Mu'addinkii Nebi Muxammed: Bilaal Binu Rabaax




Bilaal, waxa uu ka mid ahaa asxaabtii Nabiga kuwii ugu waaweynaa, ee ugu akhyaarsanaa. Waxa uu ahaa Mu’addinkii Nabi Muxammed SCW. Cod macaan ayuu lahaa Bilaal. Bilaal, waxa uu dhashay 43 sannadood ka hor hijrada. Waxa dhalay Aabbo la odhan jiray ‘ Rabaax.’ Hooyadiina waxaa la odhan jiray ‘ Xamaama.’ Agoonnimo ayuu ku koray Bilaal.

Markii Nabi Muxammed SCW soo baxay, Bilaal, waxa uu ahaa dadkii ugu horreeyay ee Rumeeyay Nabiga. Dadkii la dhibay, ee Islaamnimada daraaddeed loo dhibay ayuu ka mid ahaa. Wuu ku samray, oo u adkaystay. Gabadhii ugu horreysay ee Shahiidday ee SUMAYA, markii la cadaabayay, Bilaal na aad baa loo cadaabayay. Bilaal, meel kulul oo bacaada ayaa la dhigay, beerka ayaa dhulka loo dhigay, waxa lagu lahaa ‘ Muxammed cay’ isaguna wuu diiday, se marka ay aad u cadaabaan ayuu isaga oo qalbiga sidii saxda ahayd ka aaminsan waxa ay rabaan lahaa.

Ninkii kibray ee la odhan jiray Ummaya Binu Khalaf, oo addoonsan jiray Bilaal misana waqtigaa ahaa nin qooqay ayaa Bilaal inta uu qoorta xadhig kaga xidho carruurta u dhiibi jiray, markaas ayuu amri jiray inay la wareegaan buuraha Maka. Bilaal, wuu adkaysan jiray, oo wuxuu odhan jiray ‘ Alle kaliya ayaa jira.’ Abuubakar, ayaa ninkii addoonsan jiray Bilaal ee Ummaya Binu Khalaf u soo bandhigay inuu ka iibiyo. Ummaya, wuu yeelay oo wuu iibiyay Bilaal. Abuubakarna wuu gatay. Lacag qaaliya oo ah Sagaal Awaaq oo Dahaba ayuu ka siiyay. Abuubakar, waxa uu yidhi: “ Haddii aad diidi lahayd, oo aad odhan lahayd 100 iga sii, waan kaa siisan lahaa.”

Markii uu soo iibsaday Abuubakar, isla markiiba wuu xoreeyay. Wuxuu yidhi: “ Rasuulkii Alloow, waan xoreeyay.” Rasuulku SCW, wuxuu u oggolaaday Bilaal inuu Magaalada Madiina u hijroodo. Bilaal, wuu hijrooday. Isaga, Siddiiq, Caamir Binu Fihr, waxa ay dageen guri kaliya. Nimankii kaneeco ayaa cuntay. Wuu dadaalay, Bilaal. Rasuulka ayuu la saaxiibay. Marka uu Tukanayo wuu la tukan jiray, marka uu dagaal galayana wuu la geli jiray. Markii Nebi Muxammed SCW Masaajidkiisii dhisay, Bilaal waxa uu noqday Mu’addinkii ugu horreeyay.

Boqorkii Najaashi oo Xabashida maamulayay waxa uu Nebiga u soo hadiyeeyay Saddex Waran. Saddexdii Waran mid Nebiga ayaa naf ahaantii qaatay, mid wax uu u hadiyeeyay Cali Binu Abii Daalib, midkii kalana waxa uu siiyay Cumar Binu Khaddaab. Kiisii uu naf ahaantii qaatay ayuu Bilaal siiyay. Salaadaha Ciidaha, Roobdoonta, IWM Nabiga ayuu la tukan jiray. Dagaalkii Beder, ayuu Bilaal wuxuu arkay Abuu Jahal, iyo Ummaya Binu Khalaf, oo Seeftii Muslimiintu ku dhacayso.

Markii Rasuulku SCW uu furtay Maka, Bilaal wuu la socday oo garabkiisa ayuu ahaa. Markii Nebigu Kacbada galayayna saddex nin ayaa la saaxiib ahaa. Waxa ay kala ahaayeen:

1- Cusmaan Binu Dalxa oo ahaa hayihii furayaasha Kacbada Sharafta leh.
2- Usaama Binu Sayd, oo ahaa kii uu Rasuulku SCW jeclaa, iyo kii uu jeclaa inankiisii.
3- Iyo Bilaal Binu Rawaaxa oo ahaa Mu’addinkii Rasuulka SCW.
Weli qisadu way socotaa…

Ka akhriso Qisada oo Dhammaystiran Kitaabka aan turjumay ee " Milicsiga Sooyaalkii Asxaabtii Nebi Muxamed SCW ~صور من حياة الصحاية والصحابيات "

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?