Faallada Buugga “𝐌𝐚𝐧'𝐬 𝐒𝐞𝐚𝐫𝐜𝐡 𝐅𝐨𝐫 𝐌𝐞𝐚𝐧𝐢𝐧𝐠"

 





Buuggan waxa qoray Viktor E. Frank. Qoraa Viktor wuxuu ahaa Dhakhtar maskaxeed iyo qoraa. Buugga wuxuu soo saaray sannadkii 1946kii.

 

Wuxuu kaga warramayaa xasuusihii uu ku soo arkay jeelka. Qoraagu dagaalkii 2aad ee dunida ayuu muddo xidhnaa, markaa wuxuu kaga warramaya waxyaabihii uu jeelka ku soo arkay iyo khibraddii uu ka bartay. Wuxuuna ka jawaabayaa wayddiinta ah ‘ Waa sidee maskax ahaan dadka xeryaha iyo jeelasha ku jiraa?’

 

Qaybta koowaad wuxuu kaga warramayaa wixii uu kala soo kulmay jeelka, qaybta labaadna wuxuu ku soo gudbinayaa aragtiya loo yaqaanno “Logotherapy” oo ah in qofku fahmo macnaha nolosha, aragtidaas iyo fekrada ay ku shaqaysana isaga ayaa ikhtiraacay oo soo dhiraandhiriyay.

 

Waxa aan halkan si kooban ugu soo gudbin doonaa cashirrada nolosha wax ka baddelaya ee uu buuggu ka warramayo:

 

𝟏. Aqbal wixii aanad awoodin maamulkiisa ( Cantrol)

 

Marar badan ma maamuli karno waxyaabaha innagu dhacaya, balse waxa aynu maamuli karnaa sida aan uga jawaabayno ama uga falcelinayno. Haddaba waxa aanad awoodin aqbal, ha la dagaallamin. Inaad aqbashid wixii aad awooddid waxa ay ku siinaysaa in aad  maamushid wixii aad awooddid, halkii aad ka maamuli waxkasta.

 

𝟐. Guushu waa midhaha ka dhasha hiigsiga

 

Halkii aad waqtigaaga iyo tamartaada oo dhan ku bixin lahayd si aad guulayste u noqotid, tamartaada iyo waqtigaaga geli sidii aad qiimo u abuuri lahayd, iyo sidii aad u samayn lahayd wax naftaada ka wayn, markaa guushu iyadaa iska iman.

 

𝟑. Silicu/dhibaatadu macne ayay leedahay

 

Qoraa Viktor wuxuu sharraxayaa in dhibaatadu qayb nolosha ka mid ah tahay, ayna tahay wax aan laga baaqsan karin, haddii noloshu macne leedahay, dhibaatada iyo silica ayay macne ku leedahay; waayo nolosha bini’aadanku dhibaato iyo dhimasho la’aan waa mid aan dhammaystirnayn.

 

𝟒. Dhibaatadu maaha joogto

 

Si kasta oo dhibaatadu u tahay wax aan laga baaqsan karin, haddana maaha wax joogto ah oo weligeed joogaysa. Waxa jiraya waqti xor la noqonayo marka dhibaatadu xadka ka badato.

 

 

𝟓. Ujeeddadu waa ta innaga dhigtay in aynu noolaanno

 

Qoraagu waxa uu xusayaa in qofka inuu noolaado inuu ku riixayo in ay jirto ujeeddo uu u noolyahay, haddii ayna jirin ujeeddo uu qofku u noolyahay way ku adkaanaysaa inuu noolaadaa.

 

6. Qofku isagaa samaysta himaladiisa/yoolkiisa

 

Noloshu way wayddiimo badantahay, wayn caqabado badantahay, waxayna innagu qasbaysaa in aan wayddiimaheeda ka jawaabno, caqabadaheedana la tacaalno; taasi waxa ay inna siinaysaa macnaha nolosha.

 

Waxa aan isha Mariyay Review ga uu sameeyay, waxna ka soo xigtay qoraa Muxsin Ixsaan, oo ah qoraa Baakistaani ah.

 

W/Q: Cabdirisaaq Sandheere

29 Ogosto, 2022.

 


Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?