Dhiil



                                                    
Dhiil, waa sheyga caanaha lagu lulo. Waxa laga qoraa Ubbo. Ubbadu geedbay ka baxdaa. Inyar oo naqan ayay marka koowaad tahay, oo waa sidii shey dhashay oo kale. Way kortaa, oo dabadeed waynaataa oo noqotaa bahashaa way ee caanaha lagu lulo. Ubbadda marka la soo gooye ee inta hoose laga guro ayaa sidii weel oo kale laga dhigaa. Marka banneeyo ee la diyaariyo waalla qoraa oo afka ayaa laga hagaajiyaa. Marka afka la habeeyo, waxaa afka loo sameeyaa fur yar oo xagga hore maydhax lagaga xidhay oo le’eg.

Markan intaa la sameeyo, waxaa loo sameeyaa shey ulo geed laga sameeyay, oo la isku taxay. Waxaanna la yidhaa ‘ Saab.’ Saabku waa waxa ay ubbadii yarayd ku jirto. Ubbadii iyo saabkiiba magac ayay qaadanayaan ah ‘ Dhiil.’
Marka koowaad caano lis ah ayaa lasoo qaadaa oo inta meel la dhigo la daayaa in ay yara fadhiisanaayaan. Marka ay fadhiistaan ee ay gadhoodh noqdaan ayaa inta dhisha lagu shubo la lulaa.

Dhiisha waxa lagu lulaa caanaha xoolaha, gaar ahaan lo’da iyo adhiga. duwan Marka la lulo waxaa laga saaraa oo ka baxa ‘ Subag’─waxaanna loo yaqaan subagga dhiisha laga saaro ‘ Burcad.’ Burcadkaasi wuu fadhiyaa oo waaka lagu subkado ee lagu dhaashado. Marka la rabo in Subag saafi ah laga dhigo waalla diiriyaa oo dabkaa la saaraa. Dabadeed wuxuu kala noqdaa labo shay: In xagga sare marta oo ah ‘ Subag Saafi ah’; iyo in xagga hoose ku hadha oo loo yaqaan ‘ Heemaar’─oo ah wixii ka baxay saafigaa. Ka suuqyada lagu iibiyaa waa kaa Saafiga ah oo heemaarkii mar hore laga saaray.

Caanahaasi waxa ay noqdaan, caano sidii hore ka duwan; dhadhan ahaan iyo midab ahaan ba. Caanihii hore waxa ay ahaayeen kuwo ‘ Dhay’ ah; halkan kuwan subagga laga saaray la yidhaa ‘ Ciir.’ Ciirtu way macaantahay oo waalla cabbaa.


Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?