Falanqeynta Buugga ‘ Essentials of Argument ~ Seeska Doodda.’




Buuggan ladhkiisa la yidhaa ‘ Essentials of Argument ~ Seeska Doodda ’ waxa uu si guud ka hadlayaa habka wanaagsan ee doodda qofka arrin ku doodayaa uu u soo bandhigi karo, isaga oo aan ka tagayn dhaqanka bisaylka ah ee dooddu leedahay. Inta badan in qofku wax cariyo ayay qabtaa gabadha qoraayaddu. Sidoo kale, waxa ay aad ugu dheeraanayaa faa’idada iyo eesha ay u leedahay dooddu qofka doodaya iyo ka uu la doodayaba. Waxaa qortay Nancy V. Wood oo noolayd intii u dhexaysay (Juun 20, 1936 – Maarij 12, 2013), oo ahayd Qoraa, Abwaan iyo Sawirqaade Maraykan ah. Waxa ay aad ugu caan ahayd qoridda sheekooyinka gaar ahaan, iyo qoridda qoraallada aqooneed guud ahaan. Hadda mawdduucan doodda ku saabsan kan keli ah kuma madi ahee waxaa jiraa buugaag badan oo ay ka qortay ‘ Doodda.’ Buugtaa waxaa ka mid ah; Perspectives on Argument, iyo Writing Argumentative Essay’ oo isla mawdduucan hadda buuggani daaranyahay la xidhiidha.

Nancy, buuggan waxa ay qortay sannadkii 2005tii. Buuggu wuxuu ka koobanyahay 291 bogg. Waxa uu ka koobanyahay saddex qaybood oo aad u ballaadhanm, saddexdaa qaybood waxaa soo hoosgalaya illaa Toban Cutub oo aan iyaguba yarayne aad u cufan.

Marka koowaad, Nancy waxa ay iswayddiinaysaa ‘ Waa maxay Doodi? Maxaynnu u barannaa doodda, sabab?’ qeexitaanno badan ayay ‘ Dood’ waxa ay tahay ka bixinaysaa, mid ka mid ahi waxa weeyi ‘ Waa laba aragtiyood oo isku liddii ah, oo laba qof ama wax ka badan kala taageersanyihiin oo arrin lagu kaladuwanaan karo ku saabsan.’ Sababta doodda loo qabanayaana waxa ay tahay in dhegaystayaasha labada qof ee doodada isku dhegaysanayaa ay mid ku qancaan labadaa doodood tii macquulsan. Qoraa Nancy, waxa ay ku doodaysaa in sababta loo barto dooddu ama loo doodaa ay tahay in ay dadka dhisto oo  ay horumariso awooddii akhriseed, fekercarineed, qoraalleed ama hadal ee qofka ama ardeyga.

Waxa ay ku doodaysaa sababta ugu wayn ee buugeegan laga baran karaa inay tahay in qofku barto sida loo akhriyo, indha’indheeyo, loo dhegaysto, loona qiimeeyo dadka ka feker duwan ee doodda kale ama aragti kale qabo. Mar labaadka, in qofku u fekero si carin ah oo uu qoro ama usoo jeediyo si wacan oo dadka qancisa. Sidoo kale, qoraagu waxa ay qabtaa in qofku waxa uu ku doodayo ee uu mahwiga la imanayo uu isku habaysto oo ugu yaraan wax dhiibsan oo dhisan oo la fahmi karo uun la yimaaddo.

Intaa ka gadaal Qoraayaddu waxa ay qaybinaysaa doodda ‘ Immisa ayaa loo qaybiyaa doodda?’ Waxa ay u qaybisay laba qaybood; Mid Dhaqaneed, iyo mid ka dhaadhicin ah. Ta hore ee dhaqanka, waxa ay ku doodaysaa inay tahay mid hore oo guun ah oo ay isticmaali jireen dadkii qarniyadii hore. Waxaynna ku doodaysaa in Aristotle uu bilaabay, sida uu ku caddeeyay buuggiisa ‘ On Rhetoric’ intii u dhexaysay 360 illaa 334 BC. Tusaalayaasha qeybtaa dhaqanka waxaa ka mid ah ‘Masraxyada furan’ ee dadku wax ku kala faa’deystaan sida doodda loo qabto musharraxiinta doorasho galaya IWM. Waxa kale oo ka mid ah ‘ Dood’dhiibashada qofeed’ ee qofku intuu dad isku yeedho uu ka horhadlo iyaguna ay dhegaystaan, dabadeedna uu ku qanciyo.

Qeybta labaad ee doodda qoraayaddu waxa ay qabtaa inay tahay qaybtaa ‘ ka dhaadhicinta’ oo waxa ay ku doodaysaa inay tahay mid aqoon mugdheer la xidhiidha oo lagu keenay ama laga soo dhiraandhiriyay akhris, gorfeyn, qoraal, fekrad abuur cusub, aqoon cusub, iyo aaminaado runa oo la xidhiidha arrimo murugsan, misana cakiran. Sidoo kale, dhexdhexaadinta iyo waanwaantu inay qaybtan soo gelayaan ayay ku doodaysaa.

Nancy, waxa ay iswayddiinaysaa ‘ xaaladdee ayay Dooddu aad ugu wacantahay?’ Dabadeed waxa ay qabtaa in marka dhawr qodob laga helo ay dooddu si wacan u socoto, misana noqonayso mid la mahadiyo. Qodobbadaa waxaa ka mid ah:
1-     Inay jirto arrin laga doodayaa (Issue): Haddii ay jirto xaalad cusub ama arrin cusub oo soo darriday ama jirtayba, se aan wax xala laga gaadhin, waa in markaa xal laga gaadhaa. Waxa qasaba in xaluheliddaa arrintana ay fekrado kalageddisani iman doonaan.
2-   Doode: Waxaa iyana lagama maarmaan ah inuu jiro qof bilaabay doodda, ama curiyay oo dhaliyay asalkaba. Qofkaasi oo fekrad qaba, dabadeed dadka kale uu wayddiiyo waxa ay ka qabaan.
3-    Dhegaystayaal/ Markhaatiyaal; waa inay jiraan dad goobjoog ahi, ha ahaadaan kuwo ku raacsan ama ku diidan bee. Dadkaasina kaliya ma noqon karaan kuwa dhegaysta uune waxa ay noqon karaan kuwo akhrista, daawada, eega. Sidoo kale, waa inay fahmi karaan, fekeri karaan, su’aal wayddiin karaan, la faqi karaan, waxna uga jawaabi karaan.
4-   Waa inayt jirto meel laga duulayaa; Waa inay dooddu leedahay meel u dhex ah lana xidhiidha arrinta, oo labaduba ka duulaanayaan.
5-    Gole; dadku waxa ay u baahanyihiin fagaare ay ku doodaan oo ay ku dareen hal’abuurkooga, laguna dhegaysto waxa ay ka hadlayaan.
Intaa ka dib Nancy, waxa ay iswayddiinaysaa ‘ Goorma ama xaaladahee ayay dooddu dhicisoobaysaa ama guuldarraysanaysaa?’ waxa ay ku doodaysaa marka dhawr qodob laga helo in dooddu fashilmayso. Qodobbadaa waxaa ka mid ah:
1-     Ma jirto sabab loo doodo ama wax lagu kaladuwantahayba ma jiro; Waxa aynnu hore usoo carrabaabnay in dadku doodayaan ama doodduba imanayso marka uu jiro is afgaranwaa ama in wax si loo wada arki waayo ee wax lagu kala duwanaado, ee labo qof iyo wax ka badan fekrad isku diidaan. Markaa haddii aynna jirin kaladuwaansho doodi ma jirayso, hadday jirtana way fashilmaysaa.
2-   Dhibaato/ khatar; haddii ay jirto khatar ama dhibaato culus oo dadka qaar u diidan inay doodaan, sida qofka diiddan inuu wax cusub barto ama isaga xagjirnimo badani hayso, markaa way fashilmaysaa dooddii.
3-   Waxa adeg in la sameeyo meel laga duulo/ ma ba jirto meel laga duulo; sida aynnu hore u soo sheegnay dood aan lahayn meel ay sal ku hayso ama meel laga duulo oo laga karaarqaataa way fashilmaysaa.
Nancy, waxa ay aad ugu nuuxnuuxsanaysaa in qofku marka koowaad uu fahmo qofka uu la doodayo, iyo dadka dhegaysanayaba haddii la ishorfadhiyo, iyo inuu si wacan u fiiriyo ilaaliyo qoraalka qofka kale iyo erayada haddii arrintu qoraaltahay. Sidoo kale, in qofku aad u taxliiliyo waxa loo sheegayo marka uu dhegaysto ka dib, iyo inuu isagu fekerradiisa si wacan u dhiibto.
Qoraa Nancy, waxa ay in badan ku celcelinaysaa in qofku aad u baadho, oo nuqullada, buugaagta, jaraa’iddada, wargeysyada, iyo ilaha kale ee waxa laga baadhaba macmiil ka dhigto oo waqti badan saaxiib ka dhigto. Sidoo kale, inuu qofku meelaha uu indha’indhayn ku sameeyo meelaha wax laga urinayo kolba wixii xigtiisa xoojinaya ee kabaya aragtidiisa.
Waxa kale, oo ay Nancy meelo badan ku hingaadinaysaa in qofku carinta fekereed barto oo si wanaagsan oo aqoonaysan u fekero. Dabadeed, si gobonnimo iyo aqooni ka muuqato u cariyo dadka ka feker duwan. Waxa se ka mamnuuc ah qof wax carinaya inuu shakhsiyadda qofeed wax ka sheego in ka badan inta uu jabnaanta fekereed ee qofka wax ka sheegayo.
Mid kale, ayay aad ugu celcelinaysaa Nancy oo qofka doodaha ah kula talinaysaa. Waxa weeyi inuu qofku wax qoro, waliba wax qoro maahee wax hagaagsan oo hagarbax ah qoro, isaga oo qofku si aqoonaysan oo ilbaxnimo wax ka muuqato wax u qoraya. Waliba waa inuu qofku raaco hannaanka qoraalka. In qofku marka koowaad qoraalkii qoro, dabadeed indha’indheeyo, haddana saxo, dabadeed tifaftiro oo saxo, markuu saxo wixii ka danbeeya ayuu gudbin karaa. Waxa kale oo qoraayaddu ku doodaysaa in qofku qoraal sahamisan oo saxartiran qoro.
Intaa ka dib Nancy, waxa ay soo guurinaysaa dhawr qodob oo ay ka soo xiganayso Qoraa Stephen Toulmin, oo qoray buugga ‘ Uses of Argument.’ Qodobbadaa waxaa ka mid ah:
1-     Mucda Doodda; waata la iswaydiinayo, Muxuu qoraagu doonayaa inuu caddeey? Maxaa u sal ah?
2-   Xogta uu ku hayo wuxuu ku doodayo/ ama waxyaabaha uu ku taageerayo dooddiisa; waxa la wayddiinaya, xogta dheeraadka ah ee uu u hayo waxa uu ku doodayo? Waxa uu dadka ku qancinayo? Inuu tusaalayaal noolnool ka bixiyo fekraddiisa. Iyo sida uu u difaacayo.
Dhinaca caddeynta doodda, iyo waxa uu qofku ku taageerayo ama uu ugu qanacsanyahay aragtida, waxa ay Nancy iyada oo Aristotle ka soo xiganaysa sheegaysaa saddex qodob. Qodobbadaasi oo ay ku raacayso iyaduna waxoogaanna ku sii kabayso. Saddexda qodob waa kuwan:
1-     Inuu dooduhu sababeeyo aragtidiisa; qofka doodayaa waa inuu sababo macquul ah oo caqliga galaya, la fahmi karo, iyo dareenle  la yimaaddo. Waxa uu ku doodayaa waa inuu ahaado wax uu caddayn u hayo ama uu arkayba.
2-   Runnimada; Waa in dooduhu waxa uu ku doodaya sida ay u idilyihiin ay yihiin wax dhaba, oo aan guud ahaan waxa bini’aadanku islayaqaan uuna ka hor iman, gaar ahaanna waa inuuna dhaqanka meesha uu joogo uuna jidhdiidin.
3-   Waa inay Caaddifad ka madhantahay; Qofka doodaha ahi waa inayna wax caaddifad ahi ku jirin oo uuna cadaawad, murugo farxad iyo waxkasta oo dareen la xidhiidhaa aynna riixayn.
Maadaama qofku mawdduuc ama arrin ku doodayo, waa inuu xogbadan hayaa oo baadhaa. Baadhiddaa iyo xogtaa uu soo xiganayo ee kuu doodayo haddii uu meelo ka soo qaatay waa inuu xusaa, oo sheegaa, ee uuna qarin. Qoraa Nancy waxa ay doodayaasha leedashay ‘ Iska ilaaliya xatooyada’ iyo inaad qarisaan meeshii aad wax ka soo dheegateen ama xogtan aad ku doodaysaan aad ka keenteen. Waa muhiim in qofku xatooyadu iska ilaaliyo oo meeshii uu wax ka keenay iyo ciddii lahayd ba xuso.
Iyada oo arrintaa xatooyada sii dabasocoto Nancy, waxa aad ugu dheeraanaysaa qaabka loo qoro xigashada, iyo dheegashada xogta ama qoraallada aqooneed. Inta danbe ee  buugga arrintaa ayay xoogga ku saaraysaa. Waxa ugu muhiimsan waa sidii loo qorayo xigashada. Haddan Nancy, waxa ay qabtaa in loo qoro qaabkan ‘ La sheego meesha laga helay xogta, qofkii qoray, xilligii la qoray, meesha uu ku qoray, iyo sifooyinkii uu qoraalkaasi lahaa, haddii uu yahay maqaal, Joornaal, wargeys, Buug, Websayd ama meel kale oo wax lagu qoraba.


W/Q: Cabdirasaaq Sandheere.
May 31, 2019, ama 26 Rabadaan, 1440.




Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?