, marka ay dhabtu dhabta gaadhana ku meeraysta waqti ma haynno iyo wax la mid ah.
Waxa laga yaabaa inaad isleedahay Sandheer ma waxbuu iska maagayaa? Muuna wax caddayn ah haynnin. Ila eeg tusaalahan kooban ee aan goobjoogga u ahaa:
Bilowgii sannadkii 2017kii, aniga oo Form 4 ah ayaan buuggii ugu horreeyay qoray. Kollay waan istuhmay oo waxbaa igubayay, uguna waan ahaa oo waa markii iigu horreysay ee aan ku dhiirrado inaan buug qoro. Buugga sannadkii 2016kii ayaan bilaabay. Waxbadan kama aqaan habqoraalka iyo xeerasha u yaalla qoraalka Akaademika ah; iyo shuruudaha qoraalka. Sidoo kalana, waxbadan kama fahansani shuruudaha uu leeyahay qoraalku iyo shuruudaha qoraaga laga rabo. Markaa aqoon badan uma lahayn qoraalka iyo sharciyadiisa. Alxaasil, waan ku cusbaa saaxadda qoraalka. Qof meel ku cusubna ka filo inuu LAYNBOODI doono, oo qalad badan gelidoono, haddii uuna lataliye ama Tafaftire daacada helin.

Intii aanan bilaabin ayaan talo ururin sameeyay, qoraayo badan ayaan la xidhiidhay. Walow aan talooyin yar oo hagrasho la socoto ka helay, haddana wax sidaa u sii buuran kama helin. Buuggii kalsoonibaan ku bilaabay, oo marka horaba aniga oo qabyo ah weligii nin dadka isku xidha ma ahayn. Buuggii aniga oo wada ayaan dhawr nin oo kale la xidhiidhay. Qaar markii aan bilaabayay buugga ayaan usii sheegay, kuwa kalana aniga oo dhexda maraya. Waxa aan u sheegay inaan buug wado, aanan rabo inay ila eegaan. Markii koowaad hadallo macaan ayay igula jiibiyeen ‘ Waad dadaalaysaa… wad hawsha…..Halkaa ka wad…..’

Markii aan dhammeeyay buuggii, ee xaggayga uu ka idlaaday; talooyin qof igaga horreeyay qoraalka iyo tafaftirna aan u baahanahay, ayaan rag badan oo xagga qoraalka aan ku tixgelin jiray la xidhiidhay. Ku dhawaad illaa 8 way ahaayeen. Qaarkood waqti ma haynno ayay igu yidhaahdeen, qaarna way i yeeleen. Kuwii waqtiga ma haynno lahaa waan iska dhaafay, kuwii kale waqtigii tafaftirka ayay igu badiyeen oo kii ugu yaraa bil ayuu yidhi. Qushiye waan u dhiibay, illayn anaa baahane. Kuwii iga qaaday oo illaa 5 qof ahaa way isoo celiyeen. Hal talo oo buuggu dhaliil ku yeelan karo misana i anfacda iimay sheegin! Miyay hagradeen? Mooyi.
Waqtigaa awood qoraalleed oo aan dhaliisha buugga ku soo saaro malahayn. Iska socodbarad ayaan ahaa. Buuggii aniga oo la ashqaraarsan oo is leh 5 qoraa oo qoraalka aad u yaqaan ayaa tafaftiree daabac, ayaan daabacay.
Buuggii markaan daabacay, ayaan rag badan la sheekaystay buug badanna akhriyay. Ceeb inuu leeyahay buuggaygii ayaa isoo baxday. Ceebtu waxa ay ahayd in ‘ Xigashada buugga’ aan qaab qaldan oo Akaademik aan ahayn, misana dadka aan xaaladda qoraaga iyo tafafirayaashaba la socon ay is odhan karaa ‘ waa xatooyo’ ayaa soo baxday. Aniga se garashola’aan iga haysay markii hore waxa aan moodayay inay saxtahay qaabka aan u qorey xigashadu. Qoraal aan Websayd ka helay, aniga oo aan la socon ‘ Ilaalinta xuquuqda’ ayaa ku jiray buuggayga. Ninka maqaalka qorey ayaa buug uu soo saaray ku daray maqaalka oo malaha si taxane ah uu ugu qori jiray Websaydkaa aniga oo weli aynna aad iiga dhaadhicin ayay rag akhriyay ila soo xidhiidheen. Alxaasil, buuggii ceebtiisii waalla isla wada arkay oo intii qoraalka wax ka taqaannayba way ila aragtay. Aniguna ugu danbayn qaladkii waan soo saaray, oo waan arkay. Waxa aan ogaaday in farqiweyn u dhexeeyo maalintii ay TAFAFTIRAYAASHU igu lahaayeen waa saxe daabac, iyo maanta oo aan anigu dib TAFAFTIRE uga noqday waxbadan oo la hagradayna hagaajiyay. Waa kaaf iyo kaladheeri.
Buuggii dib baan u saxay, meeshii uu ceebta ka lahaanna waan saxay. 

Maalintaa dabadeed, waxa aan bilaabay inaan barto habqoraalka toolmoon oo aan noqdo ‘ Qoraa Madaxbannaan’ oo aan cidna ku tiirsanayn, cidna tafatirka u gaysan, qofna ku xidhnaan, qoraa kalana aan bil dabasocon oo buug uu tafaftir ku sheego aan u dhiibin. Kuwii aan berigaa habqoraalka u dabafadhiisan jiray ee qaarkood waqti ma haynno iigu habarwacdeen, qaarna qaladka i galiyeen; waan ka maarma. 

Cabdirasaaq Sandheere

Dec 20, 2018

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?