Faallada Buugga ‘ Samaha Islaamka’
Waa dhigane aad u kooban. Waxa uu ka
koobanyahay 66 bog. Waxa Af Carabi ku qoray Axmed Binu Yuusuf; waxaana Af
Soomaali u turjumay Mustafe Faynuus. Daabacadda asalka ahi muddo hore ayay
ahayd; balse ta Af Soomaaligu waxa ay soo baxday Abril, 2021ka. Waxaana
daabacday, oo faafisay Madbacadda Qalinmaal, oo ah Madbacad waayadan danbe
qaadhaan badan ku soo biirisay Maktabadah Soomaalida.
Buugyaruhu wuxuu xoogga saarayaa
wanaaga, iyo samaha Islaamka guud ahaan. Gaar ahaanna waxa uu soo bandhigayaa
meelaha laga eegi karo wanaaga Islaamka. Wuxuu tusaalayaal badan u soo
qaadanayaa samaha Islaamka. Waxa aan isku dayi doonaan in aan si kooban
nuxurkiisa u soo koobo, oo u guudmaro.
Nuxurka
Buugyaraha
Buugyaruhu wuxuu leeyahay habraacyo
la xidhiidha Islaamka. Habraacyada la xidhiidha Samaha Islaamka waxa ka mid ah
kuwan:
1-
Aragtida
Guud ee la xidhiidha Aadanaha, Arlada iyo Jiraalka: Diintan ma fahmayno wanaagyadeeda, lamana gaadhayo quruxdeeda,
illaa oo la gaadho aragtida guud ee arlada iyo jiraalka mooyaane. Intaas oo
keli ah maaha e waa in la gaadho aragtida ku jirta dunida, aakhirada, aadamaha,
iyo sababta ka danbaysay jiritaankiisa arlada. Garashada muuqaalka guud ee
Islaamka laga haysanayaa waxa ay baadhaha u fuduydinaysaa in uu fahmo aragtida
tiirarka uu ku joogo iyo qaacidooyinkiisa.
2-
Fahanka
Xaqiiqada Cibaadada ee Islaamka Dhexdiisa:
Samaha Islaamka lama garan karo illaa ay dhammaystirmaan fahanka laga haysto
xaqiiqada ku jirta ilaah Caabudka. Aragtida laga qabo cibaadaysiga Islaamka ee
ah in uu yahay falal iyo cadaadisyo ka madhan hoggaansanaan qalbi ah, isu
dullayn, iyo jaceyl Ilaahay loogu dhawaanayo, ama in uu yahay cabsi, baqasho,
anfariir, iyo naxdin aanay la socon jaceyl iyo rejo ama in uu yahay jaceyl,
gebagebo, kalgacayl aan haybad lahayn, hoggaansanaan iyo cabsi ilaaha la
caabudayo loo qabo, waxaas oo dhami ma keenayaan fahanka dhabta ah ee ku aaddan
qaddiyadda cibaadada ee islaamka dhexdiisa.
3-
Samaha
Islaamka ee KU Jira Xujooyinka: Waxa
ugu mudan ee joojiya qofka eegaya una fiirfiirinaya wanaagyada Islaamka, quruxdiisa,
wanaaggiisa, iyo dirsoociisu waa eegidda xujooyink sugaysa saxnaantiisa marka
la barbardhigo fekrad wal oo kaste oo ifka ka jirta.
4-
Caqiido
Caddaata Islaamka ee ku aaddan abuuraha:
Lama soo helayo dhaxal ummad ka mid ah dadyowga diinaha haysta oo ay ku jirto
waynayn Eebbaha loo sugayo iyo xumoxoorid iyo waxwalba oo aan u habboonayn sida
looga helayo Quraanka.
5-
Dheellatirka
Cusboonaysiinta: Dheellitirka,
dhexdhexaadnimada iyo garsooridda ay ku sifoobaan dadka xanbaarsan fekrado
cusub oo kuwii hore burburinaya waa arrin culus; sababta oo ah waajihidda
fekradaha duugoobay ee weli ay ku sii dhegganyihiin kuwii haystay iyaga oo og
kuwan ka soo hirjeedaa inay buriyeen iyo xilligii ku habboonaa qaadasheedu oo
laga gudbay, waxay qoladaa fekradda cusub sidaa ku qalqaalisaa marka ay
xaaladdani taagantahay buunbuunin ay kuwooda cusub siiyaan, sidoo kalana ay ku
talaxtagaan ka falcelinta fekrad iyo falkasta oo taas hore ku abtirsada.
Dhalliisha
Buugkasta oo la
akhriyaa waxa uu yeeshaa bogaadin iyo dhalliil isku sidkan, ama mid ahaan ba.
Buuggani bogaadin badan wuu mudanyahay, waanan bogaadinayaa sida wanaagsan ee
loo qoray, waxa aan se arkaa inay jiraan dhalliilo kooban oo dabcadda labaad in
la saxo ay wanaagsantahay. Waxa ka mid ah:
1-
Habdhaca
Turjumaadda jumladuhu aad iskuma haystaan: Marka aad u fiirsatid turjumaadda
buugyaha meelaha qaar u jeeddada looga jeedo aad uma fahmaysid, meelaha qaarna
maba fahmaysid. Waxa fiicnayd dhinacas fahanka akhristayaasha inuu qoraagu ka
soo dhaweeyo, oo uu turjumaadda soo yara dhaweeyo.
2-
Erayo
la ilduufay: Meelaha qaar waxa jirta eraygu qaldanyahay, taasina way dhacdaa,
se waxa aad mooddaa inay yara badanyihiin. Marka labaad ee la daabacayo waxa
aan soo jeedinayaa in loo fiirsado qaabka erayada loo qoray.
Gebagebo
Waa buugyare aad u kooban, balse
nuxur aad u ballaadhan ka warramaya. Mawduuc xilligan loo baahanyahay ayuu
qaadaadhigaya. Qofkasta waxa aan kula talin lahaa inuu jadwalka ku darsado oo
mar uun uu akhriyo.
W/Q: Cabdirasaaq Sandheere
09 May, 2021.
Boorama, Awdal
Comments
Post a Comment