NIN MIYI KA YIMID, GABDHO MAGAALO MA DANEEYO!
Waa aroor hore oo hadda uun
cadceeddii soo boodey. Waxaa xaafadda lagu waabariistey in xaley lo’dii tuugi
dareersatey, oo ay kaxeystey. Hooyo Caasha, iyadu salaaddii waaberi ayey
tooostey, markey tukateyna waxa shiddey dabkii oo shaahii ayey karisay, illaa
ay maqashey hadalka Aabbo Geelle, mooyaane. Aabbo Geelle isaguna wuxuu u kacey
salaaddii waaberi, balse, wuxuu tagey beerta oo uu dacawada iyo xayawaannad
cadceed soo boodka cuna uu ka ilaalinayey. Markuu beertii soo eegay ee uu
xayawaannaddiina ka eryadey, ayuu xagga reerka u soo kacey, markuu yimid ayuu
is maqli waayey ci’dii sicii Boorre, uu arroorta hore ku dhufan jirey,
markaasuu xagga xerada lo’ada oo aan xerada geela ka fogeyn tagey, misan wayba
madhantahay! Baabah. Aabbo yaab oo fajac afka gacanta saar. Markaasuu Hooyo
Caasha oo buulka joogta u dhawaaqey: “ Caashaay?”. Hee. “ Lo’dii way
maqantahay?” “Yaa maqantahay aa?” Intey soo kacdey “fukuc” ayey intaa tidhi.
Dabadeed xeradii timaddey, iyadna yaab afka gacanta galisay! Markaasuu jaarkii
ku soo ururey. Anigu waxa aan hurdey adhiga hortiisa, markaan soo toosey waan
yaabey oo buuqii iyo sawaxankii ayaan la yaabey oo waxan dhacey ee baas ayaan
garan la’yahay wuxuu yahay. Markaan soo toosey ayaan la ii sheegay waxa dhacay.
Markaasaan anna intaan dig iska dhigey idhi: “ Aabbo halkeen ugu hagaagnaa, aan
soo raadinno lo’dee?” Markaasuu Aabbo yidhi: “ Waynnu is raaciye aynnu
qureecanno”. Markaasay Hooyo soo boodey oo ay tidhi: “ Ee maxaydun qureec ku
fali, orda oo lo’dii innoo doona”. Markaan intaa iswayddarsannay ayaan idhi
aynnu dhaqaaqno. Aabbo ayaa haye yidhi. “Xaggeen ugu hagaagnaa?” ayaan idhi.
Aabbaa yidhi “ Malaha wuu ba iib geeyey hadduu doono! Mooyi, malaha wuu ba la
dhuumanayaa! Malaha… Malaha….
Markaannu intaa is
wayddaarsannay, ayuu Aabbo igu yidhi aynnu is qaybinno oo aduu magaalada tag oo
ka soo eeg in uu sayladda ku iibinayo, ama in uu saaka horey u iibiyey, oo bal
warreyso kuwa wax iibiyana. Anna xaggan iyo kaymaha ayaan mari oo waxa aan soo
eegi in uu meelahaa ku eegayo, iyo in kala e, reeraha iyo tuullooyinkana waxa
aan soo wayddiin in uu nin lo’ wadaa halkan soo marey. Haye ayaan Aabbo ku
idhi, waannan kala dhaqaaqney.
Annigu xaggaa iyo magaaladii
ayaan u holladey oo waxooggaa noo jirta. Markaan xaafadda ka baxey illaa 7dii
subaxnimo ayey saacaddu aheyd, waliba bilaa qureec, ayaann ahaa. Waan socdey,
intii aan sii socdey waxyaabaha layaabka leh ee aan arkey waxaa ka mid ah in
aan arkey beero waaweyn oo bilaa qodaal ah oo gafoobey, iyo xoolo idil oo ay
eegayaan carruur aan lagu aamini Karin oo illaa 4 jir ah! Taasina xaggayaga
laguma aqoon oo ceebbey aheyd.
Waayahay. Socdey…socdey, qajaf, qajaf, wax aan
socdaba waxa aan galey magaaladii aan ku tuhmayey lo’da ee aan islahaa ninku
wuu geeyey. Waqtigu waa 12:00 duhurnimo, markaan waxooggaa dhex socdey,
magaaladii, ayaan arkey gabdho badan oo iskuul ka soo dareeray, annigu waan
iska jaqaafiyey oo wax dareen ah, ma siin mana eeggin, iyagu wayba igu
mashquuleen oo waxa ay hoosta ka leeyihiin: “ Huunno kani muxuu ahaa? Xagguu
magaalada kasoo galey?” Midbaa tidhi: “ Huunno Yurub buu ka yimid!” Dhegta ayey
intaasi igaga soo dhacdey. Yurub waxa aan moodayey in ay uga jeedaan gabadh, oo
waan yaabey, “siduu qofku gabadh uga iman karaa?” Ayaan is wayddiiyey─illaa
beri danbe la igu yidhi waa Qaarad! Oo maqaaradan kuu garan, nin sayntii adhiga
iyo lo’du ku taal baan ahaye! Waan
socdey illaa haddana ay igu soo baxeen gabdho badan oo buug waaweyn sita, kuwii
haddaba saacad baan eegayey oo waaban ku amshquuley. Iyagu way ii huruufeen, oo
midbaaba tidhi “ Kani muxuu naga soo eegayaa, miyuu naga helay?” Markaasaan ku
idhi: “ Naa eegidda xoolo ma tihide, maxaannu kaa soo eegi ee kugu yaa la?
Xoolaha la iibsanayaa la eegaaye ma xoolaad tahay?” Intay xanaaqdey ayey tidhi:
“ Waar badawyohow dhulka aayar soco”.
Naa dhulka ma adigaa leh, xaggeed iskaga dhigasaa, naag la furey oo
ilmihii laga reebtay?” Aduu sidii aan iskugu booteynasay ayaan iskaga tagey, oo
mid baa ntuu inna mari yidhi maqaaxi igeeyey. Ammintu markey aheyd 2:00
Duhurnimo, ayaan sayladdii tagey. Ilaahay mahaddii waxa aan lam kulmey
lo’deydii oo ninkii iibiyey, oo gegada joogta. Markaasaan idhi “ Sawtan
lo’deydii!” Ninkii iibsadey ee gegada joogey ayaa yidhi: “ Lo’da adigu ma
lihide, waa la iga iibieyey oo anigaa leh”. Yaa kaa iibiyey” ayaan idhi. “Ninka
halkaa sii socda yaa iga iibiyey” ayuu yidhi, intuu nin sii socey farta iigu
tilmaamey. Waanka daba-ordey oo ninkii ayaan la Hadley, markuu I arkey ayuu orod
isqaadey, waan ka daba ordey, markaan waxooggaa eryaday ayuu ordi kari waayey
illeyn meeshu waa magaalo, waliba waa suuq, isna waa nin weyn e. Markii hore
wuxuu islahaa markaad oroddo wuu kaa hadhi oo wuxuu odhan magaalada ha ordin
waa lagula yaabiye. Balse, wuxuunna ogeyn in aanan waxaa ka xishoon, nin
xoolihiisii la dhacay baan ahaye. Markaan qabtey ayaan ku idhi: “ waar kaaley,
lo’da adiga xaley soo dareersadey saw maaha oo soo xadey?” Intuu indhaha
taagtaagey ayuu kala Hadley “ Yaa, yaaa, may, maya, aniga maah”. Intaan
dhirbaaxo qaadey ayaan mid geeljire ku dhuftey, waannan ku wadey, illaa niman
socdey waddada ay qayladiisii kusoo
leexdeen ayey iga qabteen. Markaasey yidhaahdeen “ Waar maxaad isku haysataan?”
waxaa aan nku xidhi “ Lo’ deydii ayuu miyiga kasoo xadey intuu xaley soo
dareeriyey, markaasuu sayladda ku iibiyey. Ninkan waan dilayaa, ama lo’deydii
ayuu keeni!” Nimankii ayaa yidhi: “ Inna mariya labaddiinuba aynnu jeelka
tagnee, iyada ayaa idin maxkamada idiin gudbin dabadeedna idin kala xukumiye”.
Waan dhaqaaqney, waxaannu tagney saldhiggii. Markaasay na waraysteen, waxaynna
ogaadeen I aan anigu garta leeyahay. Maxkamadda ayey noo gudbiyeen. Maxkamaddii
ayaa gartii gashey. Waxa ay ninkii ku xukuntey hal sanno oo xadhig ah, anna
lo’deydii ayey isoo celiyeen. ALxamdulilaah. Waan soo kaxeystii lo’dii, illaa
miyigiina waan iskaga carraabey. Masha Allah.
W/Q: Cabdirasaaq Sandheere
15-02-2018, Khamiis. Habeen
09:40-10:40
Comments
Post a Comment