4 ta Marxaladood ee Hodannimadu marto
1- Degganaan Dhaqaale
Xasilloonida dhaqaaluhu waa marka qofku iskii iskugu filabyahay, ee aanu waxyaabaha aasaaska ah iyo baahidiisa cidna u baahnayn. Sidoo kale, waa qofka oo aan wax dayna lagu lahayn ama aan dayn gelin. Dhinaca kale, waa qof ku filan oo bixiya biilasha cidkasta oo ku xidhan.Dhinaca kale, waa qof wax kaydsada oo dakhliga soo gala markuu kharashka ka bixiyo wax uga soo hadhaan.
2- Istaraatijiyad Dhaqaale
Waa marka qofku sameeyo maalgelin, ee waxyaabo badan maalgashado. Si kooban waa marka qofka lacagtiisu u shaqayso.
3- Xasillooni Dhaqaale
Waa qofku marka uu lacagtiisa ku raaxaysto, waa marka qofku cunto fiican cuno, dalxiis sameeyo ee socdaalo waawayn galo.
4- Xorriyad Dhaqaale
Marxaladdan qofka lacagtu lama wayna, sida uu doono ayuu samaynayaa.
Cabdirisaaq Sandheere
16 July, 2025
Comments
Post a Comment