Ilaalinta Xuquuqda Dhuldifaacdo Nonhle Mbuthuma!




NonhleMbuthuma, waxaa soo waajahday khatar iyada oo isku dayaysa in ay ka joojiso shirkad Macdaneed oo rabta in ay Macdanta ka gurato dhulkeeda. Haddaba sabab, maxaa ay dawladdu u ilaalinla'dahay Nonhle?!

Nonhle, awawyadeed ayaa lahaa dhulkan oo ay kadhaxashay. [Hadal dhaxalgala ayay tidhi Nonhle oo ah]: “ Haddii aad qaadato dhulkayga waxa aad qaadatay sawracaygii.” Nonhle, iyo bulshowaynta ku dhaqan Bariga magaalada Capetown ee KoonfurAfrika, waxa ay u babbacdhigayaan khatar ay xataa u waayi karaan sheykasta [ Nafta], waayo, Shirkad Macdaneed ayaa rabta inay ka qaadato/la wareegto dhulkeedii.

“ Dhulkan Awawgay Hooyo ayaa lahaa, oo ka dhaxlay Waalidiintiisii. Maxaan carruurtayda uga tagayaa? Macdanqodiddu maaha doorasho/ikhtiyaar.”  Nonhle, ayaa hadalkaa [ku geeraartay!]

Nonhle, iyo xubno kale oo ka mid ah bulshadeedu ayaa gadhwadeen ka ah olole iskacaabbineed. Waxa ay aasaaseen ‘Amadiba Crisis Committee ’–si ay u mideeyaan dadka ku kala nool shan Tuulo, iyo in ay cadaadis diidnimo ah kala horyimaaddaan Shirkadda. Illaa hadda, Nonhle waxa ay si aan dhammaadlahayn, xadidnayn, ayay u difaacaysaa– wayna waxyeellowday.
Nonhle, waxa soo wajahday khatar dhab ah. Mid ka mid ah hoggaanka bulshada ayaa sannadkii 2016kii, la toogtay–misana dhintay. Nonhle, waxa ay iska soo qaadday inay ahaan doonto qofka ku xiga liiskaa isqudhbixinta. Balse, waxa ay go’aansatay in ay sii waddo dirirta difaacidda dalkeeda.
Dawladda Koonfur Afrika, ayaa dammaanad u haysata inay Nonhle ka ilaaliso dhibaatada iyo qaska. Balse, waxba kamay qaban.

Haddii aynnu isku tagno oo aynnu u midowno sidii aan u taageeri lahayn Nonhle; waa hubaal inaynu u horseedi xuquuqdeeda oo ilaashanta.



Cabdirasaaq Sandheere

Dec, 2018

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?