Si Kooban Siirada/Taariikhda Nebi Muxammed SCW




Nebi Muxammed SCW wuxuu dhashay Bisha Rabiicul Awal, sannadkii 570kii. Wuxuu ku dhashay Maka. Aabbihii Cabdillaahi wuxuu dhintay isaga oo uurka hooyadii ku jira. Agoonnimo ayuu la kulmay yaraantiisii. Waxa naaska nuujiyay Xaliima-Sacdiya iyo Ummu Ayman. Miyi ayaa la geeyay, adhijire ayuu muddo ahaa. Hooyadii waxa ay dhimatay isaga oo 6 sano jir ah. Waxa kafaalaqaaday Awawgii Cabdimuddalib. Awawgiina waxa uu dhintay Nebiga 8 jir ah. Adeerkii Abuu Daalib ayaa Kafaalaqaaday, isaga ayuuna intii danbe ee noloshiisa la noolaa.

Waxyar ka dib ganacsi ayuu bilaabay. Reer ayuu adhi u eegi jiray. Haddana gabadh ganacsi lahayd ayuu awrta u kaxayn jiray, oo u kala maamuli jiray. Muddo ayuu shaqadaas hayay. Gabadha uu shaqayn jiray waxa ay ahayd Khadiija. Ammaanadiisa ayay jeclaatay, ugu danbayna waxa ay u soo bandhigtay inay isguursadaan. Wayna isguursadeen Nebi Muxammed iyo Khadiija. Nebigu wuxuu ahaa 25 sano jir; Khadiijana 40 jir guur hore soo martay.Noloshii qoysnimo ayuu galay.

Wuxuu ahaa qof sharfan oo aad looga tixgeliyo dadka dhexdooda, khilaafyada iyo isqabsiga yimaadna wuu xallin jiray. Tusaale ahaan, markii qabiilladii Qureysheed isku qabsadeen ciddii dhagaxa Kacbada dhigi lahayd, markii uu isagu noqday qofka go'aaminaya cidda dhagaxa dhigaysa way ku wada qanceen dhammaan qabiilooyinkii, waxayna yidhaahdeen " Raallo iyo badh baan ka nahay Maxammed Ammiin." Da'diisu 35 sano ayay ahayd.
Wuxuu ahaa qof dhawrsan, oo aan ku milmin dhaqanka meesha uu joogo ka jiray. Wuxuu bilaabay inuu magaalada buuqeeda & sanamyadan lagu caabudayo iskaga dheeraado oo gaar uga baxo. Wuxuu galay buuraha. Wuxuu geli jiray god la odhan jiray " Qaarun Xiraa." Halkaas ayuu sannado badan iskaga cibaadaysan jiray Diintii Awawgii Nebi Ibraahin SCW.

Muddo isaga oo godkiisii iskaga cibaadaysta ayuu Malaku Jibriil u yimid. Da'diisu waxa ay ahayd 40 sano jir. Alle ayaa Malaku Jibriil u soo diray. Malaku Jibriil wuxuu ku soo dejiyay Diinta Islaamka.

Sidaas ayuu Nebigu ku noqday mid adduunyada Diintaas Islaamka ee lagu soo dejiyay wax kaga baddela. Dadaal badan, socdaal dheer, qax, samir, wacdi, waano & dagaallo badan ayuu u galay sidii uu dadka Caalamka oo dhan Diinta u gaadhsiin lahaa. Wixii uu dadaal, deeq, maskax, muruq iy maal hayayba Diinta Islaamka ayuu geliyay.

Diinta darteed ayaa Maka looga saaray, loo caayay, lagaga dhiijiyay, loo qoomay, loo dhaawacay, loo tuuray, madheer dhabarka laga saaray oo waxkasta loogu sameeyay. Wuu u adkaystay. Ugu danbayna Caalamka oo dhan ayay gaadhay.

Nebigaasi hadda qofkasta oo Islaam ah ayuu hore ugu duceeyay, dartii ugu ilmeeyay, habeenno badan u ooyayay, Alle uga baryayay wanaag. Hadda waa adiga.

Maynaan arag, innagu. Se waynu rumeynay oo Diintiisii ayaa innoo soo gaadhay. Wuxuu mudanyahay in aynu waynayno, sharafno, ku dayanno, ixtiraamno, Sunnadiisa ilaalinno, difaacno, jeclaanno, oo u jeclaanno si ka badan sida aynu waalidkeen u jecelnahay.

Naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaato. Allah ha innaga dhigo intii rumeysyay, raacday dariiqiisii. Aamiin

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?