Milicsiga Sannadkii 2021




Hordhac

In qofku naf ahaan u xisaabtamo, oo sannadka tagay wax iska wayddiiyaa waa muhiim. Waliba inuu qofku ogaado wixii u qabsoomay, iyo wixii ka qabyoobay saamayn wanaagsan ayay mustaqbalkiisa leedahay. In waqti tagay maxaa qabsoomay iyo maxaa qaldamay la iska wayddiiyaa horumar danbe oo amminta soo socota ah ayay keentaa. Qofku wixii ka qaldamay sannadka soo socda inuu saxo ayuu u xadhkaxidhanayaa.Sidoo kale, waxa ay keenaysaa sannadka soo socdana inuu u diyaargaroobo oo dadaal iyo halgan adag la yimaaddo.

Aniga oo taas ka duulaya, waxa aan rabaa sannadkan dhammaaday ee 2021 ka aan si kooban u sheego waxa aan dheefay, buugta aan akhriyay, qoraallada aan qoray, waxa aan bartay, turjumaadda aan sameeyay, magaalooyinka aan u safray,  iyo IWM.

Akhriska

 


Akhrisku waa caadadayda. Maalinkasta waxa aan jeclahay inaan wax akhriyo. Marka laga yimaaddo maqaallada kookooban ee aan baraha Bulshada iyo Baloogyada ka akhriyo, buug ii furan ayaan wax ka akhriyaa maalin walba. Caadada aan leeyahay waxa ay tahay inaan saacado badan akhriyo buugga, dadka daqiiqado kooban wax akhriya ma ihi, kuwa marka ay fadhiistaan saacado akhriya ayaan ku jiraa. Akhrisku xiiso gooniya ayuu ii sameeyaa, sannadkan dhammaaday ee 2021 na xiiso gaar ah ayuu ii lahaa. 

Buugaag badan ayaan akhriyay. Qaar ka mid ahi waa kuwan:

1-     Buugga la yidhaa “ Kaalinta Indheergaradka” oo uu turjumay Cabdicasiis Guudcadde ayaan akhriyay 11 Jannaayo, 2021. Waxaa qoray Edward W. Saed wuxuuna ahaa “ Representation of the intellectual.”

2-     Buugga la yidhaa “ Jirridda Baambuu” ayaan akhriyay, waxa qoray Sacuud Sancuusi, waxaa turjumay Maxamed Xirsi. 12-14 Jannaayo ayaan akhriyay.

3-     Buugga la yidhaahdo “ Maalinkii ugu danbaysay ee Jannada” oo uu Axmed Deeq Turjumay ayaan akhriyay 16-17 Febraayo, 2021.

4-     Laba Majallo Al Bayaan ah oo Af Carabi ah ayaan akhriyay.

5-     Buugga la yidhaa “ Guulwade: Sooyaalka iyo Saamaynta Guulwadaynta.” Waxa qoray Cabdifataax Qureysh. Waxa aan akhriyay 25-27 Maarij, 2021. 

6-     Buugga la yidhaahdo “ Afka Hooyo waa Hodan” ayaan akhriyay. Waxaa qoray Maxammed Baashe X. Xasan. Waxa aan akhriyay Abril , 2021.

7-     Buugga la yidhaahdo ‘ Samaha Islaamka’ ayaan akhriyay” May 09, 2021.  Waxa Af Carabi ku qoray Axmed Binu Yuusuf; waxaana Af Soomaali u turjumay Mustafe Faynuus.

8-     Buugga la yidhaahdo “ Samaasiratu Dimaa” oo Luuqadda Carabiga ku qoran ayaan akhriyay. Waxa aan akhriyay Julaay 25- Ogosto 8, 2021.

9-     Buugga la yidhaahdo “ Warjire”, waxaanan akhriyay 20-22 Ogosto, 2021.

10-Waxa aan akhriyay  buugga la yidhaahdo ‘ Hawaale Warran.’ Waxaanan akhriyay Ogosto, 2021.

11- Waxa aan akhriyay  buugga la yidhaahdo “ Layliga Suxufiga” ayaan akhriyay Sibtanbar 1-5, 2021.

12-Buugga la yidhaahdo “ Iigu Yeedh Maraykan” oo uu qoray Abdi Nuur Iftin, uuna turjumay Cabdiraxmaan Umal, Sibtanbar, 2021.

13-Buugga la yidhaahdo “ Dabinkii Lacagta” oo uu turjumay kamala Shaacir ayaan akhriyay Oktoobar, 2021.

14-Buugga la yidhaahdo “ Xasuusihii Guwaantanaamo” oo uu qoray Saalax, uuna Turjumay Cabdicasiis M. Iimaan ayaan akhriyay Oktoobar, 2021.

15-Buugga la yidhaahdo “ Waad Riyootee Runtu waa Maxay?” oo uu qoray Sh. Siciid ayaan akhriyay. Oktoobar, 2021 ayaan akhriyay.

16-Buugga la yidhaahdo “ Ma Innaguun baa?” oo uu qoray Siciid Jaamac Xuseen ayaan akhriyay Oktoobar, 2021.

17- Buugga la yidhaahdo ‘ How to Write Essays and Assignment”, oo uu qoray Kathleen McMillan iyo Jonathan Weyers, Noofanbar- Dec, 2021.

18- Buugga la yidhaahdo ‘ The 4- Hour Work in a Week.’ Oo uu qoray Timothy Ferriss ayaan akhriyay Dec, 2021.

19-Buugga la yidhaahdo “ Every Thing You Told Me Is True” oo ay qortay Mary Harper, ayaan akhriyay  Dec, 2021.

20-Buugga la yidhaahdo “ 100 Sheeko iyo Sheeko” oo uu qoray Maxamed Xasan Cali ( Weji), ayaan akhriyay  Dec, 2021.

Intaasi waa buugta ka badan 30 bog ee aan akhriyay, waxaa intaa ii raaca in aan akhriyay buug ku saabsan waxyaabaha aan barto ee manhajka iigu jira, kuwaasi way badnaayeen. Sidoo kale, waxaa buux ah maqaallada, cilmibaadhisaha, sheekooyinka, qoraallada kookooban IWM ah ee aan akhriyay. Kuwaasi tiro go’an oo aan sheegi karo malaha. Waa muush, iyo buux.

Qoraalladayda

Sannadkan marka akhriska laga yimaaddo qoraalka isbeddel badan ayaan ka sameeyay. Wax buug ah oo aan curiyay way jiraan, se weli way socdaan. Waxaa se badan maqaallada aqooneed ee aan qoray, gaar ahaan kuwa gaagaaban. Maqaallada dhaadheeri ma badna. Waxa aan ka xusi karaa:

1-     Safarkaygii Ceerigaabo. (https://abdirazaqsandheere.blogspot.com/2021/07/safarkayii-ceerigaabo.html )

2-      Siciid Sh. Samatar. (https://abdirazaqsandheere.blogspot.com/2021/01/siciid-sheekh-samatar-taariikhyahankii.html )

3-      Marka qofku Qalinjebiyo: Fursadaha iyo Caqabadaha (https://abdirazaqsandheere.blogspot.com/2021/11/marka-qofku-qalinjebiyo-fursadaha-iyo.html )

4-      Way timidday maalintii aan 12 sano sugaynay: Laba Xaaladood oo kala duwan (https://abdirazaqsandheere.blogspot.com/2021/09/way-timid-maalinteennii-12-sano-aynu.html ).

5-      Bandhiggii Buugaagta Jigjiga 2021 (https://abdirazaqsandheere.blogspot.com/2021/07/bandhigga-buugaagta-jigjiga.html ).

6-      Faallaynta Buugga “ Xasuusihii Guwaantanaamo.”  (https://abdirazaqsandheere.blogspot.com/2021/12/faallaynta-buugga-xasuusihii.html ).

7-      Faallaynta Buugga “ Layliga Suxufiga” (https://abdirazaqsandheere.blogspot.com/2021/12/faallada-buugga-layliga-suxufiga.html ).

8-      Sannadguuradii 2aad ee #Xogkorodhsi (https://abdirazaqsandheere.blogspot.com/2021/11/sannadguuradii-2aad-ee-xogkorodhsi.html ).

9-      Faallada Buugga “ Guulwade” (https://abdirazaqsandheere.blogspot.com/2021/04/faallada-buugga-guulwade.html ).

Qoraallada kale ee aan sida toddobaadlaha ah, ama maalinlaha ah u qoro ma aha kuwo aan halkan ku soo koobi karo. Labadaas ayaan tusaale ahaan u soo qaatay.

Turjumaadda



Qoraalka waxa ii soo raaca turjumaadda maqaallada, buugaagta, iyo qoraallada aqooneed. Sannadkan dhammaanaya ee 2021 waxa aan turjumay hal buug oo aan dhammaystiray, iyo mid dhammaad ku dhaw. Buugga aan turjumay waxa la yidhaahdaa ‘ Dhabbadii Dhibaadata: Hawlgalkii Sarihii Mataana ( 12 Sibtanbar).

Waxa jira buug qiima leh oo iyaguna turjumaaddoodu sannadkan 2021 ga la dhammaaday, waana diyaar. Se aanan shaacin, daabacaaddii uun ay u hadhay. Alle ha innagu simo.

Turjumaadda buugtaas waxaa ii raaca turjumaadda maqaallada, sheekooyinka, iyo waxyaabaha kale ee afafka qalaad ku qoran, loona baahi qabo. Tiro kuma soo koobi karo maqaallada afafka qalaad ku qornaa ee aan afka Soomaaliga u soo raray. Waxa aan ka xusi karaa kuwan:

1-      Cisa Binu Cabdisalaan: Suldaankii Culimada iyo Haldoorkii Gobta (https://abdirazaqsandheere.blogspot.com/2021/12/cisa-binu-cabdisalaan-suldaankii.html )

2-      Madaxweynihii hore ee Obama ayaa Sooyaalkiisa iyo jidkiisa ka warramay—Xaaladdiisana waxa uu ka dhigay Taariikh (https://abdirazaqsandheere.blogspot.com/2021/12/madaxweynihii-hore-ee-obama-ayaa.html ).

 

Gorfeynta Buugaagta #Xogkorodhsi



Buugaagta aan akhriyo in aan gorfeeyo oo waxa ay ka hadlayaan wax iska wayddiiyo muhiim baan u arkay. Sannadkii 2018kii ayaan arrintaas bilaabay. Sannadkii ku xigay ee 2019 inaan sii horumariyo ayaan qorshaystay. Markii hore maqaal ahaan ayaan ku so gudbin jiray, se waxa aan is idhi ‘ malaha waxa ka sii fiican inaad muuqaalna ku dartid soo dartid.’  Ugu danbayn waxa aan ku qancay inaan bilaabo sidii aan dadka ula wadaagi lahaa buugta aan akhriyo oo maqaal iyo muuqaal ba ah. Dhammaadkii sannadki 2019kii ayaan bilaabay. Se waxa aan buugta ugu badan soo gudbiyay sannadkan dhammaaday ee 2020 ga. Tacab badan oo hanti, waqti, iyo dadaal ba leh ayaa iga gala SOOGUDBINTA faallooyinka buugaagta. Wax dan ah oo shakhsi ah oo aan ku qabaa ma jirto.

Markii aan arkay inay bulshadu u baahantahay Barnaamij ay ka helaan buugaag kaladuwan oo loo soo koobo ayaan dadaal badan galay. Sababta aan buugaagta u gorfeeyo waxa ugu muhiimsan:

1-      In qofku xulasho samayn karo, oo buugaagta kala xulan karo.

2-    In qofkii waayay buug muhiima oo meel uu joogo aan oollini xogta buugga wax ka ogaado.

3-     In qofkii wax baadhayaa si fudud meel uu ugu hagaago helo.

 Waxa aan bulshada sannadkan 2021 ga  muuqaal ahaan kula wadaagay in ka badan 16 buug. Maqaal iyo muuqaal ba waa lagu heli karaa.

Dhammaan buugtaas waxa aad ka daawan kartaa Channelka #Xogkorodhsi.

Tifaftirka



Dhawr buug, maqaal iyo waxsoosaar kale ayaan sannadkan tifaftiray. Hawl yar maaha tifaftirku, waa masuuliyad waqti badan, iyo dadaal badan u baahan.

Safarrada



Sannadkan meelo badan ayaan tagay, meelaha aan tagay waxa ay iskugu jireen kuwo igu cusub iyo kuwa aan hore u arkay oo aan marlabaad booqday. Meelaha aan booqday waxa ka mid ah: Gebilay, Ceerigaabo, Jigjiga, Berbera IWM.

Gebilay



Gebilay waxa ay ku taallaa Galbeedka Soomaalilaan. Hargeysa waxa ay un jirtaa masaafo gaadhaysa qiyaas ahaan 6Okm. Waa magaalo cagaaran, waxa ay ku caantahay beeraha, cagaarka, nabadgalyada, aqoonta IWM. Marka magaalada la soo galayo waxa waddada  hareeraheeda ku yaalla dhir badan oo indhaha soo jeedinaysa. Dhirtaasi waa mid cagaaran oo indhaha u roon. Haddaba aniga oo ka duulaya in Gebilay tahay meel indhaha iyo qalbigaba u roon ayaan booqday Gebilay. Waxa xusid mudan inaan Gebilay marar badan oo isxigta sannadkan sii dhammaanaya ee 2021 booqday.



Gebilay waxa ay leedahay meelo badan oo la booqdo. Meelaha xiisaha leh ee aan booqday waxa ka mid ah Maktabadda Guud ee Gebilay ( Gebilay National Library). Maktabaddan waa mid si wacan loo dhisay, loona qaabeeyay. Intii ay jirtay oo aad ba u kooban waxa ay ka qayb qaadatay korukaca magaalada iyo horusocodka degmada. Waxa ay leedahay meel wax lagu akhristo oo hool ah. Waxa taalla buug badan, buugtaasi dhinackasta oo nolosha ah way ka hadlayaan. Sidoo kale, Maktabaddu waxa ay leedahay Hool wayn oo lagu qabto xafladaha, cawaysyada IWM. Maktabaddaasi dhinackasta magaaada Gebilay way ka anfacday oo waxbadan bay ku soo kordhisay.



Meelaha aan booqday waxa ka mid ah Dugsiga Qalax. Waxa uu ku yaallaa Waqooyiga Gebilay. Dugsigaasi waa dugsi qadiimi ah, waxa la dhisay muddo hore. Dad badan baa ka soo aflaxay. Berigii hore waxa uu ahaan jiray dugsi hoose/dhexe. Hadda waa dugsi sare. Waa meel qurux badan.



Sidoo kale, meelaha aan booqday waxa ka mid ahaa dhagaxaanta qurux badan ee la yidhaahdo ‘ Dhagaxsibiilka.’ Waxa ay Waqooyi kaga taallaa magaalada Gebilay. Waa dhagaxaan dabiici ah oo isasaaran oo aad u qurxoon. Dhagaxdaasi waa kuwo dabiici ah, waxayna leeyihiin qurux ashqaraar leh. Waxa ku soo jiidanayaa waxa weeyi sida lakabyada ah ee ay isku dul saarsaaranyihiin.



Ceerigaabo

27kii May, 2021kii xilli barqo ah waxa aan ka baxay magaalada Boorama. Saacaddu waa abbaaro 11kii barqannimo. Waxa aan u sii jeedaa oo ku socdaa magaalada Ceerigaabo. Waa markii ugu horraysay ee aan indhaha saaray Ceerigaabo. U jeeddada aan Ceerigaabo u tagayayna waxa ay ahayd safar shaqo, oo waxa aan ka shaqaynayay Doorashadii Isku Sidkanayd ee Soomaalilaan ka dhacday May 31, 2021ka. Markii koowaad ayaan tagay magaalada Ceerigaabo. Ceerigaabo waa caasimadda ama xarunta Gobolka Sanaag. Gobolka Sanaag waxa lagu naanaysaa “ Gobolkii Awawyada.” Ceerigaabo waa magaalo qadiimi ah. Muddo hore ayaa la degay.


Ceerigaabo waa Caasimadda Gobolka Sanaag. Waxa ay ku taallaa Bariga Soomaalilaan. Waxa ay ku jirtaa 6da magaalo ee Soomaalilaan ugu waawayn, sidoo kale waa caasimad ka mid ah 6da xarumood ee xukuma 6da gobol ee Soomaalilaan ugu waawayn. Marka Ceerigaabo lagu socda ee Galbeedka laga imanayo waxa la sii maraa magaalooyin badan, 5 ta magaalo ee Soomaalilaan ugu waawayn ee 5 ta gobol xukumana 4 magaalo oo ka mid ah waa la sii maraa.

Ceerigaabo xilli aroor hore ah ayaannu ku beegannay. Qabaw daran ayaan dareemay. Meel aan isleeyahay way cimilo kululayd ayaan ka imid sidii aan u arkayay. Waqtiga oo aroor ahaa, aniga oo dhar fudud xidhnaa, qaaddiraysnaa iyo jawiga oo qabaw ahaa waxa aan dareemay dhaxan. Aroortii magaalada ayaan iska galay markii aan magaalada imid, ma seexan, hurdana uma hollan.

Xilligii barqada waxa aan booqday fadhiistay maqaaxi caan ah oo magaalada ku taallay. Maqaaxida waxa la yidhaahdaa ‘ Xeelo.’ Waa maqaaxi in muddo ah jirtay. Hal arrin bay Maqaaxiyaha kale dheertahay. Arrintaasi ay dheertahay waxa weeyi in Shaaha lagu cabbo Jabcado, ama Fijaannada u jeeddooyinka kaladuwan loo isticmaalo. In shaaha Jabcad lagu cabbaa wac cusub maaha, oo aniguba xaafaddayada marka aan joogo Jabcadda waan ku cabbaa shaaha. Dadka qaar aan weligood Jabcad shaah ku cabbin ayaa u arka wax cusub.

Inaan meelo badan tago waan jeclaa, balse waqtiga iyo diyaargarawga ayaa igu koobnaa. Meelaha aan booqday waxa ka mid ahayd Buurta caanka ah ee Daalo. Daalo waxa ay waxyar oo aan badnayn u jirtaa magaalada Ceerigaabo. Waa silsilad caan ah oo aad u ballaadhan. Daalo, waxa ay leedahay qurux dabiici ah oo aad u qurux badan. Inta badan marka Ceerigaabo la tago iyadna waa la tagaa oo meelaha ugu horreeya ee la booqdo. Quruxda deegaanka, dhirta, xayawaanka, buurta iyo quruxda dabiiciga ah ayay indhuhu ku doogsanayaan. Fiiqa sare ee buurta ayaan koray, waxa ay indhahaygu qabteen meel laga gooyay geed aad looga wada xumaatay oo Sannadkii 2020 Dawladdu goysay. Sababta geedkaas loo geeyay waxa lagu sheegay inuu khatar ku ahaa dadka buurta booqda ee geedkaas fuula ee sawirka ku soo gala. Geedku wuxuu yaallay laalaadka buurta, qofka ka siibtaana naf laguma gaadhayn. In la gooyo may ahayn, waxa ay ahayd in xal kale loo keeno. 

3 cisho oo kale ayaan magaalada Ceerigaabo sii joogay. Meelaha aan booqday waxa ka mid ahayd Maktabadda Ceerigaabo. Aniga sida ii caadada ah Magaalo marka aan tago meelaha ugu horreeya ee aan booqdo waxa ka mid ah Maktabaha, xarumaha akhriska, iyo goobaha si uun ula xidhiidha akhriska, qoraalka, buugta, qalinka IWM. Intii aan Ceerigaabo joogay waxa aan booqday Maktabadda Ceerigaabo. Waa Maktabad kooban oo ay hammigeeda, abaabulkeeda, diyaarinteeda, hirgelinteeda, maamulkeeda, hannaankeeda, horusocodkeeda, hal'abuurkeeda, iyo horumarinteedaba dhallinyaro leedahay. Dhallinyaro isxilqaamayaal ah muddo aan sii dheerayn dhexda u xidhatay. Markii ay arkeen in magaalada goobaha akhrisku ku koobanyihiin ayay ku hammiyeen inay Maktabad dhex ah sameeyaan.

 Goobtu waa Hool wayn oo buug ku sharraxantahay. Khaanadaha waxa ka buuxa buug noockaste leh, balse aad mooddo inay Ingiriisi u badanyihiin. Kuraasi ku habboon wax akhriska oo wiilal iyo hablaba loogu talagalay ayaa yaalla goobta.

Jigjiga

Dhammaadkii bishii Juun, 2021ka waxa aan tagay magaalada Jigjiga.Magaaladaas 28keeda waxaa ka bilaabmayay Bandhigga Buugaagta Jigjiga. Bandhiggaas ayaa la igu martiqaaday oo aan martida gaarka ah ka mid ahaa. Sidaas darteed ayaan u tagay magaalada markan. Ma aha markii koowaad ee aan Jigjiga tago, waa markaygii labaad ee aan Jigjiga tago. Sannadkii 2019kii bilowgiisii ayaan markii koowaad booqday.

Sannadkan 2021ka waxa markii koowaad Jigjiga lagu qabtay bandhig buugeed.  Waa markii ugu horraysay ee bandhig noocan oo kale ah lagu qabto deegaanka Soomaalida.  Bandhiggu wuxuu socday 3 cisho. Wuxuu bilaabmay 28 Juun, wuxuuna dhammaaday 30 Juun. Bandhiggan waxa soo abaabulay oo waqti badan geliyay, xilna iska saaray Abwaan Maxamed-Haldhaa Cabdi oo ah qoraa iyo abwaan suugaanyahan ah oo aad uga shaqeeya dhinaca horumarinta Af Soomaaliga.

Bandhiggu bulshada waa u muhiim. Akhriska iyo qoraalka ayuu lafdhabar u yahay. Wuxuu kobciyaa maskaxda. Wuxuu bilaa bulshada iyo magaalada. Dad badan, iyo marti kaladuwan ayuu magaalada iyo dalkaba u keenaa. Indhaha caalamka guud ahaan iyo indhaha dadka ayuu ku soo jeediyaa.

Intii aan magaalada joogay waxa aan booqday Buurta Kaaramardha. Waxa dalxiiska buurta igu weheliyay qorayaashii iyo ka soo qaybgalayaashii bandhigga buugaagta Jigjiga, 2021. Buurtu waxa ay ku taallaa Jigjiga dhinaceeda, wayna u muuqataa oo inyar oo kooban ayay u jirtaa magaalada. Waa buur qurxoon oo aad u jawi wacan.

Waxbarashada

Sannadkan 2021 waxa ii rumawday rejo aan muddo dhawrayay. Muddo kooban ka hor ayaan bilaabay waxbarashadaba. Quraanka ayaan xifdiyay, Dugsiga ayaan dhigan jiray, dugsigii waan dhammeeyay. Haddana waxa aan bilaabay jaamacad. Ugu danbayn wax aan wadaba waxa ay noqotay inaan Jaamacaddii dhammeeyo.  Farxad wayn bay ii ahayd inaan waxbarasho aan muddo badan waday soo afmeero. Jaamacadda Cammud ayaan shahaadada heerka koowaad ka qaatay. Waa guul wayn oo shakhsiyan iisoo korodhay.

Shaqo


Sannadkan 2021 maadaama waxbarashadii qayb ka mid ahi iga dhammaatay waxa muhiim ahayd inaan shaqo bilaabo. Alle mahaddii shaqo waan bilaabay, waxaanan ka hawlgalaa shirkad wayn oo dalka waxbadan ku soo kordhisay.

 

Abaalmarin



Sannadkan dhawr abaalmarinood ayaan qaatay.  Ururka Birmad iyo ururka Care Any Age ayaa qabtay tartan ku saabsan qoraal maqaal. Aniga waxa ay ii garteen inaan noqdo mid ka mid ah qofkii kala xulayay tartamayaasha ( Charger). Markii aannu shaqadii dhammaynay ee si fiican u soo saarnay dadkii mudnaa ayaa anigana waxa ii garteen abaalmarin. Abaalmarintaasi waxa ay ahayd doorkii aan ka qaatay tartankaas iyo guud ahaan qoraalka.



Sannadkan 2021 ga waxaa la I siiyay abaalmarin ah in aan ka mid noqday dadka ugu wanaagsan dhinaca turjumaadda Soomaalilaan. Xarunta Rahdi Institute ayaa tartan qabatay, tartankii ayaan qayb ka ahaa, bulshadii aragtay ee sooyaalkayga turjumaadeed akhriday way ii qireen, ugu danbayna waan ku guulaystay. Sidoo kale, waxa aan noqday qofkii ugu wanaagsanaa dhinaca turjumaadda guud ahaan Gobolka Awdal, iyo gaar ahaan Boorama. Abaalmarinta waxaa la I siiyay Diisanbar 2021, Haldoor Hotel.



Sidoo kale, Shirkadda Sahanbooks oo aan afartii 5tii bilood ee u danbaysay ee sannadka 2021 aan la shaqaynayay ayaa igu maamuusay abaalmarin. Waxa ay ii garteen shahaado sheegaysa inaan si fiican sannadkaas ula shaqeeyay. Bishii Ogosto 2021 ayaan shaqada si rasmi ah ula bilaabay Sahanbooks. Aad bay u mahadsanyihiin.

 

 

Caqabadaha

Caqabuhu way badnaayeen. Waxa ugu adagi waxa ay ahaayeen waayahay nololeed oo kolba mawjad qofka ku soo beegaya. Dhinaca waqtiga sidii aan rabay ugama faa’ideysan. Waqti badan ayaa meelo aan habboonayn igu dhaafay.

Gebagebo

Sannadku wuu wanaagsanaa. Sidoo kale, wuu qadhaadhaa, oo xasuuso adeg ayaa ku jiray. Ka soo socda inuu sidan ka wanaagsanaado ayaan rajaynayaa.

Dhammaan buugta aan akhriyay ee wax ka qoray, iyaga oo maqaal ah INTA AAN FAAFIYAY waxaa laga akhrisan karaa: (http://abdirazaqsandheere.blogspot.com/ ). Inta aanan faafinna isla halkaas ayaan soo gelin doonaa Insha Allah. Sidoo kale, iyaga oo muuqaal ah waxaa laga daawan karaan Janalka #Xogkorodhsi (https://www.youtube.com/channel/UC-DTp2g1U0eiItbuLsNGFCA ).



Cabdirasaaq Sandheere

Boorama, Awdal.

Diisambar 31, 2021

 

 


Comments

  1. Ustaad cabdirisaaq, waxaad muujisay dadaal wayn oo wax ku ool ah. Waan kugu boorinayaa dadaalka aad bulshada u hayso walal. Sidoo kale dadkeena aan aqoon habka qoraalka toolmoon ee soomaaliga, iyana muhiim sii oo sidaad ku qaban lahayd tababaro samee insha allah.

    ReplyDelete

Post a Comment

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?