Akhrinsiyaasadeedka Hadalkii Trilson


     
       

Hababka caalami (International System) Waxaa jira dhibaatooyin qotodheer. Hoggaaminta caalamiga ah ee ay u taagantahay USA, waxa ay wayday dhaqankii maalinlaha ahaa ee shaqada. Sidaa daraadeed ayey ilbaxnimada Reer Galbeedku usii qudhbaxasaa oo sii xumaanasaa; gaar ahaanna qaayasoorka (Qiyamka). Dhawaan waxa aan akhriyey maqaal canbaareynaya dimuqraadiyadda Galbeedka ee wayday iftiinka, sida ay u wayday runnimada, dhinac kale.

Madaxweynaha dalka ugu weyn caalamka [Trump] wuxuu ku caddeeyay Twitter-ka erintii Wasiirkiisa Arrimaha debedda. Clinton runbey sheegtay waqtigii ololaha lagu jirey ee ay loollamayeen Trump ayna sheegtay ‘ In Trump ugu danbeyn dawladdiisa ka maamuli doono Twitter-ka’.  Aaway Sharcigii?! Aaway duntii dimuqraadiyadeed ee ay Maraykan [ku soo caanomaaley] kuna faani jirtey waqti dheer?! Aaway caqligii mu’asaska ahaa ee Maraykan xukumayey?! Taasi ma wax dawlad la timaadaa [lagu maamulaa]? Mise waa wax shirkad lagu [maamulo]?

Dawladdii Maraykan ee distoorrada caalamka ugu fiican lahayd waxa ay noqotey mid u gacangasha qoys lacagley ah. Oo gacalnimo madaxweynihii xidhiidh qaar ula sameeyo, qaar kale ku burburiyo. Uu u safro caalamka isaga oo sita warqad madaxweynenimo, isaga oo aan garaneyn Wasiirka Arrimaha Debedda hadalkiisa! Taasi ma bilowgii taxallulkaa? Mise waa dhammaadkii shaqada hay’adaha dastuuriga ah?! Tani miyey soo hoosgalasaa hadalkii Allah ee ahaa: “وإذا أردنا أن نهلك قرية أمرنا مترفيها ففسقوا فيها فحق عليها القول فدمرناها تدميرا  ~”
Geeddisocodka dawladdu waxa uu leeyahay loojig, geeddisocodka shirkadduna wuxuu leeyahay loojig kale, waliba gaar ahaan marka ay shirkaddu koobantahay ee ay qof kaliya ku qotonto. Dawladdu waxa ay wax ku xukuntaa loojigga caddaaladda iyo wadatashiga. Shirkadduna waxa ay ku socotaa loojigga macaashka iyo tartanka. In la isku qaldo maaha labadaa loojig. Balse, ragga qaar ganacsatada marka ay dawladdu soo gasho awooddooda [ Xagga ganacsiga, suuqa xorta ah, tijaarada, Baayacmushtariga, IWM], dawladdu waxa ay waydaa qaayosoorkeedii.

Trump, arrintii wasiirka Arrimaha Debedda wuxuu kula dhaqmey sidii nin shirkaddiisa ka shaqeynaya oo kale. Sidaa daraadeed ayuu uga kaaftoomey shaqadiisa, ugamana warramin (uma sheegin!) Taasina waxa weeyi dhaqan Diblomaasiyadda ka baxsan, yaraysi bini-aadannimo, ka bixid qeybtii guud ee dhadhanka ilbaxnimada, iyo ku kicid qab weyn; kuwaas oo dhamina kuma jiraan fekerka qaanuuneed.

Waxa aan umaleynayaa in ka isku taagey qabashada shaqadan in uu yahay Muxamed Binu Saayid Al-Imaaratiyi, ama Maxamed Binu Salmaan As-Sucuudiya. Taasina qariibey ku noqotey dawlad [guun ku ah] gundheer dimuqraadiyadda. Sidaa daraadeed, waxa aan arkey dhammaan  qorayaasha iyo mufekeriintu in ay ka dayriyeen dhacdhacaa bilaa ilbaxnimada ah.
Wasiirka Arrimaha Debedda Maraykanku Mr Trilson, wuu diidey fekerrada Madaxweynaha ee la xidhiidha Arrimaha Debedda; gaar ahaanna Iiraan iyo hubkeeda Nuclear-ka, Kuuriyada Waqoooyi iyo hoggaamiyahooga damaca leh, Qadarta go’doonka la galiyey, iyo kuwo kale oo arrimo kulul ah. Halkan Trump ma rabo in uu ka dhageysto talada cid kale, illaa cid uu ka raalliyahay mooyaane! Siyaasadda Maraykankuna ma aqbalaso qaabkan. Sidaasuun Wasiirka Arrimada Debeddu u diiday hadalkii in uu  noqdo waraaqad uu isticmaalo. Akhlaaqda shaqada iyo damiirka bina-aadanku wuxuu sheegayaa in Trump iyo qoyskiisuba dabbaalanayaan meel meeshii saxda ahayd ka soo horjeedda.

Maraykan si waafaqsan muraaqibiinta dariiqyo kala duwan, haddii la aqbalo siyaasaddaa, waxa ay ku danbeyn baaba’.  Way uga digeen mu’asisiintu dawladdan in ay gacanta u gasho ganacsato iyo ciidan. Sidaa daraadeed ayey Distoorka ugu qoreen in uu difaaco madaniyadda Dawladda, muuqaal ahaan iyo ruux ahaanba. Sidey Distoorkaba ugu qoreen in la helo mu’asasaat difaaca arrimaha jiritaanka dawladda, xaqa shacabka, xataa kuwa xaqa shakhsiyaadka. Sidaa daraadeed taasi caqabad ku noqon mayso ragga waaweyn, inta ayna jirin baraarug bulsho iyo toosidda caqliyada reer Maraykan.

Trilson wuu tagey isaga oo wata Jucladii dulleynta aheyd ee uu ku soo tuurey Trump. Sidoo kale waxa uu caadi ahaan u la tagey mashruucii diididda Dadka Waaweyn! Haddii uu Trump ahaan lahaa, shacabka Maraykanka wuu ku ilaalin lahaa baraaruggaa. Taasi waxa ay ka mid noqon doontaa Taariikhda shakhsiyadeed ee ninkaa. Anigu waxa aan kalsoooni dhammaystiran  ku qabaa in uu wax ka qori doono tijaabintiisaa hodanka ah, ee shaqada iyo ninka maamula Ameerikada weyn, ee leh caqliga nin shirkad leh oo kale.

Xafiiskiisii ayu tagey, wuxuuna kalmad gaaban ku tuurey/yidhi shaqaalihii [Wasaaradda] Arrimaha Debedda. Wuxuunna u mahadceliyey dhammaan shaqaalihii iyo shaqaalehoosaadkii. Balse, waxba kama  odhan kalmad kaliyana ha ahaatee, Trump. Taasi waxa ay kor uqaadasaa safaasifta, noloshu waxa ay u ahaatey oo wada leh, waaweynka, qaadhgaadhka iyo yaryarka. Balse, yaryarka maaha inta badan.  

Ninkii Aqalkacad caqliga iyo toosinta ku joogey wuu tagey, wuxuuna kula dhaqmi jirey caqli arrimaha kulul. Wuxuu arkayey in Ruushku yahay cadaw foodda ku soo haya, in Jayne yahay  awood dhaqaale oo la tartamasa, iyo in Iiraan tahay awood, ayna doonaso in Bariga Dhexe ay cadaw dhaba kaga dhigto Galbeedka. Balse, Trump ma raba/doonayo in uu dhegayso hadalkan caqligalka ah. Wuxuu rabaa in uu hammigiisa degdeg u rumeeyo. Waqtiga u hadhayna wuu yaryahay. Waxaa waajib ah in uu ka dhabeeyo waxa dhulka ka dhacaya, oo ayna caqabadna ka hor iman. Wuu guurey ninkii caqliga badnaa (Trilson), baddelkiisana waxaa yimid cid waafaqsan aragtida Trump uu caalamka ka qabo!
Waqtiga soo socda xaaladdu way ku adkaan doontaa Bariga Dhexe, waxaanna ka sii adkaan doonta Falastiin, Qasa. Waxay noqon doontaa xaaladda Falastiin mid ku jirta gooddi daran dhexdeed. Aqalkacad waxaa joogga koox waxkasta isku ad’adkeysa, waxayna leeyihiin muyuul siyaasadeed oo isku dhawdhaw iyo aaminad kaliya oo ku wajahan dhacdoonka caalamka Islaamka.
Waqtiga soo socdaa u fududaan maayo shacabyada daneeya xorriyadda iyo xarakadaha siyaasadda ee ka shaqeeya wanaagga isbeddelka nabedgalyada. Halkaasi waxaa yaal dareen badhaadhe. Haddii ayna jirin wahmiga midigta Islaamka ee xadgudbay ( Muxammed Binu Zayid+3)─waanna Sucuudiga, Baxreyn, iyo Masar. Ninka arrinta shookaanta hayaana waa Muxammed Binu Zayid, kuwa kalana waa raacayaal wareeggga uun. Mid ka mid ahi wuxu sheegay in uu ka danbeeyay odhaahdii Wasiirka Arrimaha Debedda, Trilson. Waa arrin la fogeysan karo, balse, xagga muuqaalka run noqon karta.  Mararka qaar ayuu qabuul noqdaa hadalka ka soo fula/yidhaahdo shaqaale.
Midigta Islaamka ee xadgudbey ma garanayaan xaallada saqaafadeed ee Ameerika. Ameerika marka ay baraarugto awooddeedii way soo celisaa. Sidaa daraadeed ayuu mid Fahmad badani u qorey in “In Gobolladii midoobey (USA) isku baddeleen Imaaraatkii midoobey.” Taasi waa xaalad laga soo reebay, balse, waxaa laga yaabaa in ay khatar ku noqoto mandiqadda Carabta iyo Islaamka.

Waxaa yimid Mike Boom, oo ah ninkii Trump aragtida iyo jihayntaba la wadaagey, wuxuuna  khibrad ballaadhan u leeyahay Amniga iyo Ciidamada, in bandanna wuu ka soo shaqeeyay. Wuxuu ka soo qalinjebiyey Jaamacadda HARVARD. Wuxuuna leeyahay shirkad gaar ah oo ka shaqeysa Cilmibaadhista. Maalmaha soo socda wuxuu qaadi doonaa sirar aynu garan doono waqti dheer ka dib.

Arrin muhiim ah ayaa ka jirta Ameerika, aragtida guudi aad bey u xoog badantahay Ameerika. Shacabka Ameerika wuu baraarugsanyahay. Jaaliyadda Islaamka ah ee ku sugan [Maraykan] waxa ay ka cabsanasaa isbeddelka wayn ee ku dhacay  dhismaha Ameerika. Balse, way jiraan cid aaminsan waynida Ameerika, xagga Distoorka, qiimaha ay u hayso Dimuqraadiyadda iyo saqaafadda tirade ah [ ee ay haystaan]. Bulshada Ameerika waxa ay dhistay aaminnaadda, awoodda maaha, waana bulsho hubeysan. Qof qofka xoogweyni ma jiro, balse, waxaa la isku waafaqay in muwaadin kastaa xaqiisa si awood leh ku helo; sidaasayna Ameerika ku noqotey meel gudaha awoodo ka leh.



W/T: Cabdirasaaq Sandheere (Af Soomaali)      
W/Q: Cabdiraxmaan Bashiir (Af Carabi) Taariikhda: 15-03-2018, Salaasa. Wuxuuna ku qorey boggiisa: (@Cheick Abdourahman Bachir )
wuxuuna u sameeyay ciwaankan (قراءة سياسية حول إقالة تيرلسون)
Waxa aan tujumey 16-17 Marij 2018.
                                       
                          

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?