Siciid Sheekh Samatar: Taariikhyahankii ugu afka dheeraa Cilmibaadhista Soomaalida

 

Siciis Sheekh Samatar,  waxa uu ahaa aqoonyahan, iyo sooyaalyahan Soomaaliyeed. Sannadkii 1943kii ayuu deegaanka Soomaalida ku dhashay. Yaraantii waxa uu ku soo kacaamay xooladhatannimo. Isaga oo muddakar ah ayuu waxbarashada bilaabay oo aabbihii u diray Magaalada Qallaafo. Halkaas ayuu muddo wax ka baranayay. Waxbarashada dugsiyada waxa uu ka dhammaystay Itoobbiya.

Jaamacadda qaybta koowaad, waxa uu ka bartay Goshen College oo Hindiya ku yaalla, wuxuu ka baxay Kulliyadda Taariikhda ‘history and literature.’ Shahaadada labaad ee Masterta waxa uu bartay Taariikhda Afrikaanka. Sannadkii 1979kii ayuu Shahaadada P.hD ka qaatay Jaamacadda Northwestern University’ oo ku taalla  Evanston, Illinois. Wuxuunna ka bartay Taariikhda Afrika. Wuxuu caawiye Baroofaseer ka ahaa Jaamacadda Rutgers University.

Wixii intaas ka danbeeyay waxa uu ku hawlanaa Taariikhd Afrika guud ahaan, gaar ahaanna ta Soomaalida. Waxa uu xubin sare ka ahaa ururka ‘Somali Studies International Association’ illaa iyo 1979kii. Waxa uu muddo tifaftire ka ahaa Joornaalka ‘Horn of Africa journal.’ Waxa uu lataliye sare u ahaa ‘Bildhaan: An International Journal of Somali Studies.’ Sannadkii 1995kii, isaga iyo Ismaaciil Cali Ismaaciil, waxa ay ka qaybqaateen qoraalkii Dastuurka Dalka Elatariya.

Warbaahinta kaladuwan kuwa maxalliga ah, iyo kuwa lookalka ah ayuu ka hadli jiray, oo barnaamijyo ka sii dayn jiray. Qoraallada uu qoro Siciid, waxaa xigan jiray Jaraa’iddada caalamiga ah sida NewsweekU.S. News & World ReportThe New York Times  iyoThe Washington Post.

Qoraallo aqooneed oo aad u farabadan ayuu Siciid qoray. Waxa ka mid ah maqaallada uu qoray:

1-      Oral poetry and political dissent in Somali society : the Hurgumo series", Ufahamu: A Journal of African Studies, 1989.

2-      How to Run an SNM Gauntlet", Horn of Africa, 13, Nos. 1-2, April–June 1990, 78-87.

3-      "The Search for Political Accountability in African Governance: The Somali Case"., African Governance in the 1990s (Atlanta: The Carter Center, 1990), pp. 165–168.

4-      "How to Save Somalia", Washington Post, December 1, 1992, A19.

5-      "The Politics of Poetry", Africa Report (September/October 1993), pp. 16–17.

6-      "Remembering B.W. Andrzejewski: Poland's Somali Genius", 1998.

7-      "'Sarbeeb' : the art of oblique communication in Somali culture", Wardheernews Online

8-      "Unhappy masses and the challenge of political Islam in the Horn of Africa", Horn of Africa, 2002.

9-      "An Open Letter to Uncle Sam: America, Pray Leave Somalia to Its Own Devices", Journal of Contemporary African Studies, July 2010, Vol. 28, Issue 3, pg 313-323.

Buugaag badan ayuu qoray. Waxa ka mid ah:

1-      Somalia: nation in search of a State (co-author: Laitin, David D.). Westview Press, 1987.

2-    Somalia: a nation in turmoil. Minority Rights Group, 1991

Buugta uu qoray waxa ka mid ah mid aan maalin dhawayd qoraal ka sameeyay oo la yidhaa “ Oral Poetry and Somali Nationalis: In Case of Sayid Mohamed Abdulle Hassan.” Buuggan waxa uu kaga warramayaa sida ay Soomaalidu gabayada iyo aftahamada ugu adeegsan jirtay Wadaniyadda. Waxa uu tusaale u soo qaadanayaa gabayaagii, halgamaagii, iyo waddanigii waynaa ee Sayid Muxammed Cabdalle Xasan. Buugga si kooban ayaynu u soo koobi.  Buuggu waxa uu ka midyahay taxanayaasha Afrika ‘ African Studies’ waana buuggii 32aad.  Wuxuu ka koobanyahay 248 bog. Buugga waxa uu daabacay 1982kii. Waxaanna daabacday Cambridge University Press. 

Gorfeynta Buugga halkan  ka daawo:  ( https://www.youtube.com/watch?v=XHrUlQqtfZY&t=5s ).

 

Xigashooyin

1-      https://web.archive.org/web/20120717051755/http://wardheernews.com/articles/July/7_Somalia%20%26%20Ethiopia_Geeldoon.htm.\

2-      https://en.wikipedia.org/wiki/Said_Sheikh_Samatar#cite_note-Easmoasc-7.”


C   Cabdirasaaq Sandheere


 

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?