Ashqaraar!




Hooyaday marwalba waxbay iga qarisaa. Anna had iyo jeer waxa aan isku dayaa inaan ogaado ama helo waxa ay iga qarinayso. Tuulada, meelwalba oo aan doonno in aan tagno ama shaqo u aadno dadku way I tilmaamaan oo way igu sheekaystaan iyaga oo sheegaya in aan ahay wiil nasiibxun. Marka aan intaa hooyaday u sheego si aad ah ayay u oydaa, waxaynna I wayddiisaa waxa aan bartay!
Waxa aan ku idhaahdaa ‘ Waxba.’ Dabadeed hab ayay i siisaa (laabta ayay I galisaa) waxaynna ii sheegtaa inaanan qofna rumaysan. Markasta oo ay ii sheegto shey’yadan, aad baan u cabsadaa; waxaanan u dammaanadqaadaa inaanan qofna rumaysan. Maalin baan arkay Aabbahay oo Hooyaday la dagaallamaya, kuna dagaallamaya lacag ay ani igu kharashgaraysay. Wuxuu ku eedeeyay inay tahay gabadh xun. Sidoo kale, wuxuu ku eedeeyay inay qaadatay inay qaadatay ilme ay hooyadii iska tuurtay ama iskaga tagtay. Maalintaa waxa aan ogaaday markii aan jiray saddex bilood in hooyadaydii saxdii i tuurtay; oo hooyadan aan la qabsaday ay guri i siisay iyada oo aan cidina taageero ku siinnin. Markii hooyaday ogaatay inaan ogaado sheywalba; aad bay u oyday! Gacmaheega ayay igu qaadday waxaynna ii sheegtay inay hooyaday tahay, oo aanan marlabaad aanan qofna rumaysan. Toban sano jir uun baan ahaa markii aan fahmay in aan dhibaato ku hayo Hooyaday. Kaliya, waxa aan fahmay in qof walbaa iga aaminsanyahay inaan ahay wiil bilaa nasiib ah. Maalmo yar ka dib markii arrintaasi dhacday tuuladii baan ka qaxay.

Markii aan magaalada tagay, toban sano jir ayaan ahaa. Meeshanna dadkeega iyo naftaydu qariib bay isku ahaayeen. Aniga oo ooyaya oo kali ah oo fadhiya Biriij dushii, ayaa waxaa ii yeedhay iina oggolaaday inaan la seexdo, Falan, Sumon , iyo Jewel. Habeenkii koowaad intii lagu jiray aad baan u ooyay, qofna igama joojin, qaarbaaba se ila ooyay. Kama ooyayn Hooyadii i tuurtaye, waxa aan ka ooyay Hooyadayda aan ka maqannahay daqiiqad kasta.
Xataa hadda Sikinkan la joogo ayaan seegay oo ka maqanahay. Ma illaawayo, had iyo jeer wadnahay igaga taal. Sannadkasta waan booqdaa. Qof kale ma jecla inuu I arko, iyada mooyee. Marwalba oo aan guriga galo, Ammu waxa ay ii qabataa sidii in aan ahay ilmo yar. Waan khajilaa, waxaanan u sheegaa in aynna aad ii jeclaan. Ugu danbayn aad bay u oydaa, waxaynna ii sheegtaa inta ay ii duceysay oo aan ka heli karo farxad iyo jaceyl. Waxa aan u sheegaa inaan jaceyl igu filan ka helay. Waxa aan leeyahay saaxiibbadan aan sidayda oo kale cidna haysan. Meel baan wada joognaa, waxna waan wada helnaa, maalintii waxbaan wada raadsannaa habeenkiinna waan wada seexannaa. Hadda qoys  kala saaxiibbo iyo xubno duwan ayaan leeyahay, qofna inaan u sheegno ma doonayno. Hadda annaga ayaa wadajirna, midkastoo naga mid ahina wuxuu haystaa jaceyl ku filan.

- Raju (17)
Waxa daabacday GMB Akash
Turjume: Sandheere



Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?