Damiir Dhintay!


                            


Nin weyn ama gabadh weyn oo 25+ ah, ayaa soo istaagaya masrax, waxaanna la odhanayaa Taariikhnololeedkiinna (Background) ka warrama. Hadalkaba waxay ka bilaabayaan “ Hooyadey iyo Aabbahay markay isguursanayeen, hooyadey waa lagu qasbay Aabbahay… Hooyadey godob ahaan ayaa loo guursaday…. Hooyadey gudniinka fircooniga ah ayaa lagu sameeyay oo runtii dhib badan ayay soo martay….. Aabbahay hooyadey wuu dili jiray.. Hooyadey markay I dhashay ayaa la furey oo 4 nin oo kale ayay guursatay, anna silic baan kala kulmay nimankaa hooyadey qabay......”

Dadka noocaas u hadla ee waliba masraxyo boqol indhood horfadhiyaan lagana duubayo ka sheega, waxaan u aqaan qof aan damiirnool (Consceince Life) lahayn. Damiirkii haba lahaadee maa noola wuu hawlgabay si kale aan u dhigo ‘ wuu dhintay damiirkii!’ Qofka haddii ayna jirin wuxuu xeeriyaa oo xidhaa xadka wuu dhaafayaa. Wax laga xishoodo ayuu ku faanaa. Wax laga aamuso ayuu ka hadlaa. Wax laga meeraysto ayuu ku dulwareeggaa. Wax la iska indhotiro oo aan habbooneyn ayuu ku raaxeystaa oo uu u dhugyeeshaa!  Hadduu qofka damiirku dhintana waa qalfoof oo xoolo waxba ma dhaamo. Xooluhu malaha damiir ay wax xun kaga joogsadaane waxay doonaan xumaan iyo samaanba way ku dhaqaaqaan, iswayddiin la’aan!

Waa arrin lala yaabo in qofku arrimo hoose oo qof ahaaneed masrax kaga xarrgoodo. Waanna arrin lala amakaago in qofkaasi aqoonyahan sheeganayo! Waana arrin lalasii fajaco in qofku hooyadii iyo Aabbihii ku mashquulo oo arrimo u gaar ah dad ayna khusayn uga warramo! Waana arrin lalasii yaabyaabo ah in qofkaasi sheeganayo in damiirkiisu saxyahay!

Asalka bannaanba maaha qofku in arrin sir ah oo qoskooga ka dhacdey in uu fagaaraha keeno, oo shaaricyada kaga afgobaadsado. Haddii laga fursan waayo kaliya waa in uu qofku xaaladda qoyskooga ku soo koobaa “ Danyar baan ahayn oo Aabbahay iyo hooyadeyba wax shaqo ah ma hayn…. Qaxooti ayaan degannayn oo waxbarasho ma helin…… Hooyadey iyo Aabbahay aniga oo yar ayay isfureen….. Xaafad danyara oo aan waxba haysan ayaan ahayn…Hooyadey waxay fadhiisanjirtay suuqa…….”

Damiirku waa waxa uu qofku noolaha la nool kaga duwanyahay, gallad dheeraad ahna uu ku leeyahay. Waa waxa qofka qeyb ahaan xajiya ee debra, meelo badan oo uu faawal ku geli lahaanna isagu ka qabta. Haddii uu qofku waayana waxkasta oo uu markii uu damiirku noolaa uu u arkayay bahdil ayaa u noqonaya sharaf. Wuxuu markuu noolaa u arkayay magacdil ayaa ugu muuqanaya magacsamayn iyo caannimo.

Cabdirasaaq Sandheere
15, May 2018


Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?