Xalqadda 4aad:Turjumaadda Barnaamijka Qalbi Idma'an (قلبي اطمأن): Dadka Waxbarashada Awoodi Waayay

 


Waa xalqaddii 4aad. Markan Qays waxa uu tegayaa dalka Suudaan. Dadka uu caawinayaana waa dhinaca waxbarashada. Waxa uu tegayaa xaafad, albaabka ayuu garaacayaa. Albaabka waxa ka furaysa haweenay Hooyo ah. Waxa ay ka codsanaysaa inuu soo dhawaado. Hadalladan baa dhexmaraya Qays iyo Hooyada:
- Hooyaad tahay miyaa?
- Haa, Ummu Usaama ayaan ahay.
- Yaa xaafadda biiliya?
- Aniga. Waayo, aniga iyo ninkaygii waan kala tagnay! Inankaygii waynaa gacantaa laga toogtay, waana la qalay, ka dibna way jabtay. Alle ayaa mahad leh. Walaashiisa yar ee Amna dugsiga waa laga soo eryay xaalado jira aawadood. Inankayga yar ee kale ee Ibraahin na waa laga soo eryay waxbarashada, kaliya hadda waxa waxbarta inantayda ugu yar.
- Ma hal qof kaliya ayaa carruurtaada wax ka barta?
- Haa.
Hadda Hooyadani waa gabadh qoys dhan ka masuul ah oo biil ka sugayaan, waxba ma haysato, wax dakhli ahina meelna kama soo galaan. 3 ka mid ah carruurteedu waxba ma bartaan.
Ka dibna Qays baa Hooyada wayddiinaya " Inay maanta Qureec haystaan?" Waxa ay u sheegaysaa in ayna haysan. Haddana Qadada inay haystaan iyo in kale ayuu wayddiinayaa, waxa ay u sheegaysaa in xataa ayna Qado haysan. Waxa ay xusayaa inay maalin iyo habeen hal MAR kaliya ay wax cunaan. Ka dibna way ooyay, shalmaddeeda ayay oohintii iska tirtiraysaa. Qays baa odhana " Maxaad la ooyaysaa?" Hooyadii baa leh ' Waan murugaysanahay.'
Qays baa ku odhanaya ' Wax ka akhrin kartaa?' Hooyadii baa leh ' Haa.' Ka dibna Qays ayaa boorsadiisa gacanta gelinaya, wuxuuna ka soo saarayaa Envelope. Envelope kii ayuu u dhiibayaa, wuxuuna ku leeyahay ' Eeg wax ka jira.' Wax farxad geliy ayay ka helaysaa, ka dibna ilmo farxadeed ayay ooyaysaa.
Qays waxa uu u sheegayaa inuu Qado u gedi doono. Ka dibna Hooyadii oo ooyaysa ayaa odhanaysa ' Lacag igu filan waan helaye qofkasta oo aan awoodo waan caawin doonaa.' Qays baa u sheegaya inay waxoogaa mawduuc ka wada hadlaan, wuxuuna ku odhanayaa lacagtan marka hore cunto ku iibso, ka dibna carruurtaada Dugsi ku gee oo waxbarashada ha sii wataan.
Ka dib waxa uu arkayaa ilmi ay dhashay gabadhu oo agtooda ku ciyaaraya, Qays wuu u yeedhayaa, wuxuuna siinayaa hadiyad.
Aad bayna Qays ugu ducaynaysaa, Allana aad ayay ugu mahadcelinaysaa. Ka dibna way ismaca salaamaynayaan.
Halkan ka daawo Muuqaal ahaan: https://youtu.be/Lm6o9WrLXmw

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?