Faallaynta Buugga “From Third World to First ~ Adduunyada Saddexaad illaa Ta Koowaad”
Hordhac
Buuggan la yidhaa “From Third World to First” waxa qoray Lee Kuan Yew. Waxa uu ka soo jeeday
oo ku dhashay dalka Singapore. Waxbarashada Dugsiyada waxa uu ku qaatay
Singapore. Markii danba waxa uu waxbarasho Jaamacadeed u tagay Dalka
Ingiriiska, waxa uu dhigtay London School of
Economics. Sharcigana
wuu bartay, oo Jaamacadahana wuu ka dhigay, xarumo kala duwanna wuu kaga
shaqeeyay.
Siyaasaddii dalkiisa ayuu soo galay.
Xisbiga la yidhaa ‘ People's Action
Party’ ayuu aasaaskiisa wax ku lahaa sannadkii 1954kii. Lee, waxa uu ahaa Raysalwasaarihii
Dalka Singapore intii u dhexaysay 1959 illaa 1990.
Qoraa Lee, waxa uu ahaa hoggaamiye
dalkiisa horumar baaxadle gaadhsiiyay. Oo Singapore sannadkii uu maamulayay
ayuu horumarkan ay hadda haysto gaadhsiiyay. Dalka meel hoose ayuu ka soo
qaaday, meel sarana wuu gaadhsiiyay. Sidoo kale, waxa uu ahaa qoraa wayn oo
buugaag kala duwan qoray. Buugta kale, ee uu qoray waxa ka mid ah “The The
Wit and Wisdom of Lee Kuan Yew and One Man's View of the
World” oo uu sannadkii 2013kii qoray. Iyo ‘Keeping My Mandarin
Alive’ oo 2005tii uu qoray. Buugta uu
qoray waxa ay ka warramayaan horumarka dalkiisa ee uu u joogay.
Qoraagu, waxa uu dhintay sannadkii 2015kii. Sababta uu dhintayna waxa
ay ahayd oofwareen. Waxa uu ku dhintay dalkii uu ku dhashay, ka soo jeeday, uu
muddo badan maamulayay ee Singabuur.
Buuggan “ From
Third World to First”, waxa uu ka koobanyahay 739 bog. Waxa uu qoray sannadkii
2000. Waxa uu kaga warramayaa dalkiisa Singabuur sooyaalkeeda, gaar ahaan intii
u dhexaysay 1965kii illaa 2000. Oo isagu intii ugu badnayd uu Raysalwasaare ka
ahaa. Waxa uu buugga aad ugaga warramayaa SIRTA keentay in SINGABUUR oo ku
jirtay adduunyada 3aad ay noqoto oo ku biirto adduunyada 1aad.
Singabuur, waxa ay ka go’day dalka Maalaysiya. Gobol ka mid ah ayay
ahayd. Markii uu go’ayay wax kheyraada iyo wax horumara toona ma lahayn.
Waqtigii hore waxa gumeystay Ingiriis. Muddo farabadan ayuu xukumayay oo
maamulayay Lee. Waxa uuna Lee ka mid ahaa dadkii aasaasay. Lee, waxa lagu
naanaysaa ‘ Aabbihii Singabuur.” Horumarka maanta isaga ayaa gaadhsiiyay.
Siraha ka danbeeyay horumarka si kooban
ayaynu uga warrami.
Nuxurka
Buugga
Qoraagu buugga saddex qaybood oo
waaweyn ayuu u qaybinayaa. Saddexda qaybood, labada ugu muhiimsan aynu si
kooban u dulmarno:
Qeybta koowaad, qoraagu waxa uu ladh
uga dhigayaa “ Helidda Xuquuqda Aasaasiga ah.” Qeybtan waxa uu aad ugu
dheeraanayaa xuquuqda aasaaska ah ee dadku dalka ku leeyihiin. Waa waajib
in dadku helaan xuquuqdaa. Marka
xuquuqdaas ay dadku wadahelaan ayaa waxkale loo gudbi karaa.
Xuquuqda uu qoraagu kaga warramayo
waxa ka mid ah:
1-
Caddaaladda oo la ilaaliyo.
2-
In sharciga la xaqdhawro.
3-
In fekrad cabbirka la ilaaliyo.
4-
Xaqa bulshada oo si siman loogu adeego.
Horumarka ay Singabuur gaadhay, iyo
sababta ay adduunyada saddexaad oo ay ku jirtay uga baxday ee ta koowaad u
gashay waxa ay ahayd xuquuqda aasaasiga ah oo ay ilaalisay.
Qeybta 2aad, qoraagu waxa uu ladh
uga dhigayaa “ In dalku xidhiidh ama meel raadiyo- gobol ahaan iyo caalami
ahaan ba.” Halkan qoraagu waxa uu ku xusayaa in dalku xidhiidhka, iyo
iskaashiga uu la leeyahay waddamada badiyo. Weliba in dalku lookalnimada iyo
meelaha dhawdhaw ka baxo, oo meelo sare hiigsado oo la xidhiidho.
Qaybtan, dalku waxa uu ku hammiyi
karaa oo samayn karaa, loona baahanyahay inuu sameeyo marka uu qaybta hore ee
ah ‘ Helidda Xuquuqda’ uu sameeyo. Dal aan muwaadiniinta xuquuqdoodii ilaaline
adduunyada xidhiidhkeedu waxba u tari maayo. Waa waqtilumis uun.
Qoraagu, waxa uu tusaalayaal badan u
soo qaadanayaa dalkan uu ka warramayo ee Singabuur sida uu xidhiidh waddamada u
dhaw ee la gobolka ah, iyo kuwa ka dhaadheer ee caalamiga ah ba ula samayn
lahaa. Singabuur, waddamada uu qoraagu xusayo ee ay xidhiidhada la samaysay
waxa ka mid ah dalka Maalaysiya, Jabbaan, Jayna, Taywaan, Induunisiya, Filiibbiin,
IWM.
Waxa xusid mudan in Singabuur, ay
xidhiidh iyo wadashaqayn la yeelatay dalkii ay ka go’day ee Maalaysiya.
Maxaynu
ka qaadan karnaa Buugga?
1-
In shacabka la jiheeyo.
2-
In sharciga la ilaaliyo.
3-
In dadka la mideeyo.
4-
In hoggaamiyuhu garto cidda uu la shaqaynayo, ee uu
ummadda wax ugu dhiibayo.
5-
In hawl badan la qabto, oo hadalka la yareeyo.
6-
In wasaaradda arrimaha debadda, iyo xidhiidhka
debadda dalka la wanaajiyo.
7-
In hoggaamiyuhu qorsheyeesho.
W/Q: Cabdirasaaq Sandheere
Boorama, Awdal
May 13,
2020.
Comments
Post a Comment