Shafeeca Waxbarashada Soomaalida #1


Waxaynnu qormadan kooban isla eegi doonaa waxbarashada iyo sida loogu ciyaaray Soomaalida dhexdeeda, qaabka doorkeedii loo dooriyey, iyo muuqaalka guud ee aan ka haysanno waxbarashadu in ay tahay shaqo. Waxa aan aad ugu dooddi doonaa in aynnu doorkeenni waxbarasho gabnay, kaliyanna noqotey ganacsi ka mid ah sida wax kala iibsiga. Waxa kale oo aan xoogga saari doonaa intaynnu sidaa nahay in dhibta iyo dheeftuba innoo simanyihiin. Ila soco!

Waxbarashadu waa habka loo koriyo maskaxda iyo maanka. Eraygan ‘Waxbarasho’ kooda horaba, waxa ay ka kooban tahay labo eray oo la isku daray, waxaynna kala yihiin ‘Wax’ iyo ‘Barasho’. Wax: waa aalad ama shay; Barasho: waa in aad ogaato shay aanad garanayn. Marka labada eray ‘Wax’ iyo ‘ Barasho’ la mataaneeyo, waxa ay noqonayaan ‘‘Waxbarasho”─ oo macnaheegu yahay in aad barato wax kaa qarsoonaa oo aanad garanayn. (Intaasi waa aragtideyda).

Markaan halkan taaganahay; yaannan illaawin in aan carrabaabo erayo kale oo ay isku dhaw yihiin amaba walaallo yihiin aabana wada dhaley kalmaddan ‘waxbarasho’. Erayadaa waxaa ka mid ah ‘Aqoon’. Haa. Waa eray sax ah oo Soomaali dhalad ah weeyi─ soogelooti ma aha. Waxaa kale oo isna jira eray kale oo ah ‘Cilmi’ isagu waa ergis oo waxaa laga soo ergistay Afka Carabiga. Waanna soogelooti, innaguna baadi buu yahay. Balse waa erayada aad ula falgaley Af Soomaaliga , looguna adeegsiga badanyahay. Waxaanna inta badan loo adeegsadaa marka la tilmaamayo aqoonta ama waxbarashada.

Soomaalidu markoogii hore waxa ay ahaayeen dad xoolo’dhaqato’beeraley ah. Waxbarasho iyo aqoonna lamay hasyan, manay laheyn goobo waxbarasho iyo manhaj waxbarasho. Marka aan xaqiiqada la iska indha tirey waxaa jirey Maddarasado (Malcaamado) ay wadaaddo geed hoostii ku lahaayeen─ oo lagu baran jirey Qur’aanka iyo arrimaha diinta. Taasiba waa nimcad. Balse ma jirin goobo kale oo lagu barto Sayniska, Kasmanafeedka, falsafadda, cilmiga bulshada iyo aqoonta kale─ weliba wixii ka horreeyey 1920-30.
Soomaalida kuwooga baraarugsanina waxa ay waxbarasho u doonnnan jireen waddamada debadda. Inta bandanna waxa ay indho yaqaaneen waddanka Yemanta (cadan) iyo kuwo kale. Waalidka carruurtaa dhaley mararka qaar ayaa dhanbaal farriimeed loosoo diri jirey, mana fahmeyn wax waraaqadda ku qoran─ wuxuu la raadsan jirey cid garanasa, hadduu helaba. Marka halkaa la joogo, waxaa haddaba soo iftiimay in wax-la-barto oo Dugsiyo wayda la furo, wax saa usii buuranna aan lagu baran. Haddiiba Dugsiyo la helay waa nimcad kale─ yaana si fiican waxba loogu barane. Inta bandanna waxaa laga furi jirey Dugsiyadaa tuulooyinka magaalooyinka u eeg, horta miyiga haba sheegin. Wax sidii la ahaadaba waatii Soomaalidii baraarugtey, magacyo hiyiga iyo caaddifadda kiciyana ku hadaaqday sida ‘‘Gobonnimodoon, Xornimodoon, Gumeysidiid…’’ Gaalkii caddaa ee gumeystayna ugu dambeyntii wax iska dul qaadey waxaynna heleen ‘‘Madaxbannaani’’ 1960kii. Markuu gaalkii caddaa kheyraadkii iyo aasaartii duugga aheydba ka dhargey ee uu ka dhammeystay ayuu ka huleelay wuxuunna iskaga nastay waddankiisii waayo u qufulnaa. Soomaalidii wuxuu kaga tagey ‘‘sayn qudhmuun’’ oo qalbiyadooda kasoo urta.
Soomaalidiinna waxa ay noqdeen qalfoof socda oo qalbigii laga qaatey. Markuu gu’yaal maqnaa habaaqabihii ayay Soomaalidii isku dayeen in ay boodhka iska jafaan dibna isku kabana isna debo qabtaa. Waayahay iyo waayahay ayaa la isku ogaadey.
Dabcan gumeysigaasi xag aqooneedna wuuka burburiyey wallow aynna aqoon buuranba laheyn markii hore, haddana intii ay haysteen wuu ka shaasheeyey. Markii dawladihii kala dambeeyey dhasheen way silcasuun aqoontu cid u aabbe ahina ma jirin. Waxaanna wax lagu garanayey afaf kale oo aan keennan─ Soomaaliga─ aheyn. Waxaa wax la taaban karo aqoonta u qabtay MD. Maxammed Siyaad Barre, oo isagu Afkii laga faani jirey qorey 1972kii , guddii ururisa xilsaaray, kuwo dadka bara, kuwo buugta qora, kuwo eary bixin sameeya….. Ilaa uu sameeyey olole─ oo illaa miyigii aan cidina ka war heyn la gaadhsiiyey. Dhammaan wixii buug ahaanna Af Soomaali u turjumey, haddey noqdaan Sayniska noocyadiisa kala duwan (Fiisikis, Bayooloji, iyo Kimistari), aqoonta bulshada, naxwaha, IWM. Dhankaa dhan dheh.
Markii afkii taabbagaley ayey aqoonteennina taabbogashey oo si niyad samaanna wax loo bartey ─ wallow ay xagga danbe ka fiishi doonto oo ay ka kharraabi doonta. Waa markaan idhaahdo ‘‘Dadku waxa ay niyad ugu heli waayeen aqoonta illeyn waxa ay aheyd tu aan afkoodii lagu barayn e af lasoo ergistay lagu jujuubayo.’’


Cabdirasaaq sandheere


Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?